Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cadaado: Dad barakacay oo joogto dib ugu dhisa cooshadahooda oo ay ka dumiso dabeysha xagaaga

Radio Ergo by Radio Ergo
August 15, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Buffeting winds

/File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Maxamuud Maxamed iyo saygeeda oo haysta 10 carruur ah waxay subax kasta dib u dhisaan aqal cooshad ah oo joogto ay u dumiso dabeysha xooggan ee xagaaga. Hoygooda oo ku yaalla Kaam Xarardheere ee duleedka Cadaado ayaa ka sameysan maryo, kartoomo iyo baco ay dabeysha kala irdhayso.

Qoyskan oo abaar ay ka soo barakicisay miyiga dagmada Xarardheere ayaa xerada lagu barakacay ku biiray 15-kii bishii Maarso ee sanadkan.

Waxay ka mid yihiin 3,000 oo qoys oo ku jira xeyaha Badbaado, Daryeel, xeebeed iyo kaama Xarardheere oo ku yaalla koofurta bari ee dagmada Cadaado, kuwaas oo deggan dhul bannaan oo geeduhu ku yar yihiin isla markaasna dabeysha u nugul.

Qoyskan waxay dabeyshu ku qasabtay in ay dabka saartaan 24-saacba hal waqti oo ka mid ah, Faadumo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dabeyshu ay ku billaabato galinka danbe ee maalintii (3:00pm) ayna socoto ilaa galinka hore ee maalinta xigta.

“Markaan dhisno way naga daba dumaan xiliga dabeyshu billabato illeen wax awood leh oo dabeysha u babac dhigi kara maahane, hadda waxaaba naga dhamaaday qododkii iyo waxyaabihii kale ee aan ku dhisaynay, xilliga habeenkii annaga oo jiifna ayuu nagu dumaa buushka, dhulkan waa dhagax oo lama qodi karo markasta, meeshaan dhibaato ayaa nagu haysa” ayay tiri Faadumo.

Hooyadan ayaa sheegtay in ay u cabsanayso caafimaadka carruurteeda oo kan u yar uu jiro toddobo bil, kuwaas oo ay ku aragtay qufac badan tan iyo markii ay billaabatay dabeysha xagaaga labo bil ka hor balse aysan wali gayn xarun caafimaad.

Waxay sheegtay in ay ku tiirsan yihiin lacag bishiiba mar ay bixiso hay’adda Laanqayrta-cas, taasi oo ah $90. Lacagtan ayay qaateen bishii saddexaad. Waxay ku iibsadaan cunnada ay quutaan.

Qoyskan ma haystaan il-dhaqaale oo kale, Faadumo waxay sheegtay in saygeeda ay dhibaato ka haysto dhinaca shaqada, maaddama xirfad aan ahayn xoolo-dhaqashada uusan la hayn.

Dhibaatada dhinaca hoyga ee haysta qoyskeeda ayay xustay Faadumo in aysan u hayn qorshe ay kaga dabaashaan.

“Wax qorshe ah oo ii dagsan malahan, wax aan sugeyno oo rabbi xaggiisa nooga

sokeeyaa majiraan, xitaa qoys qaraabo ah kuma lihi Cadaado meel kale oo aan hoy u raadsado ma garanayo, waxaan dhaqan jirnay xoolo waa baaba’een, beer aan la hayn hal sano roob ma arag, ilmahas ayaan ka la soo cararnay meel kale oo aan u socdo malahan, halkaan ayaan ku tiiro beelay(tabar-beelay),” Ayay tiri Fadumo.

Qoyskeeda oo Cadaado tagay bishii labaad ee sanadkan ayaa ka soo barakacay roob la’aanta ka jirta miyiga dagmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay uga soo tageen beer labo hiktar ah oo roob la’aantu ay saameysay, sidoo kale labadii sano ee u danbeeyay waxa daaq la’aan iyo biyo yari uga dhintay 150 oo ari ah.

Waxaa jira boqollaal qoys oo ku cusub xeryaha Cadaado oo ay iskugu darsameen cunno xumo, biyo yari iyo dabeysha xagaaga sida uu sheegay maamulka dagmada Cadaado, in ka badan saddex boqol oo qoys ayaa ku barakacay xeryaha Cadaado afartii toddobaad ee u danbeeyay, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka jirtay deegaanka Qaycad ee u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Alshabaab.

Waxaa ka mid ah Xaawo Colaad Cosoble oo 70 jir ah, siddeed carruur ah oo ay kala soo barakacday tuulada Qaycad ayay kula hoyataa meel bannaan, ka kadib markii uu ka dumay aqal cooshad ah oo dad qaraabo ay yihiin ay u dhiseen.

Waxay sheegtay in iyada iyo carruurta oo ay ayeeyo u tahay gaari loo soo saaray Cadaado si aysan dhibaato uga soo gaari colaadda ka taagan tuuladooda Qaycad, labada waalid ee carruurta ayaa sidoo kale u la barakacay boqol neef oo ari ah oo ay dhaqdaan miyiga tuuladooda.

Waxay ka dayrisay xaaladda ay ku jiraan iyada iyo carruurteeda oo daryeelkooda ay ku kaliyowday.

“Waxaan dareennaa aniga iyo carruurta qarqaryo, dabayl iyo cidlo, waxaa ku cataabaa dariska; maandhayskoo iikaalayooy la ii imaamaayo wax ila dhisayo maleh, dad baa maalin dhawayd ii dhisay hadana waad arkaysa oo iga biday, geed ma goysan karno, xoog ma hayo rabbi ayaa talo ku filan ”ayay tiri Xaawo.

Waxay ka cabaneysaa hoos u dhac dhinaca aragga ah oo ay dabeysha xooggan iyo da’du keentay, waxay tilmaantay in marka neef ay iibiyaan waalidka carruurta ay soo diraan lacag ay ku iibsadaan raashinka ay karsadaan.

Ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo 5-tii bishaan Ogosto booqday qaar ka tirsan xeryaha ay ku jiraan dad ay saameynta ku hayso dabeysha ayaa sheegay in gurmad deg-deg ah oo dhinaca cunnada iyo hoyga ah ay u baahan yihiin qoysaskan.

Intaas wuxuu ku daray in ay la kulmeen dadkii ugu danbeeyay ee colaadda iyo abaarta ka soo barakacay oo u badan carruur iyo waayeel qaarkood bannaan yaal ah isla markaasna ay helidda cunnaduna ku adagtahay.

“Dadkan waxaa u dheer duruufta haysta ka war-qab la’aan, waa in aan u soo jeedinaa xaaladda ay ku sugan yihiin indhaha dadka wax taakueeya, halkaan waxaan u nimid in aan dhibaatada xajmiga ay leedahay in aan muujinno” ayuu yiri.

Previous Post

Mudug: Kumannaan qoys oo abaartu saamaysay oo halis ugu jira macaluul

Next Post

Sicir barar saameeyay dadkii ka barakacay colaadda ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Conflict

Sicir barar saameeyay dadkii ka barakacay colaadda ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo