(ERGO) – Salaado Ibraahim Cali oo gudaha magaalada Cadaado shaah ku iibisa goob kiro ah ayaa sheegtay in saddexdii bilood ee u dambaysay aysan waxba ka faa’iidin ganacsigeeda sicir-barar ka jira degmada darteed. Loorka sonkorta ah ayaa hadda qiimihiisu ka yahay magaalada 47 doollar halka markii hore uu ahaa 30 doollar keliya.
“Sicir-bararku waxuu noo saameeyay wixii naga soo gali jiray way jarmeen, faa’iido badan ayaa awal naga soo gali jrtay. Hadda faa’iido badan kuma qabno sababtoo ah shaahii maanta oo dhan waa gadaysaa sonkortii ayaa soo gadeysaa, caawa markaa xisaabiso waxaagii waxay noqonayaan wax aan kiradii ahayn kaaga soo go’imaayaan. Dad badan oo shaahlay ah ayaan u tagay dhibaatadan way na wada haysataa,” ayay tiri Salaado.
Koobka shaaha ah oo ay iibiso $0.15 ayay xustay in aan waxba lagu kordhin karin. Haddii ay qiimaha wax ku kordhiso waxay ka baqeysaa inay waydo cid wax ka gadata.
Sicir bararka ka hor waxay tilmaamtay inay maalinle uga heli jirtay iibinta shaaha lacag u dhaxeysa 5-6 doollar oo faa’iido ah taas oo ay ku maarayn jirtay nolosha saddex carruur ah oo ay dhashay.
“Markii hore waxa naga soo gala waan quudan jirnay balse hadda haddaan faa’iido naga soo galayn waxaan damacnay in an iska dhaafno ama aan iska xiro, macaamiishaas maahane hadda wax kale oo faa’iido kale nooguma jiraan sababtoo ah waxba naga soo gali maayaan, hadday sidan sii ahaatana ma sii wadi karno, saatan gurigeena in aan iska joognaa nooga fiican,” ayay tiri.
Salaado ayaa sheegtay in tan iyo bishi May lagu yeeshay lacag dhan 230 doollar oo deyn ah oo ay ka qaadatay bakhaar uu leeyay qof ay qaraabo yihiin. Waxay xustay inay ku adag inay iska bixiso maadaama uu hoos u dhacay dakhliga ka soo shaqadeeda.
Haweeneydan ayaa weli ku rajo weyn in qiimaha maciishadda uu sidii kore ku soo laaban doono balse waxaa waxaa u muuqda walaac ah in haddii ay wax is beddali waayaan aysan sii wada karin shaah karinta ay ku tiirsan tahay.
“Guriga kiradiisa waxaa laygu leeyahay sadex bilood oo $75 dollar ah dadkii guiga lahaa mar kasta waa ii yimaadaan oo waxay idhahaan guriga kiradiisa nasii aniguna iskama bixin karo, maadaama meeshii aan ka shaqaysan jiray ay iga xumaatay. Aniga hadda mararka qaar waxaan ku hamiyaa in aan xeryahaas barakaca iska aado maadaama kirada aanan iska bixin karin aniga iyo ilmahaygu,” ayay tiri.
Qoyska Salaado ayaa ka mid ah qoysas dhamaadkii 2021 ka soo barakacay degaanka Cado-kibir ee gobolka Galgaduud oo Cadaado 65km dhanka bari kaga beegan. Barakacooda ayaa ka dhashay dagaal degaanka ku dhex maray ciidamada dawladda iyo Al-shabaab.
Dhanka kale Cabdinuur Maxamed Cabdulle oo ah fuundi dhisa guryaha ayaa sheegay in xoogsatada uu aad u saameeyey sicir bararka. Wuxuu xusay in lacagta ay ku shaqeeyaan aan la kordhin balse qiimaha raashinka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah ay qaali noqdeen taasi oo hoos u dhigtay hab nololeedkooda.
“Walaaloow annaga saddex doollar ayaa wax lagu dhisaa. Haddaad cirka aaddo toddobo mitir ayaa dhisi kartaa maanlintii waana labaatan doollar markii qof shaqaale ah kula qaybsadana adiga waxaa kaaga soo aadaya $14 ama $12 shaqaalihiina waa sidoo kale waxaa ku soo aadaya $6 ama $7 dollar, waa qadar adiga aad u yar. Qadarka nuucaas ah marka cunnadii la cuni lahaa, dharkii la qaadan lahaay, Saliiddi, iyo dhuxushii wax kasta oo nolosha bini’aadniga ku yimaada ayaa yimid isma qaban karaan mana is qaadan karaan,” ayuu yiri.
Qiimaha raashinka iyo adeegyada kale ayuu sheegay in bishii ay ugu bixi jirtay lacag dhan $250 haddana aysan ku filayn xitaa $350 oo ka dhigan ku dhawaad labo-laabka biilkii uu horay u bixin jiray. Wuxuu intaas ku daray in bilihii la soo dhaafay in biilka reerka uu ku kabayay $300 oo kayd u ahayd balse hadda ay ka dhammaatay.
“Walaaloow annagu wax aan samayn karno ma jiraan, wax aan karno ma jiraan, xoolana maba haysanno. Sidaan haddii ay sii ahaato wax aan samayno maba naqaanba wax aan samayn karno iyo wax aan badali karno lama arko,” ayuu yiri Cabdinuur.
Saameynta sicirka bararka waxay taabatay danyarta magaalada oo dhan. Siciid Bashiir oo ku shaqaysta gaari taksi ah ayaa sheegay in lacagta lagu qaado hal qof iyo liitarka shidaalka ah ay isku qiimo noqdeen. Wuxuu xusay in maanta oo dhan waxa uu shaqayo aysan ka badnayn shidaalka gaariga.
“Markaad qof qaado oo lacagta ka soo qaado waa in aad shidaal ku shubto labadii qof oo aad qaado kaalintaa tagaysaa waa ku soo shubaysaa. Marka ninyahaw arrintan waa na dhibaataysay shidaalkaas iyo maciishadda lacagta haddaad istiraahdo xaafadda u soo adeeg oo sobkor u soo qaad, dhuxul u soo qaad lacag goysaba ima soo harayso,” ayuu yiri Siciid.
Qoyska Siciid oo shan qof ah wuxuu tilmaamay in horay maalinkii ay uga bixi jirtay biilka $4 doollar haddana ay gaartay $7 doollar oo uusan ku jirin raashinka. Siciid ayaa sheegay in markii hore lacagta soo gasho uu u qaybin jiray dhawr meelood oo kala ah biilka, shidaalka iyo dhigaal si marka gaarigu ka cilladoobo uu ugu hagaajisto balse hadda taasi meesha way ka baxday oo waxaa lagu leeyahay $80 doollar oo deyn ah.
“Baqaarkii waxaan kala kulmay waxii yaraa ee maantoo kale aan soo helo aniga waxaan ku gadan karay xaafadda biilkeeda laakiin hadda wax kasta waa yaraadeen, dayn xitaa qof ku siinaaya arki maysid hadda, sababtoo ah ayaguna rafaaday ku keeneen annaguna haddaan qaadanno si ay nooga soo baxdo waa adagtahay marka daynta waa adagtahay si laguu siiyo,” ayuu yiri.