(ERGO) – Xasan Cabduqaadir Axmed oo ah 12 jir wuxuu ku faraxsan yahay in iskuulkiisa oo ku yaalla kaamka Haddii-la-yaabo-Yaasiinka ee deegaanka Garasbaalley uu ka helo waxbarasho iyo cunto labada waqti ah. Wuxuu ka mid yahay 800 oo arday ah oo dhigta afar iskuul oo ku yaalla Garasbaalley iyo degmada Kaxda, kuwaas oo ka faa’ideysanaya waxbarasho iyo cunto lacag-la’aan ah.
“Markaygii hore ma aqoonin [far] Soomaaliga. Wax aqriska iyo wax qorowga dhibaato ayuu igu ahaa. Waxaan helay iskuul aan wax ku barto iyo macallimiin si nadaam ah wax noo bara. Marka wax la aqrinayo qofka bani’aadamka ah wuu noogaa, markaan iskuulka joogno wax baranno kaddib waa nala soo fasaxaa, saf ayaan galeynaa. Mishaariyaan cabbeynaa, kaddib fasalkeenna ayaan ku laabaneynaa, haddana xiisadaheenna ayaan qaadaneynaa,” ayuu yiri Xasan oo iskuulka Kooshin ku biiray bishii Diseembar 2021.
Xasan hooyadiisa ma aysan awoodin inay geyso iskuul lacag ah. Wuxuu sheegay inuu is ciili jiray marka uu arko ardayda da’diisa ah oo waxbaranaya. Geeddigiisan cusub ee tacliinta wuxuu ka filayaa natiijo wanaagsan oo uu uga farxin karo hooyadiisa.
“Hooyadey waxay iskuulka ii keentay inaan berri ka maalin wax u qabto. Berri ka maalin waxaa laga yaabaa inaan xafiis fariisto oo aan qalin ku shaqeysto iyadana aan wax u qabto,” ayuu yiri.
Nolosha qoyska Xasan oo ka kooban lix carruur ah iyo hooyadood ayaa ku tiirsan shaqo xamaali ah oo ay hooyadu u aaddo suuqa Bakaaraha. Carruurta labadooda waalid way kala tageen, aabbuhuna ma biilo.
Sucdi Cali Yuusuf waxay afar ka tirsan lix carruur ah oo ay ku dhashay ay ku dartay dugsiga hoose/dhexe ee Nadiifo oo ku yaalla xerada barakaca Al-hiddaaya. Haweeneydan oo ka soo barakacday deegaanka Dacaaraha ee gobolka Shabeellaha hoose uma aysan maleynayn in carruurteeda ay waxbarasho heli doonaan. Hase yeeshee, waxay ku faraxsan tahay inay cunto iyo waxbarasho ay isku heleen.
“Danyar ayaan iska ahayn, waxaan haysanay ma lahayn, reer baaddiyana waan iska ahayn. Inta haddaan imaannay, waxaan ka walwalsanayn waxbarashada carruurta. Farxaddeyda farxad la soo koobi karo ma aha, ilmahayga oo wax ii baranaya wax ii akhrinaya markaan arko,” ayay tiri.
Sucdi ayaa sheegtay in carruurteeda ay ula soo barakacday Muqdisho si ay uga badbaadiso baahi, maaddaama uu qallalay webiga Shabeelle oo beertooda ay ku tiirsanayd.
Aadan Maxamed Cismaan oo ah aabbaha siddeed carruur ah wuxuu iskuulka Nadiifo ka diiwaangeliyay lix carruur ah. Wuxuu sheegay in carruurtiisa ay iskuulka ka hareen dhamaadkii 2020-kii kaddib markii uu u xirmay dhaqaale-la’aan.
“Waxbarasho-la’aan ayay ahaayeen ilmaha, waa iska fadhiyeen. Hadda waxaa na loo dhisay iskuullo musqulo, biyo iyo cunto bilaash ah leh. Subaxdii mushaari baa la siiyaa, duhurkii haddana waxaa la siiya canbuullo, maadaama xoolo la waayay,” ayuu yiri.
Aadan wuxuu xerada Al-hiddaaya ku soo biiray 2016-kii, markaas oo laga soo saaray xero barakac oo ku taallay xaafadda Galmudug ee degmada Dharkeenley. Wuxuu ku jiraa dadkii abaartii 2011 ka soo barakacay deegaanka Kurtuwaarey ee Shabeellaha hoose. Wuxuu soo maray dhowr xero oo ku yaalla Muqdisho.
Fulinta mashruucaan oo wax lagu barayo carruurta qoysaska barakaca ah, waxaa fullineysa hay’adda Nomadic Assistance for Peace and Development (NAPAD) oo ka shaqeysa arrimaha nabadda iyo horumarka. Sida uu qorshuhu yahay wuxuu socon doonaa ilaa Diseembar 2023-ka.
Maamulaha mashruuca waxbarashada u qaabilsan hay’adda NAPAD, Cabdiraxiin Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay go’aankan gaareen si ay waxbarasho u helaan ardayda aysan waalidiintooda awoodin iskuulada lacagta lagu dhigto. Wuxuu sheegay in hay’addooda ay sidoo kale biyo-dhaamin u sameynayso qoysaska barakaca ah ee ku nool xeryaha ay ka hirgeliyeen dugsiyada.










