Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Sicir barar saameeyay dadkii ka barakacay colaadda ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

Radio Ergo by Radio Ergo
August 16, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Conflict

File Photo/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kumannaan qoys oo ku barakacay colaadda degaanada Yeed, Aato iyo Washaaqo ayaa waxaa noloshooda saameeyay sicir-barar ku yimid raashinka noocyadiisa kala duwan Saddaxdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Qoyska Cabdulaahi Xasan Cabdi oo shan qof ka kooban kana barakacay magaalada Yeed ee gobolka Bakool oo hadda ku sugan miyiga degmada Baarey ee gobolka Afdheer ayaa awoodi la’ inay helaan wax ay dabkooda ku shitaan hal wakhti.

“Kiilada saliidda waxay ahaan jirtay lixdan hadda waxaa waaye sedexlaha ayaa sagaal boqol oo birr maraya, awoodeeda iyo tabarteeda midna mahayo. Waad dareemi karta culeyska halkan ka jiro. Awal qadada, quraacda iyo cashada waan haysannay. Hadda dadku waa ka qaxay goobtoodi,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Ninkan ayaa sheegay in dhibaatada barakacnimada ay u dheer tahay shaqo la’aan maadama degaanka uu tagay uu yahay miyi aan laga aqoonin shaqadiisa hore ee dhismaha guryaha oo uu biilka reerka ka saari jiray.

“Xaalkeenna wuxuu ku sugan barakac, sicir-barar iyo shaqo la’aan. Wax walba cariiri ayay noqdeen, waxaan ka welwelsanay in aan waayo xataa halka mar cuntada la cunayo oo aan ku gado xoogaa kayd ii ahaa,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Nolosha qoyska Cabdullaahi oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen ayaa hadda ku tiirsan lacag kayd u aheyd oo hadda ku sii dhaw inay ka go’do.

Kiilada sonkorta ayaa magaalada Yeed iyo degaanada hoos tagga ka maraysa 140 birr ($1.75) halka markii hore ay ahayd 80 birr ($1), Sidoo kale kiilada bariiska ah ayaa gaartay 110 birr ($1.3) taas oo marki hore ahayd 70 birr ($$.80).

Qoyska Daahir Cali oo u barakacay 22 bishii July deegaan 23 km u jira Yeed ayaa ka mid ah boqollaalka qoys ee uu saameeyay sicir-bararka. Daahir ayaa sheegay in xitaa haddii uu helo lacag deyn ah inaysan wax u goyneynin. Hal wakhti ayay cunno karsadaan.

“Marka in aad noloshi deynba aad ku qaadite maareyso waad isku dayi kartaa laakiin wixi qiimaha aad ugu talo gashay ayaadanba ku helayn oo waa qaali. Waddadii baa xirantay oo awal hore xaggan Soomaaliya oo Baydhabo ayay dadku ka soo adeegan jireen oo maciishadu sidan way dhaantay, haddii aad shaqeyso oo $70 soo hesho raashinka reerka banaanka ayuu kuu ahaa baastada, burka, bariiska iyo sonkorta mooto ayaad soo saaraneysay waddadii way xirantay ay wax ka imaanayeen,” ayuu yiri Daahir.

Daahir oo horey mooto ugu xamaalan jiray ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuusan wax keyd ah laheyn isla markaana ay hadda ku tiirsan yihiin kaalmo aan badneyn oo ay derisku isugu daraan. Wuxuu sheegay inuu ka soo fogaaday magaaladuu uu ka xoogsan jirin haddana uu liito xaalkooda.

“Sicir-barar aan caadi ahayn ayaa meeshan ka jiro haddana dadkii qax ayaa u wehliyo oo is dhax orod ayay noqotay,” sidaa waxaa radio Ergo u sheegay Daahir Cali.

Sicir-bararka saameeyay qoysaska uu ka midka yahay qoyska Daahir ayaa ka dhashay colaad ka jirta degaanada xuduudda Itoobiya xiga oo u dhexeysa ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dagaalada ayaa horseeday inay xirmaan waddooyin ay degaanada ka soo gali jireen gawaarida sida badeecaha oo ka imaan jiray gobollada Hiiraan iyo Baay. Ganacsatada degaanadan ayaa billaabay inay adeeg u doontaan dhanka Itoobiya kadibna ay saartaan qiimo sare.

Previous Post

Cadaado: Dad barakacay oo joogto dib ugu dhisa cooshadahooda oo ay ka dumiso dabeysha xagaaga

Next Post

Qoysas beeraley hore ahaa oo guryahooda iyo hantidooda ku waayay qarax ka dhacay Jowhar

Related Posts

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 21, 2026
Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
Hirshabelle Bomb Blast

Qoysas beeraley hore ahaa oo guryahooda iyo hantidooda ku waayay qarax ka dhacay Jowhar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-MAY-2026

IDAACADDA 21-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo