Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xeryo ku yaalla Muqdisho oo laga hirgeliyay dugsiyo bixiya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

Radio Ergo by Radio Ergo
February 9, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somali live news, Radio Ergo news, Mogadishu live news, Education

Ardayda qoysaska soo barakacay oo fadhiya fasalka mid ka mid ah dugsiyada bixiya waxbarashada bilaashka ah iyo quudinta/Axmed Maxamed Maxamuud/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Cabduqaadir Axmed oo ah 12 jir wuxuu ku faraxsan yahay in iskuulkiisa oo ku yaalla kaamka Haddii-la-yaabo-Yaasiinka ee deegaanka Garasbaalley uu ka helo waxbarasho iyo cunto labada waqti ah. Wuxuu ka mid yahay 800 oo arday ah oo dhigta afar iskuul oo ku yaalla Garasbaalley iyo degmada Kaxda, kuwaas oo ka faa’ideysanaya waxbarasho iyo cunto lacag-la’aan ah.

“Markaygii hore ma aqoonin [far] Soomaaliga. Wax aqriska iyo wax qorowga dhibaato ayuu igu ahaa. Waxaan helay iskuul aan wax ku barto iyo macallimiin si nadaam ah wax noo bara. Marka wax la aqrinayo qofka bani’aadamka ah wuu noogaa, markaan iskuulka joogno wax baranno kaddib waa nala soo fasaxaa, saf ayaan galeynaa. Mishaariyaan cabbeynaa, kaddib fasalkeenna ayaan ku laabaneynaa, haddana xiisadaheenna ayaan qaadaneynaa,” ayuu yiri Xasan oo iskuulka Kooshin ku biiray bishii Diseembar 2021.

Xasan hooyadiisa ma aysan awoodin inay geyso iskuul lacag ah. Wuxuu sheegay inuu is ciili jiray marka uu arko ardayda da’diisa ah oo waxbaranaya. Geeddigiisan cusub ee tacliinta wuxuu ka filayaa natiijo wanaagsan oo uu uga farxin karo hooyadiisa.

“Hooyadey waxay iskuulka ii keentay inaan berri ka maalin wax u qabto. Berri ka maalin waxaa laga yaabaa inaan xafiis fariisto oo aan qalin ku shaqeysto iyadana aan wax u qabto,” ayuu yiri.

Nolosha qoyska Xasan oo ka kooban lix carruur ah iyo hooyadood ayaa ku tiirsan shaqo xamaali ah oo ay hooyadu u aaddo suuqa Bakaaraha. Carruurta labadooda waalid way kala tageen, aabbuhuna ma biilo.

Sucdi Cali Yuusuf waxay afar ka tirsan lix carruur ah oo ay ku dhashay ay ku dartay dugsiga hoose/dhexe ee Nadiifo oo ku yaalla xerada barakaca Al-hiddaaya. Haweeneydan oo ka soo barakacday deegaanka Dacaaraha ee gobolka Shabeellaha hoose uma aysan maleynayn in carruurteeda ay waxbarasho heli doonaan. Hase yeeshee, waxay ku faraxsan tahay inay cunto iyo waxbarasho ay isku heleen.

“Danyar ayaan iska ahayn, waxaan haysanay ma lahayn, reer baaddiyana waan iska ahayn. Inta haddaan imaannay, waxaan ka walwalsanayn waxbarashada carruurta. Farxaddeyda farxad la soo koobi karo ma aha, ilmahayga oo wax ii baranaya wax ii akhrinaya markaan arko,” ayay tiri.

Sucdi ayaa sheegtay in carruurteeda ay ula soo barakacday Muqdisho si ay uga badbaadiso baahi, maaddaama uu qallalay webiga Shabeelle oo beertooda ay ku tiirsanayd.

Aadan Maxamed Cismaan oo ah aabbaha siddeed carruur ah wuxuu iskuulka Nadiifo ka diiwaangeliyay lix carruur ah. Wuxuu sheegay in carruurtiisa ay iskuulka ka hareen dhamaadkii 2020-kii kaddib markii uu u xirmay dhaqaale-la’aan.

“Waxbarasho-la’aan ayay ahaayeen ilmaha, waa iska fadhiyeen. Hadda waxaa na loo dhisay iskuullo musqulo, biyo iyo cunto bilaash ah leh. Subaxdii mushaari baa la siiyaa, duhurkii haddana waxaa la siiya canbuullo, maadaama xoolo la waayay,” ayuu yiri.

Aadan wuxuu xerada Al-hiddaaya ku soo biiray 2016-kii, markaas oo laga soo saaray xero barakac oo ku taallay xaafadda Galmudug ee degmada Dharkeenley. Wuxuu ku jiraa dadkii abaartii 2011 ka soo barakacay deegaanka Kurtuwaarey ee Shabeellaha hoose. Wuxuu soo maray dhowr xero oo ku yaalla Muqdisho.

Fulinta mashruucaan oo wax lagu barayo carruurta qoysaska barakaca ah, waxaa fullineysa hay’adda Nomadic Assistance for Peace and Development (NAPAD) oo ka shaqeysa arrimaha nabadda iyo horumarka. Sida uu qorshuhu yahay wuxuu socon doonaa ilaa Diseembar 2023-ka.

Maamulaha mashruuca waxbarashada u qaabilsan hay’adda NAPAD, Cabdiraxiin Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay go’aankan gaareen si ay waxbarasho u helaan ardayda aysan waalidiintooda awoodin iskuulada lacagta lagu dhigto. Wuxuu sheegay in hay’addooda ay sidoo kale biyo-dhaamin u sameynayso qoysaska barakaca ah ee ku nool xeryaha ay ka hirgeliyeen dugsiyada.

Previous Post

Ganacsiyo ku xoogeysanaya xerada Kabaaso oo fursado shaqo ay ka heleen dadka ku barakacay Doolow

Next Post

Qalab dijitaal ah oo waxbarashada ka caawinaya ardayda qaxootiga ah ee deggan Dhadhaab

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Humanitarian news, Radio Ergo news

Qalab dijitaal ah oo waxbarashada ka caawinaya ardayda qaxootiga ah ee deggan Dhadhaab

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo