(ERGO) – Kumannaan qoys oo ku barakacay colaadda degaanada Yeed, Aato iyo Washaaqo ayaa waxaa noloshooda saameeyay sicir-barar ku yimid raashinka noocyadiisa kala duwan Saddaxdii toddobaad ee la soo dhaafay.
Qoyska Cabdulaahi Xasan Cabdi oo shan qof ka kooban kana barakacay magaalada Yeed ee gobolka Bakool oo hadda ku sugan miyiga degmada Baarey ee gobolka Afdheer ayaa awoodi la’ inay helaan wax ay dabkooda ku shitaan hal wakhti.
“Kiilada saliidda waxay ahaan jirtay lixdan hadda waxaa waaye sedexlaha ayaa sagaal boqol oo birr maraya, awoodeeda iyo tabarteeda midna mahayo. Waad dareemi karta culeyska halkan ka jiro. Awal qadada, quraacda iyo cashada waan haysannay. Hadda dadku waa ka qaxay goobtoodi,” ayuu yiri Cabdullaahi.
Ninkan ayaa sheegay in dhibaatada barakacnimada ay u dheer tahay shaqo la’aan maadama degaanka uu tagay uu yahay miyi aan laga aqoonin shaqadiisa hore ee dhismaha guryaha oo uu biilka reerka ka saari jiray.
“Xaalkeenna wuxuu ku sugan barakac, sicir-barar iyo shaqo la’aan. Wax walba cariiri ayay noqdeen, waxaan ka welwelsanay in aan waayo xataa halka mar cuntada la cunayo oo aan ku gado xoogaa kayd ii ahaa,” ayuu yiri Cabdullaahi.
Nolosha qoyska Cabdullaahi oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen ayaa hadda ku tiirsan lacag kayd u aheyd oo hadda ku sii dhaw inay ka go’do.
Kiilada sonkorta ayaa magaalada Yeed iyo degaanada hoos tagga ka maraysa 140 birr ($1.75) halka markii hore ay ahayd 80 birr ($1), Sidoo kale kiilada bariiska ah ayaa gaartay 110 birr ($1.3) taas oo marki hore ahayd 70 birr ($$.80).
Qoyska Daahir Cali oo u barakacay 22 bishii July deegaan 23 km u jira Yeed ayaa ka mid ah boqollaalka qoys ee uu saameeyay sicir-bararka. Daahir ayaa sheegay in xitaa haddii uu helo lacag deyn ah inaysan wax u goyneynin. Hal wakhti ayay cunno karsadaan.
“Marka in aad noloshi deynba aad ku qaadite maareyso waad isku dayi kartaa laakiin wixi qiimaha aad ugu talo gashay ayaadanba ku helayn oo waa qaali. Waddadii baa xirantay oo awal hore xaggan Soomaaliya oo Baydhabo ayay dadku ka soo adeegan jireen oo maciishadu sidan way dhaantay, haddii aad shaqeyso oo $70 soo hesho raashinka reerka banaanka ayuu kuu ahaa baastada, burka, bariiska iyo sonkorta mooto ayaad soo saaraneysay waddadii way xirantay ay wax ka imaanayeen,” ayuu yiri Daahir.
Daahir oo horey mooto ugu xamaalan jiray ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuusan wax keyd ah laheyn isla markaana ay hadda ku tiirsan yihiin kaalmo aan badneyn oo ay derisku isugu daraan. Wuxuu sheegay inuu ka soo fogaaday magaaladuu uu ka xoogsan jirin haddana uu liito xaalkooda.
“Sicir-barar aan caadi ahayn ayaa meeshan ka jiro haddana dadkii qax ayaa u wehliyo oo is dhax orod ayay noqotay,” sidaa waxaa radio Ergo u sheegay Daahir Cali.
Sicir-bararka saameeyay qoysaska uu ka midka yahay qoyska Daahir ayaa ka dhashay colaad ka jirta degaanada xuduudda Itoobiya xiga oo u dhexeysa ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.
Dagaalada ayaa horseeday inay xirmaan waddooyin ay degaanada ka soo gali jireen gawaarida sida badeecaha oo ka imaan jiray gobollada Hiiraan iyo Baay. Ganacsatada degaanadan ayaa billaabay inay adeeg u doontaan dhanka Itoobiya kadibna ay saartaan qiimo sare.