Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Shaqooyinkii xoogsiga ahaa oo yaraaday oo sababay inuu kordho furriinka

Radio Ergo by Radio Ergo
February 5, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Refugees, Dadab, Business

File Photo/Ergo

7
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Cabdi Axmed oo ah xoogsade nolol-maalmeedkiisa ka soo saarta dhismaha guryaha ee magaalada Gaalkacyo, wuxuu shaqo-la’aan yahay muddo lix bil ah. Xaaskiisii hore oo ay is-fureen horraantii bishii Jannaayo, sabab la xiriirta biil-la’aanta, ayaa uga tagtay saddex carruur ah.

“Guriga ayaan ka kacaa, meelaha ayaan soo warwareegaa, waana soo laabtaa. Waxaa timid in aniga iyo xaaskii aan isqabsanno. Dumarku … maxaa dhacayba kuma leh, abaar ha ahaato ama roob ha ahaato. Waxaa lagaa rabaa biilkaa shalay keeni jirtay. Aakhirkii, waxay tagtay inay xaaskaygii iga tagto,” ayuu yiri.

Cali waxay danta ku kalliftay inuu ka soo guuro guri saddex qol ah oo uu kiro ku deggenaa. Wuxuu ku soo haray hal qol oo uu bishii ku deggan yahay $20. Qolka waxaa la deggan wiilkiisa oo afar jir ah, walaashiis iyo walaalkiis. Labadiisa carruur ah ee kale – gabar saddex jir ah iyo wiil 18 bil-jir ah waxaa u haysa ayeeyadiis oo magaalada dhinac ka deggan.

Wuxuu sidoo kale ku qasbanaaday inuu waxbarashada ka joojiyo walaashiis oo jaamacadda Modern Gaalkacyo ka baraneysay caafimaadka bulshada (Public health) iyo walaalkiis oo dhigta fasalka u dambeeya dugsiga sare, kuwaas oo uu isaga ka bixin jiray lacagta.

Cali ayaa weriyaha Raadiyow Ergo oo kula kulmay suuqa Gaalkacyo u sheegay in uusan weligiis qaban shaqo ka baxsan fuundinimada.

“Maalintii ugu yaraan $12 ayaan heli jiray markii ay shaqadii dhismaha jirtay. Balse hadda halkan ayaan ka taaganahay. Waxaan hadda diyaar u ahay raashinkaas baabuurta laga dejinayo inaan madaxa u dhigto si aan u helo quraac iyo qado aan reerka u geysto maanta,” ayuu yiri.

Shaqo-la’aanta ka jirta magaalada ayaa loo sababeeyay sicir-bararka iyo ganacsiyada oo ay saameyn weyn ku yeesheen abaarta iyo cudurka COVID19. Tan ayaa la sheegay in ay sii kordhisay furriinka qoysaska dadka xoogsatada ah.

Xaddiyo Axmed Barkhadle ayay ninkeedii hore kala tageen horraantii bishii Diseembar kaddib muran ka dhashay biil la’aan. Wuxuu ka shaqeyn jiray soo-rarista dhagaxa lagu dhiso guryaha.

Haweeneydan waxay carruurteeda oo toddobo ah kula biirtay kaamka Taakulo, halkaas oo ay ku iibiso khudaar iyo maacuunta si ay u hesho biilka carruurteeda. Waxay sheegtay in markii uu guurkeeda burburay ay awoodi weysay bixinta kirada guri labo qol ah oo ay degganayd.

“Habeenna waa la iska qadaa, habeenna waa la iska quutaa, abaarta ayaa iska saameysay dadka kaamka ku nool marka ay u badato labo doollar ama hal doollar iyo bar ayaan ka helaa [ganacsiga],” ayay tiri.

Muxumud Xuseen oo ah horjoogaha kaamka Isxaaq oo ku yaalla bannaanka Galkacyo wuxuu sheegay in labo bil gudahood loo soo gudbiyay 16 kiis oo qoysas ishaysta ah. Wuxuu sheegay inay xalliyeen saddex kiis keliya, halka 13 kale ay burbureen.

“Bulshada kaamka ayaan kulminnaa. Dadka aan wax ku tuhmayno baan wax saarnaa, lacago ah. Dad waxaa jira ganacsi ku jira, kuwaas ayaan ka aruurinnaa lacag caawinaad ah. Waxaan dhahnaa ilaa waa ilaa dadkaas wax [ha] lagu celiyo. Waxaan ka qaadi karno baan ka qaadnaa hal hal doollar, labo labo doollar sidaas baan ku xallinnaa,” ayuu yiri.

Odayaasha dhaqanka ayaa ka walwalsan kororka ku yimid furriinka oo ay u sababeeyeen inay keentay shaqooyinka xoogsiga ahaa oo meesha ka baxay.

Nabaddoon Nuur Maxamed Aadan wuxuu bilihii u dambeeyay ee Diseembar iyo Janaayo galay 30 kiis oo salka ku hayay isqabqabsi biilka reeraha ah. Shan iyo toban kiisaskaas ah waxay ku dhamaadeen kala-tag.

Previous Post

Qoysas uu guryahoodii dab baabi’iyay oo weli hoy-la’aan ku ah Dowlad-deegaanka

Next Post

Ganacsiyo ku xoogeysanaya xerada Kabaaso oo fursado shaqo ay ka heleen dadka ku barakacay Doolow

Related Posts

Qoysas la dajiyay halka lagu fogeeyo qashinka laga saaro Hargaysa oo ka cabanaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay halka lagu fogeeyo qashinka laga saaro Hargaysa oo ka cabanaya nolol xumo

October 12, 2026
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar ku nool Bari

October 8, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 5, 2026
Next Post
Latest Somalia news, Somalia live news, Humanitarian news, Somali live news, Radio Ergo news

Ganacsiyo ku xoogeysanaya xerada Kabaaso oo fursado shaqo ay ka heleen dadka ku barakacay Doolow

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-OCT-2026

IDAACADDA 13-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2026
October 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2026
October 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-OCT-2026
October 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-OCT-2026
October 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-OCT-2026
October 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo