Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda

Radio Ergo by Radio Ergo
August 10, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda

Cusmaan Xasan Cabdullaahi (bidixda) oo mid ka mid ah dhallinyarada shaqo abuurka ka helay ganacsigiisa la diyaarinaya cabitaan/Keyda Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cusmaan Xasan Cabdullaahi oo ah 38 jir labo sano shaqo la’aan ahaa ayaa magaalada Beledweyne ka hirgeliyay bishii May ee sanadkan hal abuur ganacsi wax ka beddelay nolosha qoysaskiisa oo labo ah iyo caqabadihii beeraleyda degaanka ka haystay suuq u helidda khudaarta u soo go’da.

Wuxuu subax walba ka soo iibsadaa beeraleyda khudaar isugu jirta, moos, karooto, liin, cambe, babaay, seyntuun iyo qajaar. Intaas kadib qeyb ka mid ah mirahan wuxuu ka dhigaa cabbitaan uu iibiyo, halka qaarka kale uu dib uga sii gado macaamiil isaga ku xiran. Ujeedo labo daraf ah ayuu ka leeyahay hindisihiisa ganacsi.

“Marka hore, inay ka faa’ideystaan dadka beeraleyda ah oo khudaarta subixii ay soo guraan oo aniga aan u baahanahay oo aysan ka halaabeyn. Qudaartaas oo fareesh ah oo dadweyanahii ay u baahan yahiin oo aniga inta aan diyaarinno ka iibinno. Kow fursadaas waxaa ka helay dadka beeraleeyda ah. Waxaa kale oo meesha kasoo baxday oo helay dad shaqo la’aan ahaa oo magaalada joogay ayaa manta nolol maalmeedkooda ka helayo ganacsigan,” ayuu yiri.

Furashada ganacsigan oo uu u bixiyay Dhiiri-geli beeraleyda waxaa u sahashay lacag $500 ah oo ka aruursaday shaqo cillad bixinta Tv-yada ah oo uu ka shaqeyn jiray labo sano ka hor. Wuxuu xusay inuu unkidda aragtidiisan ku dhiiraday markii uu arkay in magaalada aysan laheyd xarun loogu hagaagi karo dhammaan khudaarta dalka.

Ninkan oo ah aabbaha 10 carruur ah ayaa sheegay inuu nolol maalmeedka qoysaskiisa uu isbeddel weyn ku yimid tan iyo intii uu ganacsigan billaabay. Wuxuu tilmaamay in labadiisa xaas hadda ay dabka shitaan saddex waqti maalintii.

“Masha Allaah aad iyo aad ayuu iibkooda u fiican yahay qudaarta aad ayaa loo iibsadaa. Bulshada aad ayey wax inooga iibsadaan inkastoo hadda lagu jiro xilli qabow ah oo xagaay, lakiin xilliga kuleylka howsha aad ayay u kala socotaa,” ayuu yiri.

Cusman ayaa sheegay in maalintii ay ka soo gasho shaqdiisa cusub $100 ilaa $200. Ganacsigiisan ayuu tilmaamay inay ku xiran yihiin in ka badan 30 beeraley ah, kuwaasi oo si maalinle ah khudaar ugu keena goobtiisa.

“Maalinle ayaan u iibsadaa qudaarta. Wax bile la dhaho majiro. Waa ay jiraan qudaar aan si isbuuc ah u soo qaato. Qudaartaas waxaa ka mid ah batiiqa iyo cambaha oo hadda gabaabsi ah. Inta kale, wax kayd gala malaha maalin walba ayaa lasii doonaa. Sida mooska oo kale kayd malaha maalintii wixii aan keeno horay ayaa laga sii isticmaalaa,” ayuu yiri.

Cusmaan ayaa 2020-kii ka qallin jabiyay kulliyada maamulka Ganacsiga ee jaamacadda Plasma xarunteeda magaalada Beledweyne balse wuxuu galay maalmo iyo habeeno uu ka fekeri jiray sidii uu ugu shaqeyn lahaa waxa uu bartay.

Cilmi Cabdi Maxamed wuxuu ka mid yahay beeraleyda magaalada Beledweyne ee suuqa ugu helay khudaartooda ganacsiga uu aasaasay Cusmaan. Ninkan ayaa sheegay inuu maalinle xarunta u geeyo khudaar badan oo uu ka helo maalintii $60. Wuxuu intaas ku daray inuu ku faraxsanyahay suuqa cusub ee furmay. Wuxuu xusay in khudaarta ay uga halaabi jirtay suuq la’aanta awgeed.

“Markii hore dhib ayaan ku qabay. Qudaarta markii aan subixii soo qaado ilaa siddeed saac rafaad oo qaarkood iga halaabi jirtay. Hadda, maya Ilaahey waa iga gar gaaray arrintaas. Aniga oo beerteyda joogo ayaa la i soo wacaa, markaas ayaan qudaarta soo qaadaa. Lacagteeyda ayaa la i tuura, sidaas ayaan ku faa’iiday,” ayuu yiri.

Ninkan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa sheegay inuu waxbarashada uga bixiyo lacagta soo gasha afar ka mid ah carruurtiisa oo ay labo jaamacado dhigtaan.

Cilmi ayaa intaasi ku daray in beeraleyda ay haystay markii hore dhibaato ah halka ay u iib geynayaan wax soo saarkooda, gaar ahaan khudaarta bisil ee aanan safarka dheer gali Karin.

Sidoo kale waxaa ganacsigan shaqo abuur ka heshay shan dhallinyaro ah, waxaana ka mid ah Dalmar Nuuriyoow Daahir.

Dalmar ayaa sheegay inuu lix bil shaqo la’aan ahaa kaddib markii ay ka cilladowday mooto bajaaj kiro ahayd oo maalintii uu ka heli jiray $5. Waxaana uu dhaqaalahaas ku maareeyn jiray nolol maalmeedkiisa iyo waxbarashadiisa.

Da’yarkan oo ku jira dugsiga sare wuxuu ku dedaalayaa inuu wakhtigiisa u kala qeybiyo shaqada iyo tacliinta.

“Gelin waxbaan bartaa gelinaa waan shaqeeyaa. Iskuul ayaan dhigtaa. Subixii, iskuulka markan ka imaado lix saac oo soo dharka soo badasho ayaan xarunta shaqada imaanayaa. Waxaana ka baxaa kow iyo tabankii iyo bar camal habeenkii. Waxan ka qaata joornaatigeeyga $4 ilaa $5 ayaan ka qaata. Waxaan rajeeynayaa in lacagta aan halkan ka helo iskaga bixiyo waxbrashada,” ayuu yiri.

Dalmar oo ah curadka qoyskiisa ayaa sheegay in maaddaama uu aabbihii dhintay uu go’aansaday in reerka uu la maareeyo hooyadiis oo dukaan ay dharka ku iibiso ku leh gurigooda hortiisa.

Boqol iyo labaatan dollaar ayuu sheegay in bishii la soo dhaafay uu ka helay shaqadan. Lixdan ka mid ah wuxuu ku kabay hooyadii, Intii kale wuxuu u dhigaalsaday waxbarashadiisa.

Fursadan ayuu tilmaamay inuu ku helay inuu horay u yaqaanay xirfadda beeraha, sidaasi darteed loogu xushay inuu qaban karo. Waxaana uu hadda soo iibiyaa dhamaan adeega ay xaruntan u baahan tahay. Wuxuu intaas raaciyey in shaqadan uu ka rajeynayo inay u noqoto mid uu ku hor mariyo noloshiisa iyo midda qoyskiisa.

Previous Post

Kismaayo: Gabar nolosha qoyskeeda oo danyar ah ka maareysa sawir gamceed ay sameyso

Next Post

Mudug: Kumannaan qoys oo abaartu saamaysay oo halis ugu jira macaluul

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Mudug: Kumannaan qoys oo abaartu saamaysay oo halis ugu jira macaluul

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo