Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bacaadka guurguura oo boqollaal qoys gelinaya hubanti la’aan la xiriirta hoyga iyo nolosha

Radio Ergo by Radio Ergo
July 22, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Bacaadka guurguura oo boqollaal qoys gelinaya hubanti la’aan la xiriirta hoyga iyo nolosha

Bacaadka guurguura oo aasay guryaha tuulooyin ka mid ah gobolka Mudug/ Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sayid Cabdulaahi Xasan iyo qoyskiisa oo toddobo qof ah waxay muddo 25 cisho ah wajahayaan qabowga dabeysha xagaaga ee ka dhaceysa tuulada Dhinowda ee gobolka Mudug. Bacaadka guurguura ayaa barakiciyay markii saddexaad muddo labo sano gudahooda ah.

Wuxuu baday in xilliga habeenkii ah ay gabaad ka dhigtaan cooshad dhinacyada ka furan oo ay ka dhisteen duleedka tuuladooda.

Waxay ka mid yihiin in ka badan 800 oo qoys oo deggan deegaannada Kulub iyo Dhinowda ee bariga gobolka Mudug kuwaas oo xaalad hubanti la’aan ah uu galiyay bacaadka.

Sayid wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in labo guri oo ka koobnaa lix qol isla markaana kii u danbeeyay uu dhisay bartamihii sanadkii hore uu bacaadku aasay taasi oo rajo beel ku ridday.

“Guriga hadda aniga iyo caruurtayda aan ku suganahay waa guri jaqafyo, qoryo iyo baco la isku xir xiray. Halkaas baa noloshu nala gashay oo ku hoyanaa, guryo waa weyn baan ku lahaa oo dhagax ah, waa soo aasmeen waan ka soo guuray, dhowr sano oo isku xigta dhaqankaas baan ku jirnaa. Sanadkan bacaadkiina waa sii batay, marka rajo go’ baan ka nahay, tabar la’aan baa meesha na dhigtay,” ayuu yiri.

Ninkan oo kaluumeyste ah hoy la’aanta qoyskiisa waxaa u dheer biyo-yari, markii 12 ceel-gacmeed oo ku yaallay tuulada Dhinowda uu bacaadku aasay, wuxuu sheegay in si joogta ah uusan u iibsan karin biyo ay booyado keenaan.

Qoys ehelkiisa ah oo Jarriiban deggan ayaa mararka qaar ka caawiya lacag ay raashin iyo biyo ku iibsadaan, maaddama muddo ka badan bil uusan u shaqo tagin badda oo dabeylo xooggan ay ka dhacayaan. Wuxuu walaac ka muujiyay qiimaha biyaha oo sarreeya iyo tabar-yirida dhaqaale ee haysa.

“Fuustadii $15 baa laga baxshaa ma garatay, 50 km baana laga keenaa, aniga qoys ahaan markii tabar loo helo fuustadaas baan gadanaa,” ayuu yiri.

Degaankiisa waxaa degganaa in ka badan saddex boqol oo qoys, kuwaas oo aqallo cooshado ah ka dhistay duleedka tuulada, markii guryahooda uu bacaadku qabsaday sida uu sheegay maamulka deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug

Wuxuu xusay Sayid in uu dhib badan ku qabo cooshadda ay galaan qoyskiisa oo toddobaadkiiba mar uu dib u dhis ku sameeyo maaddama dabeyshu ay kala bitiso.

Dhinowda oo uu ku soo qaatay inta badan noloshiisa ayuu sheegay in uu ka quustay ku noolaanshaheeda isagoo qorshaynaya in uu helo deegaan nolol ahaan u dhaama.

“Markan waxaa igu celinaya tabar aan ku dhaqaaqaan baan la ahayn, hadaan heli lahaa wax yar oo kaalama ah oo aan meesha uga tago waxaan u haajiri lahaa dhul laga shaqaysan karo oo aan xoogayga kaga xamaasho, meel aan ku noolaadaan u carari lahaa hadaan tabaraan ku dhaqaaqo hayo, dadka hadda carada ka tagay qof walba meeshuu ku noolaan karuu aaday,”

Si la mid ah Dhinowda deegaanka Kulub oo 70 km u jira degmada Jarriiban waxaa dhibaato ku haya bacaadka. Qoysaska deggan ayaa la halgamaya iska moosiddiisa inkastoo dadaalkaas uu yahay mid qoys walba uu gaarkiisa u sameeyo.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdi Yuusuf Kaarshe oo deggan tuulada Kulub, gurigiisa oo labo qol ka kooban ayaa khatar ugu jira in uu xabaalmo, waxaa se waqtigiisa ugu badan uu galiyaa iska moosidda bacaadka.

“Guriga irridiisa markuu soo galo badeel baa ku qaadaysaa guriga irridiisa baa dhaafinaysaa markaa dhaafisid dabayshaa horay u sii qulqul-siinaysa, kaas kugu soo noqon mahayo, 24-kii saacba waxaa la gurayaa ilaa sadex saac saddex saac oo aroornimo waa guraysaa saddex saac oo galabnimana waa guraysaa hadii kale iridaa xirmaysa ama deerka gurigiisa ka soo deganayaa,” ayuu yiri.

Cabdi saddexdii sano ee u danbeeyay ayuu ku jiray xaaladdan gaar ahaan xilliyada ay jiraan dabeylaha xagaaga ee dhaqdhaqaajinaya bacaadka guurguura, wuxuu sheegay in dhibaatadan ay u wehliso qiimaha raashinka oo qaali ku noqday.

Arrintan waxaa sababay darawalada gaadiidka ee taga Kulub oo qaaliyay qiimaha ay ku qaadaan dadka iyo raashinka, maaddama ay caqabad ku qabaan adeegsiga waddoonyin uu gooyay bacaadka.

“Jidkuu xirayaa dabeylaa ka dhacaya, waddooyinkii way nagu xirmeen, marka waxay noqotay raashinkii in dhib loo soo maro. Gaari wayn meeshii ka keeni jiray gaari yar baa lagu soo gurayaa, marka meeshii kiishka uu ku keeni jiray $5 kan $8 ama $7 buu ku keenayaa,” ayuu yiri.

Cabdi oo kalluumeyte ah wuxuu qoyskiisu ku tiirsan yahay raashin dayn ah oo dukaamada uu ka qaato. daynta ayuu xusay in uu iska bixin doono marka laga baxo bad-xiranka la galay.

Maamulka degmada Jarriiban oo ay hoostagaan tuulooyinka Kulub iyo Dhinowda ayaa Radio Ergo u sheegay in awoodda isi soo taraysa ee bacaadka ay halis ku tahay dadka, deegaanka iyo duunyada ku nool bariga gobolka Mudug.

Mursal Cabdulle Khalaf guddoomiye ku-xigeenka dagmada Jarriban ayaa tilmaamay in dooxooyin xooluhu ay ku haysteen daaq-wanaagsan toddobo sano ka hor hadda ay isku baddaleen dhul lama-dagaan ah oo bacaadku uu ka dulmaray.

Ol’ole dhir-beeris ah oo ay sameeyeen bilihii Octobar iyo Novembar ee sanadkii hore ayaa shaqayn waayay, markii ay caqabad kala kulmeen bacaadka tirada badan iyo roob la’aanta.

“Ilaa 500 qoys ayaan ka rarnay Dhinowday iyo Kulub iyo meelo la mid ah, waxaanu geynay dagmada Jariiban,”

Dadka ay soo daad gureeyeen oo guryahoodii uu bacaadku aasay ayuu tilmaamay in ay dulsaar ku yihiin qoysaska dagmada Jarriiban oo ka taageera dhinacyada cunnada, biyaha iyo hoyga. Wuxuu xusay, in bacaad-celinta in ay u baahan tahay awood dowladeed oo xooggan iyo qorshe dhir-beeris oo ballaaran si xal loogu helo halista bacaadka guurguura.

Previous Post

Biyo yarida webiga Shabeelle oo shaqo la’aan ka dhigtay xoogsato doomo kaga shaqaysanayay

Next Post

Galgaduud: Haween iyo carruur la dhibtoonaya saameynta colaad iyo abaar ka jirta degaanadooda

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Galgaduud: Haween iyo carruur la dhibtoonaya saameynta colaad iyo abaar ka jirta degaanadooda

Galgaduud: Haween iyo carruur la dhibtoonaya saameynta colaad iyo abaar ka jirta degaanadooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo