Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Biyo yarida webiga Shabeelle oo shaqo la’aan ka dhigtay xoogsato doomo kaga shaqaysanayay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 20, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Doomo rakaab iyo badeecooyin lagu safriyo/ Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdulqaadir Maxamed Aamiin oo ah milkiilaha saddex doon wuxuu wajahayaa dhaqaale xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo food saartay, markii uu biyo yareeyay webiga Shabeelle oo doomaha uu uga shaqaysanayay. Wuxuu ka mid yahay 80 rag ah oo iskugu jira shaqaale iyo milkiilayaasha doomo dadka iyo alaabahooda u kala safrin jiray degaanno hoostaga Jowhar.

Ninkan ayaa la kowsaday shaqo xumada horraantii bishii Janaayo 2022. Arrintan waxay ku qasabtay qoyskiisa oo 7 qof ah in hal waqti maalintii raashin ciiriin ah ay ka helaan qoys ehel la ah ka dib markii bil ka hor ay ka dhamaatay lacag ay isticmaalayeen oo kayd u ahayd. Cabdulqaadir ayaa sheegay in nolosha qoyskiisa oo wacnayd ay is-baddeshay tan iyo markii uu meesha ka baxay dhaqaalihii uga soo xaroonayay doomihiisa.

“Ugu yaraan saddexda doon maalintii faa’iidada haddii baasiinkii iyo shaqaalahii laga jaro lacag waxaa ii soo hareysay $150 ah, ciyaalka way ku filnayd iskuulkooda, qado, quraac, iyo casho. Waxaan ku noolaa nolol aad u wanaagsan, xitaa familka qaar ka mid ah ciddii i dhahda war Cabdulqaadirow maanta way iga dabacsan tahay bal wax ii fiiri, laakiin maanta anigaa taagan ba inteen abaaraa oo wax ka helaa, cakirnaantaasina waxay ka timid dhanka wabiga, wabigii oo eber ah oo aan wax-soo-saar lahayn,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa uu saddex toddobaad ka hor soo dajiyay magaalada Jowhar oo ehelkiisu deggan yihiin. Waxay u adkaysan waayeen cunno xumada ka jirta tuulada Maagay ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo dadkeedu ay ku tiirsan yihiin beero falashada iyo dhaqaalaha laga helo doomaha oo hadda meesha ka baxay.

Wuxuu si ku meel gaar ah u degay guri saddex qol ka kooban oo walaalkiis oo ku nool dalka Sucuudiga uu leeyahay. Wuxuu xusay in qoyskiisa uu ula soo dhawaaday meel uu ka heli karo caawinaad cunno.

Saddex ka mid ah carruurtiisa oo mid ay gabar tahay waxay dhiganayeen dugsiga hoose iyo dhexe ee Tuulada Maagay, inkastoo soo guuriddiisu ay ku soo aadday xilli iskuulladu xiran yihiin waxaa lagu leeyahay labo bil oo qarashka waxbarashada carruurtiisa ah.

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay in uu helo shaqooyinka xoogsi ah sida dhagax-jabinta ama beero falidda oo ku sii yaraanaya magaalada Jowhar iyo degaannada u dhow.

“Haddii aad tiraahdid magaalada u shaqo doono dadka adigay ku cowrinayaan. Waxay ku leeyihiin war ninkii doonta lahaan jiray amuu wax haayaa. Intee ka keenaysaa, doontii xagee maree carrada miyay ku soconee waa maya, shaqada kale ee ugu fudud ee qofku raadsan karo waxay tahay in beer uu iska qoto, beerihiina sidii loo beeray wayba baseen roob la’aan. shaqo meel loo doonto malahan.” Ayuu yiri.

Lix qof oo ahaa shaqaalaha doomihiisa ayuu fasaxay markii ay hoos u dhaceen biyaha webiga. Waxay ku safri jireen degaannada webiga shabeelle uu maro, iyaga oo ku qaadaya doomaha dalagga ka soo go’a beeraha, raashinka iyo dadka.

Dadka doomaha leh waxay dabooli jireen baahida bulshada ku nool degaannada ay ka shaqaynayeen oo baabuurta ay ku adag tahay in ay tagaan waddo xumo darteed.

Cabdifitaax Xuseen Axmed oo ahaa wade doon wuxuu ka mid yahay xoogsatada biyo yarida webiga ay saameysay shaqadooda. Shantii bil ee la soo dhaafay qoyskiisa oo afar qof ah waxay la daalaa dhacayeen dhaqaale darrida ka dhalatay shaqo la’aanta soo foodsaatay.

Nolosha qoyskisia wuxuu ku sii dabbaraa lacag uu dhigaal-saday intii uu shaqaynayay iyo mid uu dayn ku helo oo uu ku bixiyo cunnadooda iyo waxbarashada labo wiil oo uu dhalay oo hadda fasax kaga maqan iskuulka. Afar maalin oo ka mid ah toddobaadkii ayuu shaqayn jiray Cabdifitaax ka hor shaqo la’aanta. Wuxuu heli jiray $40 maalinta uu shaqeeyo, hadda se taasi meesha way ka baxday.

“Maalintii ugu yaraan webiga doon waxaan ku ka xaynayay afar jeer. Wixii aan ka helo meeshaas ayaan ku maareynayay nolosha qoyska waxna meel baan ka dhigan jiray, sidaas ayaan ku waday nolol maalmeedka, wax walba alle xaggiisa ayay ka qoran tahay xilligaan oo kale waxaa la rabay in webigu biyo leeyahay doomahana ay iskaga gudbi karaan deegaannada iyo tuulooyinka hoos yimaada magaalada Jowhar, balse hadda maysan dhicin webiga waa faaruq,” Ayuu yiri.

Qoyskiisa oo deggan magaalada Jowhar waxay dulsaar ku noqdeen dad ehelkooda ah bishii May ee 2022 markii ay ku adkaatay in uu bixiyo kirada guri labo qol ka kooban oo uu ku degganaa bishii $50. Wuxuu ka dayriyay xaaladda cunno yari ee haysa carruurtiisa.

“Waxaa laga yaabaa maalinkii in saddex jeer guriga dab laga shidi jiray maanta ma jirto middaas waddankana dhaqaale darro ayaa ka jirta, ugu yaraan hadda celcelis maalin hal ayaa laga yaabaa in dabka cidda loo shido oo wixii kaydka ahaa ee aan dhigtay ayaa la isticmaalayaa. Iyagiina gabo gabo ayay sii marayaan, haddiiba aan la shaqeynaynin oo shaqo aysan jirin saameyn wayn bay leedahay, barkee wax walba oo dhibaato ah ayaa ku la soo gudboonaaneysa, waxyaabo badan oo aadan tabi jirin baa tabeysaa oo aadan awoodin in aad hesho.” Ayuu yiri.

Guddi iskaashato oo ay leeyihiin xoogsatadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in kala bar xoogsatada ay kala barakceen qoysaskooda tuulooyinkii ay degganaayeen, iyagoo galay magaalooyinka waawayn sida Muqdisho iyo Jowhar.

Maxamed Nuur Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga iskaashatada doonleyda ayaa xusay in qoys kasta uu door biday magaaladii cunno iyo nolol fiican uu ka heli karo, halka kuwa ku haray deegaannadooda ay siyaabo kala duwan ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda.

“Ninkii horay meel wax u dhigtay wixiisa ayuu cunayaa, kii aan wax dhiganinna dayn buu cunayaa. Haddii kale wuu iska qadayaa shaqo la’aan baa jirta, qaarkood waxay yaqaanaan farsamada guryaha. Haddii ay raadiyeenna malahan, dhibaatadaas baa jirta shaqadii baa yaraatay, waa noo jeedaan maamulka Hir-shabeelle, waxaad u jeeddaanna walaallayaalow indhaha ha ka qabsanina, caqabad iyo dhibaato ayaa jirta in aad ka jawaabtiina waa loo baahan yahay.”

Tuulooyinka Maandheere, Deyma same, Tuugaarey, Gaashaanle iyo qaar kale oo uu webigu maro ayay xoogsatada doomaha ay ka shaqaysanayeen balse xilligan waxaa isku raacay abaar iyo guridda webiga Shabeelle ee mara.

Previous Post

Muqdisho: Qoysas ka barakacaya xeryahooda oo laga ag furay goobo dhuxusha lagu gubo

Next Post

Bacaadka guurguura oo boqollaal qoys gelinaya hubanti la’aan la xiriirta hoyga iyo nolosha

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Bacaadka guurguura oo boqollaal qoys gelinaya hubanti la’aan la xiriirta hoyga iyo nolosha

Bacaadka guurguura oo boqollaal qoys gelinaya hubanti la’aan la xiriirta hoyga iyo nolosha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo