(ERGO) – Shariif Ibraahim Xuseen oo leh ganacsi yar waxaa u fududaatay maareynta nolosha qoyskiisa oo deggan xero barakac oo ku taalla gobolka Gedo. Wuxuu xerada Kabaaso ee degmada Doolow ku leeyahay maqaayad yar iyo dukaan uu ku iibiyo raashinka iyo bagaashka. Lacagta uu ganacsigiisa ka helo ayaa ku filan biilka qoyskiisa.
“Carruurteyda inay waxbarasho helaan ayaa ka mid ah horumarka aan gaaray. Waxaa kaloo ka mid ah horumarka aan gaaray in reerkeyga oo markii hore labo mar ama hal mar ay wax cunayeen, laakiin hadda saddexda waqti way cunnaan,” ayuu yiri.
Shariif oo 32 jir ah wuxuu ka mid yahay 300 oo qof oo rag iyo dumar ah oo ku nool xerada Kabaaso, kuwaas oo ganacsiyo yaryar ah furtay si ay qoyskooda uga maarmaan gargaarkii ay hay’adaha ka heli jireen. Waxay sidoo kale shaqo-abuur u sameeyeen dad kale oo barakac ah.
Ninkan wuxuu kaamka ku biiray 2012-kii, kaddib markii ay 173 neef oo ari ah iyo 16 lo’ ah ay abaarta uga dishay tuulada Xaaji-Barre oo 23 km u jirta magaalada Luuq. Wuxuu sheegay in markii ay magaalada soo galeen uu ka shaqo billaabay maqaaxad uu ka heli jiray nolol-maalmeedkiisa. Lacag uu shaqadaas ka urursaday ayuu sanadkii 2014 ku furtay maqaayadda. Wuxuu xusay in maqaayadda uu kaligiisa ka shaqeyn jiray, balse ay hadda u shaqeeyaan 14 dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ah. Wuxuu maalinkii faa’iidaa $20 ilaa $30.
Bishii Sebtember ee sanadkii la soo dhaafay ayuu maqaayaddiisa ballaariyay, wuxuu sidoo kale qoyskiisa u dhisay guri jiingad ah oo ka kooban labo qol. Labo ka tirsan carruurtiisa ayuu geeyay iskuul, wuxuuna bishii ka bixiyaa $16.
Cabdullaahi Axmed oo 22 jir ah wuxuu raashin-kariye ka yahay maqaayadda Shariif oo maalinkii uu ka qaato shan doollar. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in mushaarkiisa uu ka dabbaro quraacda iyo qadada qoyskiisa oo ka kooban 13 qof. Qoyska Cabdullaahi waxay ku tiirsanaayeen raashin gargaar ah oo hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ka qeybin jirtay xerada, ka hor inta aysan joojin sanadkii 2020-kii.
“Aniga waxaan aaminsanahay shaqadan inay aad iyo aad wax weyn uga beddeshay nolosha qoyskeyga. Markii gargaarkii hay’adaha laga helayay uu joogsaday, hooyo iyo abbaayo ayaa waxay billaabeen inay dhar-dhaqaal u aadaan Doolow Itoobiya, muddo kaddibna dhar-dhaqaalkii waa la waayay. Waxaan ku fakiray xirfaddii aan lahaa sidii aan ugu shaqeysan lahaa oo nolosha qoyskeyga [aan] ugu maareyn lahaa,” ayuu yiri.
Xabiibo Cabdullaahi Kadiye waxay ka mid tahay 40 haween barakac ah oo khudaar ku iibiya xerada Kabaaso. Waxay qoyskeeda u dhistay guri jiingad ah bishii Nofeembar ee sanadkii la soo dhaafay, sanado badan oo ay ku noolaayeen aqal cooshaad ka sameysan kaddib. Waxay sheegtay in lacagta waxbarashada ay ka bixiso shan ka tirsan carruurteeda, sidoo kalena ay reerkeeda biilkooda u soo saarto. Shaqadan ka hor dharka ayay u soo dhaqi jirtay qoysaska magaalada, taas oo ay lacag yar ka heli jirtay marka la bar-bar dhigo lacagta ay hadda ganacsigeeda ka hesho.
Xabiibo oo 41 jir ah waxay xerada Kabaaso ku soo biirtay 2016-kii, xilligaas oo siddeed carruur ah oo ay dhashay ay kala soo laabatay xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.
Xerada Kabaaso waxaa ku nool in ka badan 20,000 oo qoys. Qoysaskii ugu horreeyay waxay xerada yimaadeen sanadkii 2011-kii. Toban sano kaddib, dhowr ganacsi oo laga furay xerada ayay fursado shaqo ka heleen 200 oo dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ah.










