Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Garowe: Dadka ka shaqeeya dhismaha guryaha oo wajahaya shaqo yari saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda

Radio Ergo by Radio Ergo
July 29, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Garowe: Dadka ka shaqeeya dhismaha guryaha oo wajahaya shaqo yari saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda

Qaar ka mid ah muruq maalka guryaha dhisa ee magaalada Garowe oo ku sugaya shaqo agaagaarka dukaan lagu iibiyo qalabka dhimsaha/Hoodo Axmed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdicasiis Daa’uud oo ah aabbaha siddeed carruur wuxuu nolol maalmeedka qoyskiisa ka soo saartaa dhismaha guryaha oo uu ka shaqeynayay 15 sano ah. Ninkan oo ah fuundi dhisa guryaha, sidoo kale na dhulka saara mutuleelka wuxuu la daala dhacayaa quudinta qoyskiisa, maaddaama ay soo food saartay shaqo la’aan.

Xoog-maalkan oo ku nool xerada barakaca ee Washington oo ku taala duleedka magaalada Garowe ayaa sheegay in shaqo la’aanta haysata ay sabab u yihiin shirkadaha guryaha dhisa ee magaalada kuwaasi oo labadii sano ee ugu dambeeysay dibadda ka keenayay shaqaalo ajaaniib ah. Wuxuu intaas ku daray in shaqo la’aanta la soo deristay ay keentay in xaaskiisa ay ka tagto labo bilood ka hor.

“Markaan shaqayn jirey waxaa i soo-gali jirtay ugu yaraan $20 maalinkii. Aniga iyo ciyaalkayga isma arki jirin oo biilkoodan siin jirey, muran iyo buuq midna ma jirin. Laakiin hadda maaddaama aan waxba lahaynin oo kun Shillinba i soo-galayn, ciyaalkii noq-noqoshadii baan ku badiyey, hooyadoodna waan iskudhacnay way iga tagtay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in hada ay ku tiirsan yihiin rashiin ay dayn uga soo qaataan dukaamada ku dhex yaaala kaamkooda. Wuxuu xusay inuu marar badan ku fikiray inuu soo celiyo xaaskiisa, balse ay dantu u saamixi weyday, maaddaama uu san haysan kharashkii u ku soo celin lahaa.

Nolosha qoyska ayuu sheegay inay sii adkaatay markii ay xaaska ka tagtay. Mas’uuliyadda carruurta ayuu tilmaamay inay isaga ku soo wareegtay oo uusan guriga ku cidleyn karin da’adooda oo yar awgeeda. Waa kan Cabdicasiis oo sharaxaya sababta ay xaaskiisa uga tagtay.

“Waxay ku tagtay shaqo la’aan iyo wax la’aan ay igu aragtay. Dukaamadii iyo meelihii ay wax ka soo qaadaysay way isa soo xireen oo meel walba daynteydii isii baa la dhahay. Anigii haddii ay isoo oroddana waxba mahaayo oo anoo baagamuudo ah baan guri tagayay, marka saasay iga tagaty,” ayuu yiri.

Cabdicasiis ayaa sheegay in qoyskiisa ay hadda wajahayaan xaalado adag oo ay maalmaha qaar aysan xitaa helin rashiin ay hal waqti karsadan. Walwalkiisa ugu weyn hadda ayaa ah inuu rashiinka u soo deynsado laga joojiyo.

“Waxaan aragnay maalmo aan dabka shidan waynay, shaqo la’aanta jirta awgeed. Wax-walba waan soo aragnay, xagga gaajada iyo dhibaatada ah. Waxaa jirtay habbeen aan dab shidan waynay oo aan habbeenkii sidaas ku seexanay,” ayuu yiri.

Dadka muruq-maalka ah oo ay shaqo la’aanta la soo deristay waxaa sidoo kale ka mid ah Xasan Cabdinuur. Ninkan oo 21 sano soo ahaa fundi guryaha dhiso ayaa sheegay in xaaladda hadda haysato mid la mid ah uusan wali arag. Wuxuu noo sheegay in subixii ay isaga iyo ragga kale ee fuundiyaasha ah ay imaadaan goobtii ay fariisan jireen, galabakiina ka rawaxaan, iyagoo aan shaqo qaban.

Xasan oo ah aabbaha toddobo carruur ayaa xusay in qoyskiisa ay hadda wajahayan nolol adag. Wuxuu tilmaamay in maalinkii ay dabka shitaan hal waqti. Shaqo la’aanta soo food saartay ayuu sheegay inay ka

dambeyso ajaanibta dalka dibadiisa laga keenay ee hadda la wareegay shaqooyinkii dhismaha oo ay iyaga qaban jireen. Wuxuu sidoo kale xusay in xaaladooda ay uga sii dartay sicir bararka ka jira dalka.

Xasan oo qoyskiisa kula nool xerada Washington ayaa tilmaamay in markii ay shaqadu fiicnayd uu ugu yaraan heli jiray maalinkii $25. Balse hadda ayuu sheegay in mararka qaar uu shan maalin shaqaba helin oo uu qoyskiisa gacan maran ugu laabto.

“Si xun bay noo saameysay shaqo mahayno, bilaa camalbaa nahay…camalka aad ayuu u yar yahay. Gidaarada ayaan iska taagannahay aniga iyo ragga ila midka ah. Wax shaqo ah oo la haayo ma leh, waddankii ajanibaa buuxda, shaqooyinkii inta badan iyagaa haysta. Ragaan aad u jeedo waa wada farsmo yaqaniin oo waxaa ku jira fuundiyaal, farsmo-yaqaanno iyo tuubaystayaal,” ayuu yiri.

Dadka ajaanibta ee guryaha dhiso ayaa laga keenaa dalalka Hindiya iyo Shiinaha.

Cali Faarax oo ah madaxa shaqaalaha shirkada dhismaha guryaha ee Iftin ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka ajaaniibta ah ay ku doortaan khibradooda iyo aqoontooda si ay usoo jiitan macaamiil badan, ayna u hormariyaan shaqadooda.

“Shaqaalaha ajinabiga ah aan meelaha ka keeno waa shaqaale xirfad iyo aqoon aan wadanka oolin haysta. Shaqaalaha aan dibadda ka keensano waxaan ku xulannaa oo aan meesha u keensanaa waxaa weeye aqoonta ay uleeyihiin dhismayaasha casriga ah,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in shirkadda Iftiin ay ka shaqeeyan shaqaale Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah. Ninkan ayaa sheegay in shirkadooda ay mar walbo ka shaqeyso sidii ay ku hor marin lahayeen ganacsigooda, macaamiishoodana ugu dhisi lahayeen guryo bilic leh oo ay tayadoodu wanagsantahay, taasi na ay ku riixday inay shaqaalo ka keensadan dibadda.

“Dadka ajaanibta ah iyo xoogsatada wadankeenNa, ajaanibta ayaaba qaali ah. Sababta aan u keenno maahan inaan qiimo raqiis ah ku raacayno ee waxaa weeye inaan helno wax tayo leh, wax dhisi kara oo qurux badan waliba oo lajaanqadi kara dhismayaasha adduunka. Qofka ajinabiga ah ee waddanka kale ka keentay wuxuu rabaa inaad caafimadkiisa iyo amnigiisa ka war qabtid. Meeshii ay dagi lahaayeen, sidoo kale waa inaad ka war qabtaa. Waxaaso dhan waa caqabad aad dusha saaranaysid,” ayuu yiri.

Shirkaddan dhismaha waxaa u shaqeysa guud ahaan 27 qof oo ah dadka guryaha dhisa. Toddobo iyo toban ka mid ah waa shaqaale ajaaniib ah, halka 10 ay yihiin shaqaalaha degaanka.

Previous Post

Jowhar: Ganacsiyada qoysas danyar ah oo u xirmaya suuq xumo ka dhalatay abaarta

Next Post

Beledweyne: Boqollaal beeraley ah oo ku laabtay tacbashada markii qalabka cadceedda ku shaqeeya loogu xiray tuuladooda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Beledweyne: Boqollaal beeraley ah oo ku laabtay tacbashada markii qalabka cadceedda ku shaqeeya loogu xiray tuuladooda

Beledweyne: Boqollaal beeraley ah oo ku laabtay tacbashada markii qalabka cadceedda ku shaqeeya loogu xiray tuuladooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo