Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kismaayo: Gabar nolosha qoyskeeda oo danyar ah ka maareysa sawir gamceed ay sameyso

Radio Ergo by Radio Ergo
August 5, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Artistic Talent

Caption: Shukri Abdihakim at work painting murals in Kismayo/Ahmed Abdi Toronto/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shukri Cabdixakiin Garwayne 18 jir agoon ah ayaa waxbarashadeedii uga hartay inay soo saarto nolol-maalmeedka walaalaheed. Qoyska Shukri oo ka kooban sagaal qof ayaa hadda biisha dhaqaale 300 oo doollar ah oo bishii ka soo gala sawir gacmeed ay u sameyso goobaha waxbarashada, caafimaadka, dadka furanaya ganacsiga iyo xafladaha.

“Lacgta aan helo waxay naga kaafisaa cunto nagu filan in aan helno qoys ahaan, dugsiga qur’aanka waan kaga bixiyaa carruurta, koronta iyo guud ahaan waxyaabaha aasaasiga ah qofka maanta adduunka ugu taajirsan ayaa wax kale u sii baahan marka meel fiican ayay naga buuxisay shaqadan aan hayo,”sidaa waxaa Radio Ergo u sheegtay Shugri Cabdixakiin Gadhwayne.

Shukri oo hadda shaqada wadda bishi saddexaad ayaa ka mid ah 13 dhallinyaro ah oo loo tababbarray xirfadda sawir gacmeedka oo laga qoray xaafadda ay deggan yihiin dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ee Midnimo. Barashada xirfaddan oo bilaash ahayd ayay billowday bishi Jannaayo ee sanadkan, waxayna dhammaysay bishi afraad ee isla sanadkan.

“Waxaan ku helay fursad gabar ayaa ii soo sheegtay in xaafadda laga qorayo dhallinyaro la barayo xirfadda kadibna waan raadiyay dadkii waday diiwaangalinta sidaa ayaana ku billaabay, maanta si fiican bay ii anfacday oo nolaoshayda iyo tan qoyskayba way ladan tahay,” ayay tiri Shukri.

Da’yartan ayaa waxbarashada uga hartay fasalka labaad ee dugsiga sare bishi Janaayo oo ahayd xilligii ay billowday barashada sawir gacmeedka kadib markii ay isku wadi wayday iskuulka iyo barashada farsamada. Sababta ugu wayn ee ay uga hartay waxbarashada ayaa ahayd in uu hoos u dhac ku yimid tukaan ganacsi oo ay gadi jirtay hooyadeed.

“Markii hore waxaan degganayn xaafad magaalada ku dhextaalla oo si fiican ayuu u kala socday ganacsiga. Dhaqaalaha naga soo gala wuu nagu fillaa balse markIi aan u sooo guurnay xaafadda Midnimo oo shan kilo mitir u jirta magaalada iyo dadka degan oo yar waxaa hoos u dhacay ganacsiga tukaanka ugu dambayn wuu xirmay oo wixi yaallay waan biilanay,” ayay tiri Shurki.

Shukri iyo Qoyskeeda sannadkii 2015 ayay ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab. Noloshooda ayaa isbeddeshay isla sanadkaas markii aabbaheed oo ka tirsanaa ciidanka maamulka Jubbalaan lagu dilay dagaal dhexmaray ciidanka iyo Al-shabaab.

Xirfaddan oo ay jecleyd ayay u aragtay inay ku kabi karto nolosha qoyskeeda. Qorshaheedu ma aheyn inay waxbarashada uga harto balse duruufta ayaa ku kaliftay inay qaadato go’aankan si ay reerka uga badbaadiso gaajo iyo wax la’aan la soo derista.

“markaan yaraa sawi-raanta aadban u jeclaa in aan sawiro, hamigayga ayuu ahaa. Marka koobad anigu waxaan jeclaa in aan noqdo qof wariye ah, kan labaadna waxaan Jeclaa in aan sawir gacmeedka barto oo waxyaabo badan soo saarta, sida sawirrada ma’aragtay hadlaya,”sidaa waxaa tiri Shugri Cabdixakiin.

Qalabka ay Shukri isticmaasho waxaa ku caawiya macallinkii baray xirfaddan maadaama aysan haysan qalab u gaar ah oo ay u adeegsato shaqada ay qabanayso. Waxay xustay in hadda ay la dalaa dhacayso nolosha aasaasiga ah oo aysan awoodin inay soo gadato agabka ka maqan.

“Dhibaatooyinka i haysta waxaa ka mid ah dharkii aan xiran lahaa ee truck Suit-ka, dharkii isku tolnaa iyo kabihii, saako iyo xijaab in aan ku shaqeeyo, Saakada iyo xijaabkana uu iga hal haleeyo wixii aan sawiraayey, darbiga dabayshu xijaabka iga saar saarto, iyo in aanan agabkii wax lagu sawiraayey haysanin iyo jaranjarooyinkii iyo wax walba oo dhanka Art’s-ka ah oo agab dad leeyahay ku shaqaysto,”ayay tiri.

Jawaahir Cabdullaahi Maxamed oo ah hooyada dhashay Shukri ayaa sheegtay in gabahdeeda ay hammi sare ay ka leedahay dhanka waxabarashada balse ay ka fursan wayday inay u xamaasho qoyskeeda oo aysan cid kale u shaqeynin.

“Gabaydha waxbarashada way jeceshay wayna dhigan jirtay markii hore laakiin hadda waa loo baahday inay ka qaybqaadato korinta carruurtooda xal kale ma hayo oo aan ka ahayn,” ayay Jawaahir.

Macallin Cumar Khaliif oo ah ninka tababbaray Shukri ayaa sheegay in afar iyo tobankii qof ee la tababbaray ay ka tahay qofka keliya ee maanta ka shaqeeya, ayna ka duwanayd ardaydii ay wax wada baranayeen madaama ay laheyd hami iyo raabitaan maanta u sahlay  inay ka samayso dhaqaale.

“Contract way qaadan kartaa oo way ku shaqayn kartaa, way ku maarayn kartaa nolosheeda iyo nolosha qoyska. Waan u yeeraa mararka qaar, marna iyada iskeed ayey u shaqaystaa oo agab ay hadda ku shaqaysato waan u hayaa oo waan ku caawiyaa,”Sidaa waxaa yidhi Macalin Cumar Khaliif.

Previous Post

Muqdisho: Roobka xagaaga oo saameeyay ilihii nolol maalmaalmeedka ay ka heli jireen qoysaska naafada ah

Next Post

Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda

Related Posts

Gedo: Afar boqol iyo siddeedtan kun oo qoys oo ay saameeysay fatahaadda oo hoy la’aan iyo cunno yari wajahaya
Cunto-Yaraanta

Gedo: Afar boqol iyo siddeedtan kun oo qoys oo ay saameeysay fatahaadda oo hoy la’aan iyo cunno yari wajahaya

November 28, 2023
Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo
Arrimaha Bulshada

Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo

November 27, 2023
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Nin qaxooti ah oo noloshiisu isbeddeshay markii uu ku shaqo billaabay taksi

November 24, 2023
Mudug: Qoysas ku nool Ceelhuur oo mar kale uu barakiciyay bacaadka guur guura
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku nool Ceelhuur oo mar kale uu barakiciyay bacaadka guur guura

November 22, 2023
Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha

November 15, 2023
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo

November 14, 2023
Next Post
Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda

Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

Go to mobile version