(ERGO) – Qoyska Xaawo Aadan Shuuriye oo ka mid ah 150 qoys oo barakac ku ah deegaanka Haanta-Dheer oo 10 km dhanka koofur ka xigta Xanan-buure ayaa la daalaa dhacaya sidii ay ku heli lahayeen cunno iyo biyo.
“Dadkii waa dad barakacay waa dad hantidoodii la jajabiyay. Meeshu biyo malahan, hoy malahan, raashin ay cunaan ma haystaan. Dadkuna waxay dhooban yihiin geedaha hoos tooda. Waxaan arkay dad geedaha hoostood calallo ku xirtay ilaahii uuntay ayaa u maqan,” ayay tiri Xaawo oo u warramaysay radio Ergo.
Sababta ugu wayn ee qoyskan ka dhigtay barakaca ayaa ah colaadda ka dhacday deegaanka Xanan-buure oo u dhexaysa laba qabiil oo halkaasi wada dega billowgi sanadkii 2021. Waxay sheegtay in colaadda ay ku wayday tiro ari ah oo ay subax walba ka heli jirtay laba koombo oo caano ah oo ay u iibgayn jirtay suuqa kana soo gali jirtay 3 doollar balse markii uu dagaalku ka dhacay magaalada uu arigi kala firdhaday.
“Aniga afar Riyood ayaan hadda haystaa. Arigiii inta raadshay ayaa waxarihiina xeradii ay ku jireen xabbado ugu soo galeen waa u ba’een. Ilaa dhowr km ayaa xabbaddii uga daba tagtay oo qaar bakhtigiisi ayaan soo arkay. Muddo bil ah baan raadinayay markii dambe waan iska daayay xataa in qaar nool yihiin kama warqabo laakiin wax aan maanta nolol ku hayo ciyaalkaas iyo afartaas riyood ayaa ka jira,” ayay tiri Xaawo.
Hadda Waxay subax walba u kallahdaa inay wax ay mar carruurta dabka u saarto ay soo waydiisato dadka ay soo wada qaxeen. Waxa ay sheegtay in waxa ugu daran hadda helidooda ay tahay biyaha maadaama degaankii ay ka soo gaadan lahaayeen uu yahay degaan colaadeed oo aysan baabuurtu aadi karin.
Qoysaskan ayaa sheegay in deegaannada ay u barakaceen oo ku tiirsanaa xoolo dhaqatada aysan jirin shaqooyin iyo ganacsi ka kala socda maadaama ay aad u yaraadeen iibka xoolaha.
Deeqo Cali Maxamed oo haysta lix carruur ah ayaa sheegtay in abaarta iyo colaadda ay isku si u saameeyeen noloshooda aasaasiga ah. Waxay sheegtay in raashin yari, biyo la’aan iyo hoy la’aan ay ku sugan yihiin. Dhaqdhaqaaqa deegaanka oo aad u yar ayay tilmaamtay inay tahay caqabad kale maadaama dadku kala baqayaan.
“Isbadal waynaa u dhexeeya awal qof wax maana uga baahan jirin oo ma dhihi jirin. qofkaas mana isdhihi jirin waxaa kaa maqan. Carruurtayda saddexdooda waqi cunto yar oo iskaga filan ayaan u karsan jiray haddana wal waqti ayaan u kariyaa,” ayay tiri deeqo.
Deeqo oo aad uga welwesan nolosha uu ku suganyahay qoyskeeda ayaa sheegtay in dhawr neef oo ari ah oo u jooga ay toddobaad ka hor laba ka mid ah suuqa gaysay laakiin wax ka iibsada ay wayday ayna soo celisay.
“Marki hore waxaan shidan jiray makhaayad shaaha laakiin hadda geed hoostiis ayaan carruurta u waabay meel aan shaaha ku Karin karo maaha oo cid iga gadnaysa ma jirto, biyaha meel fog ayaa laga keenaa,” ayay tiri.
Waxay xustay in abaarta ay uga sii dartay xaalkooda oo aysan jirin xataa cid ay deyn u doonato, waxayna intaa ku dartay in lagu leeyahay lacag deyn ah oo gaaraysa 1000 doollar ah oo ay isticmaaleen qoyskeeda.
Qoysaskan waxaa aad u saameeyay abaarta oo ka baabi’isay xoolihii ay ku tiirsanaayeen. Waxaase xaaladda ku sii xumeysay colaad degaanka ka jirtay taas oo aad u taabatay haweenka, carruurta iyo dadka waayeelka ah oo ku sugan xaalad barakac ah.
Sahro Cali Xasan, marka laga soo tago duufaha ay kala siman tahay qoysaska kale waxay aad uga welwelsan waxbarasho la’aanta ku dhacday afar carruur ah oo ay dhashay oo dhigan jiray iskuul iyo dugsi qur’aan. Sanad iyo bar waxay naawilaysay in mar uun dhammaan doonto colaadda balse waxay noqotay rajo ku nool. Sahro oo ku sugan deegaanka Balli-laasoole ayaa ka hor barakaca nolosha qoyskeeda ka maarayn jirtay ari ay ku qali jirtay magaalada.
“Wax shaqo haba yaraatee malahan, tukaan maleh, ganacsi maleh, waxbarasho maleh, dugsi qur’aan maleh, barakac, abaar, rafaad iyo dabayasha xagaaga oo noo dheer oo aanan u haysan hoy fiican aan ka galno,” ayay tiri.
Guud ahaan deegaannada ay dadkan u barakaceen biyo maleh, waxaa biyaha looga keenaa degaanno kala duwan oo jira ilaa 25 kiilo mitir. Fuustadii ayaa laga siiyaa laba doollar. Caqabadda ugu wayn ee dhanka biyaha ka haysta ayaa ah colaadda oo saamayn ku leh in booyaduhu maraan waddooyinka.










