Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Beledweyne: Boqollaal beeraley ah oo ku laabtay tacbashada markii qalabka cadceedda ku shaqeeya loogu xiray tuuladooda

Radio Ergo by Radio Ergo
August 1, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Boqollaal beeraley ah oo ku laabtay tacbashada markii qalabka cadceedda ku shaqeeya loogu xiray tuuladooda

File Photo/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeraleyda ku nool degaanka Bacaad oo 20 km dhinaca waqooyi ka xiga degmada Baladweyne ayaa qalabkooda beeraha dib u qaatay markii la siiyay qalab Soollar ah oo ka caawinaya inay biyo u helaan dhul beereedkooda.

Faraax Cabdisalaan Faarax oo taniyo Febraayo 2020 beertiisa u tacban waayay biyo la’aan ayaa ka faa’iideysanaya qalabka illeyska cadceeda ku shaqeeya oo u suura geliyay inuu dib u abuurto dhulkii uu yaanbada kala caagay.

Labo sano kadib wuxuu geed qaaday beertiisa oo 4 hektar ah. Wuxuu ku billaabay abuurkii ugu horreeyay. Tacab kasta wuxuu ku bixin jiray lacag dhan $500 oo deyn ah balse hadda wuxuu beertiisa ku fidinayaa biyo bilaash ah.

“Hadda Soolar ayaan helnay. Shaqadii ayaan bilaabay. Hay’ad baa System Solar noo keentay. Hadda xaalka waa okey wax naga haleeysan malaha haddii aan nahay beeraley. Beerteyda waa waraabin hayaa, shidaalkii oo an ka fikireeyey oo qaaliga ahaa, iyo tacabkii oo yaraan lahaa hadda waa fududaaday, systemkan ayaa ku shaqeysaney masha Allaah,” ayuu yiri.

Waxyaabaha curyaamiyay wax soo saarkiisa waxaa ka mid ahaa guridda webiga Shabeelle oo soo noqnoqday iyo qiimo kororka ku yimid shidaalka. Cilladdo shaqada matoorka dhowr jeer ka hakiyay ayaa sidoo kale sababay inuu biyo u waayo dallagyada xilliga ay u baahan yihiin.

Faarax ayaa tilmaamay in maareynta nolosha qoyskiisa oo ku tiirsaneyd waxa u soo go’aya ay ciriiri gashay. Wuxuu gaaray heer uu lacagta waxbarashada oo 30$ ka bixin waayo siddeed carruurtiisa ka mid ah oo dhigta dugsi qur’aan.

Wuxuu nolosha qoyskiisa ka dabbari jiray 80 neef oo ari ah iyo saco lix ah. Wuxuu sheegay in kala bar xoolihii ay noqdeen wax uu reerka raashin ugu gaday iyo in abaarta ku baxay. Bishii Janaayo ee sanadkan dad ay qaraabo dhaw yihiin oo uu la wadaagay culeyska ka haysta helidda nolol maalmeedka iyo bixinta qarashka waxbarashada ayaa u soo diray $300.

Ninkan ayaa hadda helay firfircooni iyo rajo ah inuu isku filnaado. Wuxuu sheegay inuusan welwel ka qabin waraabinta dallaga uu beerayo. Hal Bam oo soolarada ku xiran iyo labo keyd u ah tubbooyin dhulka hoos mara ayaa loo sameeyey beeraleeyda uu ka midka yahay kuwaas oo si sahlan ugu waraabsada beerahooda.

Mashruuca himilada galiyay beeraleyda uu ka midka yahay Faarax ayaa degaanka ka socday lixdii bilood ee la soo dhaafay. Hirgelintiisa waxaa iska kaashanaya maamulka Hirshabeelle iyo hay’adda Save the Children.

Xasan Maxamuud Goodax oo beeraleyda Bacaad kamid ah ayaa sheegay in dhibaato badan uu ku qabay helida shidaalka uu ku shuban jiray matoorka waraabiya beertiisa maadaama uusan awoodi jirin dhaqaalaha ku baxayayay.

Dhibaatadaas waxaa u weheliyay sidoo kale in kanaalada beerta biyaha soo gaarsiiya ay iska bur-buraan dhowrkii bilba mar taasi oo keentay in biyo badan ay ka qasaaran iyagoo aan soo gaarin. Noocyo ka mid ah waxyaabihii uu beeri jiray ayuu xusay inuu u daayay biyo xumada beertiisa ay la daalaadhacaysay darteed.

“Qudaar ma aanan dhige Karin awal, nin walba oo beeraleey ah waxaa uu xoogga saaray neefka ariga iyo lo’da ah yuuna kaa baqdin oo bal ayuu abuuray, marka qudaarta meesha ayey ka baxday dadkii ayaaba baaba’ ah marka hadii ay inoo bilowdeen biyaha waa iska abuuraneeyna beeraha waa weyn oo 40ka tacab ah 10 qoys qaab shirku ahaan ah,” ayuu yiri

Wuxuu hadda rajo fiican ka qabaa dalagyada u beeran oo uu ku waraabiyo qalabka soolarka ah ee la siiyay, marka ay u soo go’aan wuxuu ku han weyn yahay inuu iska bixiyo deymo horey loogu yeeshay.

“Waxay ila shidaal danbo iyo wareerkiisa danbo inaan galeeyn, qarash ayaa kugu socda hadda ma lehi haddii 48 saac oo waraab ku socdo, waan ka faa’iideysanay beertii oomaneeyd waa ku cabtay alxamdullalahi oo biyaha mudo aan soo gaarin, waxaan ku abuuray qudaar, sida Yaanyanada, qaraha, banbanuunida iyo basbaaska iyo batiiqa,” ayuu yiri.

Beertiisa oo hal hektar ah wuxuu sheegay in tuulalda Bacaad ay u jirto 1km ayna adkeyd inuu u helo biyo uu si joogta ah ugu waraabiyo. Intaas wuxuu ku daray in dalagyada qaar ay biyo la’aan uga dhiman jireen markii uu biyo yareeyo webiga Shabeelle.

Guddi Odeyaal degaanka ah ayaa gacanta ku haya Soolarradan kuwaas oo u kala qeybinaya beeraleeyda. Gudgigaas culeyska ay dareemaan waxay lasoo wadaagaan Maamulka degmada ama Maamulka Gobolka si wax looga qabto.

Wasaarada Beeraha Maamulka Hirshabeella ayaa sheegtay in Wasaraadda ay ogaatay in qarashka ugu badan ay beeraleyda ku bixiyaan Matoorrada waraabka, iyada oo taasi laga duulayo ayey sameeyeen tijaabadii ugu horreysay oo looga maarmaro shidaal iyo matoor. Wasiiru dowladaha wasaaradda Beeraha Yuusuf Axmed Yalaxoow ayaa sheegay in Mashruucan uu wax tar weyn u leeyahay beeraleyda Baladweyne.

“Waa mashriicii ugu horreeyey ee laga hirgaliyo deegaanadan. Bulshada culeys weyn ayey ku qabtay tacbashada beeraha. Waxaa ay isticmaali jireen Kanaal la qodayo intaas oo sano ama bilo, waxaa ay ku dhibanaAyeen Matoorro helistooda ay ku adag tahay dadka danta yar ee deegaankan ku nool. Mashruucan waxaa uu fududeeyna ama sahlayaa in si sahlan ugu faa’iideysataan beeraleyda iyo xoolaleeyda. Matoor iyo kanaal la qodo uma baahno Soolarkan,” ayaa yiri.

Wuxuu intaasi ku daray in Soolarradan ay waraabin karaan halkii maalin dhul beereed ku fadhiya bed gaaraya 15 km oo isku weer ah. Wasiir Yuusuf ayaa dadka degaanka ugu baaqay in ay ilaashadaan qalabka isla markaana ay uga faa’iideystaan sidii loogu tala galay.

Wasaaradda Beeraha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegtay in mashruucan uu wax badan ka beddeli doono qudaar la’aanta xilliga ka jirta suuqyada magaalada baladweyne iyo degaanada kale ee Hirshabeelle.

Previous Post

Garowe: Dadka ka shaqeeya dhismaha guryaha oo wajahaya shaqo yari saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda

Next Post

Cadaado: Sicir barar ka jira magaalada oo saameeyay nolosha xoogsatada deggan

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Rising Cost of Living

Cadaado: Sicir barar ka jira magaalada oo saameeyay nolosha xoogsatada deggan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo