Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Jowhar: Ganacsiyada qoysas danyar ah oo u xirmaya suuq xumo ka dhalatay abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
July 25, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Drought, Inflation, Somalia, news, Somali

Isack Ahmed Omar's small food shop in Jowhar folded in February 2022/Mohamed Ibrahim/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Isxaaq Axmed Cumar wuxuu nolol maalmeedka qoyskiisa oo ka kooban 10 qof ka soo saari jiray miis yar oo uu ku dhex iibin jiray suuqa weyn ee magaalada Jowhar kaasi oo ka xirmay bishii Febraayo ee sanadkan. Wiilkan oo ah curudka qoyskiisa ayaa hadda guri joog ah maaddaama uu waayay shaqo kale oo uu qoyskiisa nolol maalmeedka uga soo saaro.

Da’yarkan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in suuq xumo ka dhalatay abaarta ay ku qasabtay inuu xiro ganacsigiisa oo ahaa isha keliya ee dhaqaalee ee uu qoyska ka maareeyn jiray. Wuxuu tilmaamay in ganacsiga uu isbixin waayay maaddaama macaamiishiisa oo ku tiirsanaaa wax soo saarka beeraha ay abaarta saameysay oo ay awoodi waayeen adeegyadii ay ka iibsan jireen.

“Ganacsigii aan lahaa waan iska daayey, waxaana sabab u ah maciishadii oo qaali ah iyo dadkii oo aan dhaqaalo heysan, maaddaama dadku aysan wax beeran sanadyadaan oo wabigu eber ahaa dalkuna roobku ku yaraa. Sababtaas ayaa keentay inuu ganacsiga iga xirmo. Maalintii, faa’iido $20 ilaa $30 ayaan ka heli jiray,” ayuu yiri.

Isxaaq wuxuu ka mid ahaa 50 rag ah oo suuqa weyn ee magaalada Jowhar ku iibisa miisaska yar yar ee hareeraha jidadka la dhigo kuwaasi oo 20 ka mid ah ganacsigoodii ka xirmeen. Waxay iibinayeen bur, bariis, sokor, saliid iyo alaabo kale oo ah bagaash ah.

Wiilkan ayaa tilmaamay in ganaacsigooda uu ku tiirsanaa qoysaska beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka kuwaasi oo marka ay magaalada soo galaan ka adeegan jiray. Balse, abaarta oo saameysay ayuu sheegay inay dowr weyn ka qaadatay hoos u dhaca laga dareemayo suuqyada magaalada Jowhar.

“Dadka magaalada joogo si fiican wax uma iibsadaan. Haddii wax gadasho la dhaho waxaa gadashada u badan dadka tuulooyinka ka yimaada oo macaamiil annaga noo ahaa. Dadkii hadda ayagaaba dhibaateeysan oo aan beerihii tacban oo beerahooda wada qallalanyihiin. Fasaladan wax la fashtay xitaa ma jiro oo webigii ayaaba aad u qallalan,” ayuu yiri.

Dhaqaale xumada soo foodsaartey Isxaaq waxay sidoo kale saameeyn weyn ku yeelatay nolosha qoyskiisa. Wuxuu sheegay in qoyska ay hadda ku tiirsan yihiin lacag $200 ah, taasi oo ay ka helaan walaashii ka yar oo ku nool dalka Sacuudiga.

Wuxuu xusay in lacagta ay walaashii soo dirto aysan ku filneyn baahida qoyska. Wuxuu intaa ku daray in helista cunnada ay hadda ku sii adkaaneyso reerka.

“Maalintii annaga saddex waqti ayaan cuntada cuni jirnay, lakiin hadda halka waqti ayaa ciriiri ah, sababta oo ah aniga ayaa ahaa tiirkii ay qoyska ku tiirsanayeen. Ganaacsigii aan ku tiirsanayn ayaa isagana meesha ka baxay. Haddii hadda ganaacsigii iska soo joogsadayna, qoyskii iyo nolol maalmeedkooda ayaaba cidla ku soo dhacday,” ayuu yiri.

Isxaaq wuxuu rajo xumo ka muujiyay helista shaqooyinka xoogsiga ah, sida beer falista, kuwaasi oo uu sheegay inaan laga helayn magaalada Jowhar iyo deegaanada u dhow xilligan la joogo.

Ganacsiyada yaryar waxay muhiim u yihiin kobaca dhaqaalaha bulshada. Waxay kaalin ka qaataan shaqo abuurka shaqsiga ah balse abaarta ayaa ugu tagtay halkooda.

Xuseen Maxmed Cali oo sidoo kale miis yar ku iibin jiray suuqa weyn ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in bishii Maarso ee sanadkan uu ka xirmay ganacsigiisa. Wuxuu xusay in ganacsiga uu ka biili jiray qoyskiisa oo ka kooban lix qof, kuwaasi oo hadda ku tiirsan $150 oo uu bishii u soo diro adeerkood oo ku nool magaalada Koonfur Afrika. Lacagta loo soo diro ayuu sheegay inay u goyso raashin hal waqti ah maalinkii, maaddaama ay degganyihiin guri kiro ah, kaasi oo bishii laga qaado lacag dhan $60.

Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in labo ka mid ah walaalihii oo jaamacad ka dhigta magaalada Muqdisho uu u awoodi waayay inuu ka bixiyo lacagta waxbarashada, markii uu ganacsiga ka xirmay. Wuxuu xusay in adeerkiisa sidoo kale uu bixiyo lacagta waxbarashada oo lixdii bilood mar laga shubo $720.

“Gacan bani’aadam lagu ma noolaan karo aad ayay u dhib badantahay. Markii aad qof walaal ah wax ka codsato ama dad ehelka ah aad wax ka codsato, waad dareemi kartaa inta maalmood ee aad sugayso. Lakiin waxaa haddii aad gacantaada ku haysato oo aad adiga maamulaneyso sida aad rabto ayay ku noqonayaan. Marmarka qaar, walaalahey teleefanka ayay iga soo wacaan, lacagtii jaamacadda la iska rabaa ayay i dhahaan, xilligii aan ganacsiga lahaa inta aysan i soo wacin ayaan u diri jiray lacagta. Hadda ceeb ayay igu tahay in qof i caawinayo aan waco oo aan ku dhaho soo boobsi lacagta,” ayuu yiri.

Xuseen ayaa sheegay inuu isku dayay inuu raadsado shaqo muruq maal ah oo uu ku kabo nolosha qoyska, balse uu ku hungoobay.

Dhanka kale Cumar Faarax Geesey ganacsigiisa oo ka xirmay ayuu sheegay inuu ka biili jiray lacagta ka soo gasha ganacsiga qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof. Wuxuu xusay in markii uu ka xirmay ganacsiga bishii Janaayo ee sanadkan ay nolosha qoyska culeys soo food saartey.

Qoyska oo maalinkii dabka shidan jiray saddex waqti ayuu tilmaamay in cuntadooda ay ku soo arurtay hal waqti maalinkii. Wuxuu xusay in hadda ay ku tiirsanyihiin lacag $250 ah, taasi oo uu bil walbo u soo diro abtigiisa oo ku nool dalka Ingriiska.

Cumar wuxuu tilmaamay in isaga, xaaskiisa iyo cunugtiisa ay u soo gureen guriga waalidkiisa bishii May ee sanadkan, markii u awoodi wayay inuu bixiyo kirada guri ka kooban hal qol oo uu bishii ka bixin jiray $20.

“Faa’iidada maalinkii 200 ilaa 300 oo shillin Soomaali ah ayaa iga soo gali jirtay ganacsiga. Lacagtaas, wax badan ayaa laga dibiri jiray. Koronto ayaa laga dhiibi jiray. Kiro ayaa laga dhiibi jiray. Wixii dhan way soo xirmeen, hadda waxaan ku soo xaroonay aniga, xaaskayga iyo middoo yar aan dhalay guriga maamada iyo odhiga,” ayuu yiri.

Cumar ayaa sheegay inuu raadiyay shaqooyinka kale oo uu reerka ka masruufo balse uusan helin. Wuxuu xusay in magaalada ay ka jirto shaqo la’aan ballaaran taasi oo ka dhalatay abaarta ka jirta dalka iyo qiimo korarka maciishadda. Wuxuu sidoo kale xusay in shaqooyinka yar ee ka jira dalka la isku siiyo qaab qabiilnimo ah.

“Baladkan aad arkaysid waxaa lagu kala shaqeystaa qabiil iyo wax saas ah ayaa lagu kala qaataa howlaha magaalada. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana jirin shaqooyin fara badan oo la qaban karo. Caqabadahaas ayaa ka mid ah inaan waayo shaqadii oo aan guri joog iska noqdo,” ayuu yiri.

Previous Post

Galgaduud: Haween iyo carruur la dhibtoonaya saameynta colaad iyo abaar ka jirta degaanadooda

Next Post

Garowe: Dadka ka shaqeeya dhismaha guryaha oo wajahaya shaqo yari saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Garowe: Dadka ka shaqeeya dhismaha guryaha oo wajahaya shaqo yari saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda

Garowe: Dadka ka shaqeeya dhismaha guryaha oo wajahaya shaqo yari saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo