(ERGO) – Boqol iyo siddeetan qoys oo ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ku nool xerada Dhimris ee degaanka Garas-baalay ayaa wajahaya hoy xumo iyo cunno yari darran. Qoysaskan oo ku tiirsanaa waxa ka soo gala xoogsi iyo dewarsi ay u aadi jireen suuqyada degmooyinka gobolka Banaadir.
Balse roobabka xagaaga oo si joogta ah uga da’ayay muqdisho isbuucii la soo dhaafey ayaa ku qasbay inay ku negaadaan guryahooda maaddaama qaar ka mid ah waddooyinkii ay u mari lahayeen magaalada iyo xaafadaheeda ay biyo xireen.
Xaliimo Bilow Cali oo ah 68 jir naafo ah waxay ka mid ah tahay dadka barakacnimada soo door bidday ee la daalaadhacaya helidda quud maalmeedka. Da’da ay tahay, kala dhimanaanta lixaadkeeda iyo inaysan la joogin cid ka garab-siisa nolosha – ehel iyo carruur midna – ayaa u nugleyneysa caqabadaha in ka badan qoysaska is wada ee kula nool xeradan oo ay soo degtay horraantii June.
“Wiil ii shaqeynaya ma qabo, gabar ii shaqeyneysa ma qabo. Islaankaan magansanahay. Dadka buush xoog ayay ku raadsadaan, xoog ma qabi. Qof curyaan ah ayaan ahay, ma shaqeysan kari. Labadii bari ee aan joogay magaalada ayaan aadayay, halkoo dollar iyo labadoo dollar ayaan soo helayay gacantaba aan soo hoorsadee. Hadda, roobkii meel kasta biyaa yaalla inaan kufo oo aan jajabo ayaan ka cabsanaa. Muddo shan bari ah ma bixin, 24 saac dabkayga lama shidin,” ayay tiri.
Shaqooyinka isha u ah qoysaska barakaca ah waxay u badan yihiin kuwo u baahan awood jireed. Dadka naafada ah sida Xaliimo uma sahlana inay qabtaan. Tan iyo markii ay ku soo biirtay xerada barakaca maareynta nolosheeda waa welwelka ugu badan ee ay ku seexato kuna soo kacdo.
Waxay sheegtay in nolosheeda ay ku tiirsanayd inta yar ee ay dawarsiga uga soo hesho dadka deggan gudaha magaalada. Waxay tilmaamtay in maalmihii la soo dhaafey ay guriga ka bixi wayday, taasi na ay aad u saameysay nolosheeda.
Xaliimo ayaa xustay in hadda ay ku nooshahay raashin yar oo ay ka hesho qoysaska deriska la ah.
“Gacan hoorsi ayaan ku noolahay. Walaalow wax ma i dhaantaan halka nuska wax i sii ayaan ku noolahay. Habeenkaan waayaa waan iska seexdaa. Haddii wax la i siiyo oo alaab la ii gado waan iska rabaa,” ayay tiri.
Haweeneydan ayaa habeenkii ku hoyata guri maryo ka sameeysan oo aan ka celin karin roobka xagaaga iyo qabowga deyro dhaafka. Ulaha iyo maryaha aqalka ugu dhisan, waxaa ka caawiyay haween ka danqaday inay geed gabaad ka dhigato. Balse buulka ay ku jirto waxaa u yaalla keliya derin derisku siiyeen.
“Hoy ma haysti, dhar aan xirto ma haysti. Weel aan wax ku karsado ma haysti. Jiifta meelaan wax dhiganayo malaha. Haddii bariga hoy la ii yeelo waan iska rabaa. Qof baahan ayaan ahay, qof baahanna wax ma diido,” ayay tiri
Xaliimo ayaa sheegtay inay hal joog ka haysato dhar oo dhan. Helidda biyo nadiif ah waa mid ka mid ah culeysyada ka jira xerada. Dadka ayaa biyaha u doonta ceel u jira qiyaas 1 km. Xaliimo
iyo dadka la midka ah ee lixaadkooda uusan dhameystirnayn waxay biyaha la wadaagaan qoysaska leh dad laxaad qaba ee u soo dhaamin kara. Sidoo kale, xerada ay ku nooshahay ayaan lahayn adeegyada nolosha aasaaska u ah.
“Musqul ma haysanno. Musqul la’aan ayaa na dishay. Mar mar inaan bannaanka aado, xaafado ayaan soo tuugaa. Haddaad bannaanka aado waxaa lagu leeyahay maxaa halkan ku fariisiyay? Adigna duruuf ayaa ku haysata,” ayay tiri.
Xaliimo waxay 12 sano naafo ka tahay lugta midig. Qaar ka mid ah xiddidaha neerfaha ayaa shaqo gabay markii uu habeen iyadoo gurigeeda huruda uu ku dhacay madfac. Saddex sano oo roob la’aan xiriir ah ayaa ku qasabtay inay ka soo barakacdo Degaanka Ufurow oo ay ku lahayd beer saddex hektar ah oo ku baxda waraabka xareedda.
“Beerta waxaa ka baxayay digirta, galleyda, masagada, looska wax kasta waa noo bixi jireen. Maanatan dad tabaysiin gacan hoorsaneysiin isma lahayn. Roob la’aanta ayaa noo keentay mooyee. Dad maanta Xamar ayaad aadeysiin walax ayaad dad ka tuugeysiin ismaan laheyn. Markaan inta imaaday waan yaabay, barakaca dhegaha ayaan ka maqli jiray,” ayay tiri
Beeraleyda ay soohdin wadaagta ahaayeen ayay sheegtay inay ka caawin jireen geed qaadida, abuuridda, falidda iyo goynta dallagga. Balse, xilli roobeedyadii u dambeeyay oo aan u hoorin sidii la rabay ayaa rajo tiray beeraleydii ku tiirsanaa dhicbaha madarka sida Xaliimo.
Carruurteeda oo afar ah labo ka mid ah waxay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga ee Kenya, midna wuxuu joogaa dalka Yeman. Waxay sheegtay inaysan wax taageero ah ka helin maadama iyaguba ay qaxooti ku jiraan. Gabadheeda ugu yar oo reer leh waxay uga soo tagtay degaankii ay ka soo barakacday.
“Gabarna meeshii ayaan uga soo tagay oo ilmooley ah. Hooyoy haddii aad wax hesho baabuur fuul ii soo dhiib, ilamahan ayaan inta ka wadan hooyin muslinka ii soo dhex gal ayay igu dhahday. Shalay xitaa way i soo wacaysay,” ayay tiri.
Haweeneydan ayaa sheegtay inay aad ugu dhibtootay noloshii miyiga. Waxay dantu tustay inay Muqdisho soo beegsato iyadoo aysan uga soo horeyn cidna. Filasahdeeda ayaa ahayd inay heli doonto sama fal balse uma noqon waayuhu sidaas.
Qoysaska xerada Dhimris waxay noloshooda ka maareeyaan dhaqaale yar oo ka soo gala dawarsiga balse qaarkood ayaa awoodi waayay inay u lugeeyaan magaalada oo u jirta 10 km, maadaama biyo fariisiyada iyo dhiiqada aysan ka gudbi karin dadka naafada.
Khadiijo Aadan Xuseen oo haysta shan carruur ah waxay dul-saar ku yihiin saddex qoys oo xerada uga soo horreeyay. Waxay sheegtay inay labo-labo isku qeybiyaan haweenkii oo ay la kala seexdaan saddex qoys oo leh guryo buushash ah.
“Cuntaan u baahannahay. Tii lacag ahayd ma haysanno waan u baahannahay. Waxbarashaan u baahannahay. In guryo lanoo dhiso ayaan u baahannahay. Musqulo ayaan u baahannahay. Wax kasta annaga maanta dhibaan u qabnaa, dhulkaas ayaan naalaa. Wax aanan u baahneyn ma jiro,” ayay tiri.
Haweenka qaar ee barakaca ku ah halkan waxay qoysaskooda dabka ugu shidaan lacag u dhaxeysa 2-4 dollar oo ka soo gasha dhar dhaqidda balse Khadiijo oo ah 64 jir hal il naafo ka ah waxay sheegtay inay isku dayday shaqadan balse ay awoodi waysay.
Nolosha qoyskeeda ayaa ku tiirsan wiil ka mid ah carruurteeda oo kirishbooy ah. Waxay tilmaamay inuu ugu badnaan soo helo 3 doollar oo dhardhaaraha digsiga lagu saaro hal wakhti. Maalmaha uu soo waayo ayay xustay inay dhex gasho qoysaska kale. Waxay intaas ku dartay in roob iyo cunno la’aan ku kulmaan.
“Roobkaas waan qarqarnay, dhibaato qofkii ilmo haysta wuu iska oynaa laakiin dadka waa weyn way iska adkeysanayeen. Qorraxda marka ay dhacdo ayuu welwel yaalaa maalintii ayaa roon oo guryaha muslimka loo carari karaa, habeenkii intee aadee. Nolosha raashinka ayaaba noogu sii darran, gaajo ayaan wax walba nooga daran, wax maanta la hayo ma leh,” ayay tiri.
Khadiijo iyo carruurteeda waxay ka soo barakaceen degaanka Goof Gaduud Shabeelow oo 30 km u jira Degmada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxay ku dhaqanayeen 58 neef oo lo’ ah oo ay abaarta ku waayeen. Waxay xustay inay haysteen cunno iyo koosaar isku dheellli-tiran. Balse hadda waxaa ku adag inay helaan bariis aan iidaan lahayn.
Xerada Dhimris waxay ka mid tahay afar xero oo ku yaalla bannaanka Muqdisho oo ay ku soo hirtaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Cabdullaahi Maxamed Cali oo aragga la’ isla markaana ah horjoogaha xerada ayaa Ergo uga warramay waxay isugu jiraan dadka ay halkan u tahay bar hirashada nolosha.
“Waxaa deggan naafo kala duwan; sida indhoolka, lugoodka, gacmoodka, dhegoolka intuba way deggan yihiin. Waa dad ay xaaladoodu aad u liidato iska daruufeysan oo dan iska hayso, kaamkaas barakac ku ah. Iyagoo saa ahaa ayaa waxaa soo dul-deggay barakac cusub oo dadka abaartu saameeyay oo Baydhabo iyo Shabeelada hoose ka soo barakaceen.” ayuu yiri.
Tan iyo markii ay soo deggeen xerada bishii March ee sanadkan ayuu sheegay inaysan helin wax gargaar ah. Dadka Xerada ku nool ayaa isugu jira kuwo barakac cusub ah iyo kuwo u guuray markii ay ogaadeen inay gaar u tahay naafada. Mar kale Cabdullahi ayaa noo sharraxaya sababta ku xanbaartay isku keenida naafada.
“Qof naafo ah, qofka xoogga leh wax lama qeybsan karo ama wax bixin ha noqoto ama hoyga nolosha ha noqoto. Sidaas daraadeed, waxaan nagu kalliftay inaan dadkii isku aruurino ayaga oo aan doorbidno inay iyagu is garabsadaan. Markay wax isla doonanayaan, iyagu ay si naxariis iskula doontaan, markay qaar qadaan qofka wax soo hela uu caawiyo qofka kale,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa sheegay in duruufta uu la wadaago dadka xerada kula nool. Wuxuu intaas ku daray inay jiraan qoysas aan laheyn xubno lixaad qaba oo u xoogsi tagi kara. Wuxuu dadweynaha ka codsaday inay il gaar ah u yeeshaan dadka ay abaaruhu saameeyeen si gaar ah naafada.