Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Kumannaan qoys oo abaartu saamaysay oo halis ugu jira macaluul

Radio Ergo by Radio Ergo
August 12, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Cabdi Maxamed iyo qoyskeeda oo ah xoolo dhaqato ku nool degaanka Laqlaajisle oo 90km dhinaca waqooyi bari uga beegan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug waxay jiraan hulanti la’aan cunno oo ay sababtay abaarta.

Haweeneydan oo la-kacaa-kufeysa samata-bixinta carruurteeda 11 ah iyo calaf u helidda xoolaheeda oo ay nugleysay daaq yarida ka jirta deegaanka ayaa raadiyaha Ergo u sheegtay inay ku sugan yihiin xaalad walaac nololeed ah.

“Macaluul iyo xannuun way jiraan, biyo la’aan way jirtaa, gaajo way jirtaa, wakhti adag baa lagu jiraa. Qoysba si ha ahaadee abaartu way na saameysay, waana jilicsannahay Illaahay baan u sheeganaye,” ayay tiri.

Nolosha qoyskan ayaa ku tiirsaneyd wax soo saarka xoolaha ay dhaqdaan sida caanada iyo xoolaha oo ay iibsan jireen,balse abaarta oo degaankooda ku raagtay ayaa u horseeday inay waayaan cunno iyo daryeel kale.

Shan ka tirsan carruurteeda ayay sheegtay inay qarka u saaran yihiin nafaqarro. Waxay intaas ku dartay inay tabar yarida darteed la xannuunsan yihiin. Waxay suureyneysa sida uu hadda yahay xaalkooda.

“Ma dhiman laakiin waxba uma raacaan. Walaal carruurtu way iga jilicsan yihiin, macaluushuna mid mid dhaama iiguma jiro. Caafimaad darro badan baa jirta, wakhtiga lagu jiro in dad dhinto cabsi ayaa laga qabaa,” ayay tiri.

Faadumo ayaa xustay inay isu kaashadeen culeysyo dhowr ah sida maareynta nolosha qoyska iyo xannaanada xoolaha. Hase-yeeshe, waxa ugu darran xilligan ee ay u taag la’dahay waa dhakhtar geynta qaar ka tirsan ilmamaha oo ay gaajadu difaaca jirkooda hoos u dhigtay.

Hooyadan waxaa jeceshahay carruurteeda u hesho dawo balse waxaa jira duruufo dhab ah oo ka jira deegaanka ay ku nooshahay kuwaas oo ku qasbaya inaysan tallaabo qaadin.

“Meeshu gaari aad wax ku qaadato ma leh, Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa isbitaal noogu dhaw. Dadku hantidiisa ayuu wax ku qaataa hantidiisa waa cashiday wax la cuno waa laga waayay, wax wax lagu qaado waa laga waayay, kharash ma haysatid, maxa wax lagu qaadaa horta. Gabar saddex sano jira habeenkii ima seexado waxaasna waa xannuun, welina dhakhtar looma geyn,” ayay tiri.

Haweeneydan ayaa sheegtay inuu saygeeda da’a yahay isla markaana uusan caawin Karin.

Waxay ku nool yihiin kaalmo aan badneyn oo ay dad ehelkooda ah bilaha qaar siiyaan iyo deyn dukaamada tuulada ka soo qaataan. Balse Maalmaha qaar waxay waayaan waxay dhardhaarada saartaan, waxay nala wadaageysa quudka ay helaan hadda ee ay siiso carruurteeda waxa uu yahay.

“Shaah bigeys ah iyo bariis cad oo dabka inta laga soo qaado loo guro ayay ku nool yihiin. Hadda ka hor waxay ku noolaan jireen xoolaha ayaan neef la qasho laga heli jiray ama caddeys laga heli jiray ama ehelka ayaa neef caano leh laga heli jiray cuntada sidan waa la dhaamay. Horey uma soo marin xaaladdan oo kale,” ayay tiri.

Faadumo waxay tilmaamtay in xoolaha oo ay ka heli jireen waxay ku noolaadan inay hadda iyagu u baahan yihiin in lagu bixiyo kharash biyo siintooda iyo baad u helidooda si ay uga badbaadaan abaarta.

Deegaanka ay noolashay Faadumo dadka deggan guud ahaan waxay wajahayaan saameyn sii kordhaysa marma marka ka dambeysa.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jarriiban Mursal Cabdulle Qalaf oo ay hoostagaan degaannada ay abaartu saameysay sida Laqlaajisle ayaa sheegay in wax ka jira deegaannada qaar la oran karo macaluul maadaama dadka muuqaalkooda laga arki karo dhibaatada haysta ee cunto yarida gaar ahaan deegaannada saran xeebaha.

Mursal ayaa intaas ku daray inuu qabo walaac ah inay dhibaatada intaa ka sii badan karto oo ay gaari karto dad tiro badan oo hor leh.

“Haddii wakhtiga hadda lagu jiro uu sii socdo oo sicir bararka iyo abaarta ay sii socoto, 15 kun oo qof saameyn ayay ku yeelaneysaa macaluusha. Waxaan ka digayaa inay arrimo bani’aadanimo inay ka billowdaan oo khatar ku ah oo macaluul iyo xannuuno ah,” ayay yiri.

Dayrti la soo dhaafay waxaa deegaannada xeebaha qaarkood ka da’ay roob, taasi oo keentay in xoolo dhaqato badan isugu soo guuraan.

“Ummaddii baa isugu soo guurtay, waddankii ummaddii ayuu qaadi waayay, wixii xooluhu ku noolaayeen xoolihii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isugu yimid. Haddana gu’gii ayaa la waayay, haddana abaartii labaad ayaa ku dhufatay. Taasaa sabab u noqotay inay abaartu ku adkaato dadkii,” ayuu yiri.

Muxubbo Cabdisalaan Sheikh oo qoyskeedu ka kooban yahay 17 qof ayaa sheegtay in arigeeda oo sedex tiro ahaa ay hadda ka joogaan waxaan tiro dhammayn oo aan lahayn caano, hilib iyo ii boo u baahan in raashin loo gado. Waxay sheegtay in labadi sano ee la soo dhaafay aysan xooluhu caano lahayn oo carruurta la siin jiray caano boore, balse hadda ay awoodi waayeen inay iibsadaan lacag laáan awgeed.

“Maalinti wax lama cuno habeenki ayaa waxaa la kariyaa bariis aan koosaar lahayn oo la beekhaamiyo oo maalinti in la kariyo loo quuriwaayay, maalinti waxa shaaha u eka ah ayaa la cabbaa laakiin raashin fiican ma jiro,” ayay tiri Muxubbo.

Muxubbo ayaa sheegtay in xoolaha aan loo ahayn biyo baad toona sidaa darteedna ay u le’edaan gaajo, harraad iyo cudurro. Waxay sheegtay inay soo mareen abaaro badan balse aysan arkin tan oo kale. “Horay abaaro waa noo soo mareen, oo xooluhu waa naga baabi’i jireen, oo way na saameeyeen abaarahaas laakiin mid dadka nolashiisa sidan ka dhigta weli nama soo marin,” ayay tiri Muxubbo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jarriiban Mursal Cabdulle Qalaf ayaa sheegay in dad uu ku qiyaasay 15 kun oo qof oo ku kala nool afartan deegaan oo hoos taga degmada Jarriiban ay halis ugu jiraan xaalad macaluul ah oo ay sababtay cunto yarida.

Previous Post

Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda

Next Post

Cadaado: Dad barakacay oo joogto dib ugu dhisa cooshadahooda oo ay ka dumiso dabeysha xagaaga

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Buffeting winds

Cadaado: Dad barakacay oo joogto dib ugu dhisa cooshadahooda oo ay ka dumiso dabeysha xagaaga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo