Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cadaado: Sicir barar ka jira magaalada oo saameeyay nolosha xoogsatada deggan

Radio Ergo by Radio Ergo
August 3, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Rising Cost of Living

Woman selling tea in Guriel/ Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Salaado Ibraahim Cali oo gudaha magaalada Cadaado shaah ku iibisa goob kiro ah ayaa sheegtay in saddexdii bilood ee u dambaysay aysan waxba ka faa’iidin ganacsigeeda sicir-barar ka jira degmada darteed. Loorka sonkorta ah ayaa hadda qiimihiisu ka yahay magaalada 47 doollar halka markii hore uu ahaa 30 doollar keliya.

“Sicir-bararku waxuu noo saameeyay wixii naga soo gali jiray way jarmeen, faa’iido badan ayaa awal naga soo gali jrtay. Hadda faa’iido badan kuma qabno sababtoo ah shaahii maanta oo dhan waa gadaysaa sonkortii ayaa soo gadeysaa, caawa markaa xisaabiso waxaagii waxay noqonayaan wax aan kiradii ahayn kaaga soo go’imaayaan. Dad badan oo shaahlay ah ayaan u tagay dhibaatadan way na wada haysataa,” ayay tiri Salaado.

Koobka shaaha ah oo ay iibiso $0.15 ayay xustay in aan waxba lagu kordhin karin. Haddii ay qiimaha wax ku kordhiso waxay ka baqeysaa inay waydo cid wax ka gadata.

Sicir bararka ka hor waxay tilmaamtay inay maalinle uga heli jirtay iibinta shaaha lacag u dhaxeysa 5-6 doollar oo faa’iido ah taas oo ay ku maarayn jirtay nolosha saddex carruur ah oo ay dhashay.

“Markii hore waxa naga soo gala waan quudan jirnay balse hadda haddaan faa’iido naga soo galayn waxaan damacnay in an iska dhaafno ama aan iska xiro, macaamiishaas maahane hadda wax kale oo faa’iido kale nooguma jiraan sababtoo ah waxba naga soo gali maayaan, hadday sidan sii ahaatana ma sii wadi karno, saatan gurigeena in aan iska joognaa nooga fiican,” ayay tiri.

Salaado ayaa sheegtay in tan iyo bishi May lagu yeeshay lacag dhan 230 doollar oo deyn ah oo ay ka qaadatay bakhaar uu leeyay qof ay qaraabo yihiin. Waxay xustay inay ku adag inay iska bixiso maadaama uu hoos u dhacay dakhliga ka soo shaqadeeda.

Haweeneydan ayaa weli ku rajo weyn in qiimaha maciishadda uu sidii kore ku soo laaban doono balse waxaa waxaa u muuqda walaac ah in haddii ay wax is beddali waayaan aysan sii wada karin shaah karinta ay ku tiirsan tahay.

“Guriga kiradiisa waxaa laygu leeyahay sadex bilood oo $75 dollar ah dadkii guiga lahaa mar kasta waa ii yimaadaan oo waxay idhahaan guriga kiradiisa nasii aniguna iskama bixin karo, maadaama meeshii aan ka shaqaysan jiray ay iga xumaatay. Aniga hadda mararka qaar waxaan ku hamiyaa in aan xeryahaas barakaca iska aado maadaama kirada aanan iska bixin karin aniga iyo ilmahaygu,” ayay tiri.

Qoyska Salaado ayaa ka mid ah qoysas dhamaadkii 2021 ka soo barakacay degaanka Cado-kibir ee gobolka Galgaduud oo Cadaado 65km dhanka bari kaga beegan. Barakacooda ayaa ka dhashay dagaal degaanka ku dhex maray ciidamada dawladda iyo Al-shabaab.

Dhanka kale Cabdinuur Maxamed Cabdulle oo ah fuundi dhisa guryaha ayaa sheegay in xoogsatada uu aad u saameeyey sicir bararka. Wuxuu xusay in lacagta ay ku shaqeeyaan aan la kordhin balse qiimaha raashinka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah ay qaali noqdeen taasi oo hoos u dhigtay hab nololeedkooda.

“Walaaloow annaga saddex doollar ayaa wax lagu dhisaa. Haddaad cirka aaddo toddobo mitir ayaa dhisi kartaa maanlintii waana labaatan doollar markii qof shaqaale ah kula qaybsadana adiga waxaa kaaga soo aadaya $14 ama $12 shaqaalihiina waa sidoo kale waxaa ku soo aadaya $6 ama $7 dollar, waa qadar adiga aad u yar. Qadarka nuucaas ah marka cunnadii la cuni lahaa, dharkii la qaadan lahaay, Saliiddi, iyo dhuxushii wax kasta oo nolosha bini’aadniga ku yimaada ayaa yimid isma qaban karaan mana is qaadan karaan,” ayuu yiri.

Qiimaha raashinka iyo adeegyada kale ayuu sheegay in bishii ay ugu bixi jirtay lacag dhan $250 haddana aysan ku filayn xitaa $350 oo ka dhigan ku dhawaad labo-laabka biilkii uu horay u bixin jiray. Wuxuu intaas ku daray in bilihii la soo dhaafay in biilka reerka uu ku kabayay $300 oo kayd u ahayd balse hadda ay ka dhammaatay.

“Walaaloow annagu wax aan samayn karno ma jiraan, wax aan karno ma jiraan, xoolana maba haysanno. Sidaan haddii ay sii ahaato wax aan samayno maba naqaanba wax aan samayn karno iyo wax aan badali karno lama arko,” ayuu yiri Cabdinuur.

Saameynta sicirka bararka waxay taabatay danyarta magaalada oo dhan. Siciid Bashiir oo ku shaqaysta gaari taksi ah ayaa sheegay in lacagta lagu qaado hal qof iyo liitarka shidaalka ah ay isku qiimo noqdeen. Wuxuu xusay in maanta oo dhan waxa uu shaqayo aysan ka badnayn shidaalka gaariga.

“Markaad qof qaado oo lacagta ka soo qaado waa in aad shidaal ku shubto labadii qof oo aad qaado kaalintaa tagaysaa waa ku soo shubaysaa. Marka ninyahaw arrintan waa na dhibaataysay shidaalkaas iyo maciishadda lacagta haddaad istiraahdo xaafadda u soo adeeg oo sobkor u soo qaad, dhuxul u soo qaad lacag goysaba ima soo harayso,” ayuu yiri Siciid.

Qoyska Siciid oo shan qof ah wuxuu tilmaamay in horay maalinkii ay uga bixi jirtay biilka $4 doollar haddana ay gaartay $7 doollar oo uusan ku jirin raashinka. Siciid ayaa sheegay in markii hore lacagta soo gasho uu u qaybin jiray dhawr meelood oo kala ah biilka, shidaalka iyo dhigaal si marka gaarigu ka cilladoobo uu ugu hagaajisto balse hadda taasi meesha way ka baxday oo waxaa lagu leeyahay $80 doollar oo deyn ah.

“Baqaarkii waxaan kala kulmay waxii yaraa ee maantoo kale aan soo helo aniga waxaan ku gadan karay xaafadda biilkeeda laakiin hadda wax kasta waa yaraadeen, dayn xitaa qof ku siinaaya arki maysid hadda, sababtoo ah ayaguna rafaaday ku keeneen annaguna haddaan qaadanno si ay nooga soo baxdo waa adagtahay marka daynta waa adagtahay si laguu siiyo,” ayuu yiri.

Previous Post

Beledweyne: Boqollaal beeraley ah oo ku laabtay tacbashada markii qalabka cadceedda ku shaqeeya loogu xiray tuuladooda

Next Post

Muqdisho: Roobka xagaaga oo saameeyay ilihii nolol maalmaalmeedka ay ka heli jireen qoysaska naafada ah

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Rain disadvantage disabled IDPs in Modagishu camps

Muqdisho: Roobka xagaaga oo saameeyay ilihii nolol maalmaalmeedka ay ka heli jireen qoysaska naafada ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo