Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas beeraley hore ahaa oo guryahooda iyo hantidooda ku waayay qarax ka dhacay Jowhar

Radio Ergo by Radio Ergo
August 16, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Hirshabelle Bomb Blast

Caption: Ishaq Haydar, a blind farmer whose home was destroyed in July’s suicide bomb blast, sitting in his relatives’ compound in Jowhar/Mohamed Ibrahim/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Isaaq Xeydar Caqiil oo aragga naafo ka ah iyo qoyskiisa oo shan qof ah waxay ku hoyanayaan toddobaadkii labaad daydka guriga qoys ehelo ay yihiin. Hoygooda oo ka koobnaa saddex qol ayaa ku burburay qarax magaalada Jowhar ka dhacay 28-kii bishii hore ee July.

Boqol iyo labaatan qoys oo hanti iskugu jirta guryo iyo meherado ganacsi ku waayay qaraxa ayay ka mid yihiin qoyskan. Dhaqaale xumada haysa awgeed ayuu sheegay Isaaq in aysan heli karin guri kale oo ay deggaan.

Qoyska ay la deggeen oo boos uga waayay qolalka gurigooda ayaa ku caawiyay Isaaq gogol iyo buste carruurta uu uga xijiyo qabowga habeenkii.

Wuxuu ka walaacsan yahay nolosha qoyskiisa tan iyo markii uu bannaan yaalka noqday.

“Qabow, dabeyllo iyo roob is-daba joog ah intaba dhibaato nuucaas ah ayaan qarixii ka dhaxalnay, wixii maal guriga yaallay sida jiif, agab iyo wixii la isticmaalayay dhamaan qarixii ayaa wada garaafeeyay laakiin Ilaahey bini’aadankii wuu noo badbaadiyay, ciyaalka oo xiligaas dugsi ka yimid oo golaha (daydka) joogay Ilaahey wuu iiga badbaadiyay laakiin wixii hanti ahaa oo meesha ii yaallay iyo gurigiiba way iga dumeen” ayuu yiri Isaaq.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay ayuu ku noolaa guriga ka dumay oo ka sameysnaa dhoobo, saxarada lo’da iyo geedo la isku dhisay. Guryaha nuucaan ah waxaa loo yaqaannaa Carshaan.

Wuxuu rajeynayay in uu u helo guri kiro ah oo carruurtiisu ay si-ku-meel gaar ah ay ugu noolaadaan laakiin duruufta dhaqaale ayaan u saamixin, wuxuu sheegay in uusan awoodin $30 oo lagu kireysto guryaha ugu qiimaha jaban ee ku yaalla Jowhar.

Isaaq oo 45 jir ah ayaa xusay in sida kaliya ee nolol-maalmeedka qoyskiisa uu ku helo ay tahay lacag aan joogta ahayn oo ay siiyaan dad uu qur’aan saaro toddobaadkiiba labo ama saddex jeer. Halkii mar wuxuu ka helaa $5.

Aabbahan oo arag la’aanta ku dhashay wuxuu sheegay in isaga iyo dadka la mid ka ah ee baahiyaha gaarka ah qaba ay ku adagtahay dib u helidda guryo ay leeyihiin.

“Dad badan oo ila deggan guryihii ayaa ka burburay laakiin waxaa la yiri; qodax qofkii ay mudday bay yaqiin ku tahay, ninkii guri dhisan kara wuu dhistay ninkii lixaadkiisu uu dhiman yahay sida aniga oo kale uun baa maanta hoy la’aan ay ku dhacday oo dhaxanta iyo dabeylaha jiifa, haddii aan dhihi lahaa xitaa ilmaha inta guri laga dhisayo amaa ijaar dagsataa oo meelaha wax ka raadsataa cid ku degsanaysa oo kaa yeelaysa ayaan jirin” ayuu yiri Isaaq.

Afar sano ka hor qoyskiisu wuxuu ku tiirsanaa beer cabbirkeedu yahay saddex hiktar oo ku taalla duleedka Jowhar. Waxay ku tabci jireen raashin iyo qudaar, wuxuu go’aan saday in uusan dib abuur u galin, ka dib dhowr jeer oo uu ku qasaaray.

“Beer baan leeyahay laakiin beertayda sanadkii afaraad ma bixin sababtoo aha labo sano waxaa la tagay biyo, sanad Ayax baa qaatay sanadkaanna roob fiican ma di’in, waxaan ku

tabcanaa galleydii aan beerta ku abuuray waxba way ka soo bixi waayeen hal xabbo kama soo dhalalin dhulka, sababtooda biyo la’aan baa dhacday, dib danbana waan u awoodi waayay in aan beertii qarash kale hadana galiyo waa awoodi waayay awooddaa ii diidday” ayuu yiri Isaaq.

Tan iyo markii uu meesha ka baxay dhaqaalihii ka soo gali jiray dalagyada uu beeran jiray qoyskiisa hal waqti ayay helaan waxay cunaan halka markii hore wax ka badan labo waqti ay dabka shidan jireen.

Burburka uu sababay qaraxa guri la’aanta dhigay Isaaq waxaa kale oo uu saameyay in ka badan 20-tan meheradood oo ku teedsanaa wadada hor marta madaxtooyada Hir-shabeelle ee magaalada Jowhar sida lagu sheegay xog-aruurin ay sameeyeen guddi wasiirro ah oo madaxwaynaha maamulkaas uu u xil-saaray qiimahayn qasaaraha hantida.

Maxamed Cabdi Xuseen oo aabbe u ah qoys 9 qof ah waxaa ka xirmay meherad uu ku iibinyay shaaxa iyo cabitaannada, markii uu dumay dhismihii uu ku ganacsanayay, wuxuu sheegay in ay meesha ka baxday $15 oo faa’iido ah oo uu ka helay maalintii meheraddiisa.

Intaas wuxuu ku daray in $1,400 oo uu ku qiimeeyay dhismaha ka dumay iyo agabka u yaallay in ay ka qasaartay, Maxamed oo ganacsade ahaa muddo 15 sano ah ayaa xilligan ku tiirsan raashin uu u daynto qoyskiisa.

“Maaddaama muddo fog aan ganacsade soo ahaa waxaan xiriirro la leeyahay dukaamo iyo bakhaarro, sida dukaamadaas raashinkii aan shalay ka qaadan jiray oo aan ka iibsan jiray haddana iyagaa maaddaama dhib uu isoo gaaray inta aan ka soo kabsanayo iyagaa I caawiya, dayn baan uga soo qaataa ee maahan caawinayd siisma ah” ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu qorshaynayaa dib u howl-galinta goobtiisa ganacsi inkastoo dhaqaale la’aan ay hayso, waxaa jira ballan-qaad lacagaeed uu ka helay dad ehelkiisa balse wali aan soo gaarin.

Afar carruurtiisa ah oo mid ka mid ah uu sanadkii saddexaad ku jiro jaamacadda Plasma qaybteeda Jowhar ayay meheraddiisa qarashkooda waxbarasho dabooli jirtay.

Wuxuu sheegay in waxbarashada ay u furmid doonto labo toddobaad ka dib laakiin se uu ka walaacsan yahay halkii lacag uu uga keeni lahaa marka ay dib u anbaqaadaan.

Jaamacadda ayuu halkii simistar ku bixiya $120 halka ardayda kale oo ku jira fasallada hoose iyo dhexe iskuulkooda uu ku dabbaro waxbarashadooda $30.

Qasaaraha ka soo gaaray qaraxa goobtiisii ganacsi ayuu xusay in xaalad hubanti la’aan ah uu galiyay nolosha qoyskiisa.

“Kuma tashan waxaan in ay dhacayaan, subaxaas waxaan u soo baxay in biilka qoyska aan soo dhiciyo, aniga hadda waxaan ka mid noqday dadkii shaqo la’aanta ahaa oo shalay aan la yaabi jiray iyagoo darbiyada fadhiya, oo aan dhihi jiray war dadkan may shaqo tagaan, waxaan ahay nin aan shaqo haysan meel uu shaqo u aadana aan aqoonin, shaqada uu bartana ay ahayd coffee-gaas iyo shaxaas wixii uu ka soo saarto qoyskiisa ku maareeyo” ayay yiri Maxamed.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga Hir-shabeelle Maxamed Yuusuf Collow oo ka mid ah guddiga madaxwaynaha Hir-shabeelle uu u magacaabay qiimaynta qasaaraha qaraxa iyo u gurmashada dadka danta yar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay wadaan barnaamij ay ku aruurinayaan lacag guryo loogu dhisayo dadka dhibaatada ay gaartay.

Wuxuu xusay in saddexda bil ay soo socota ay u dayactiri doonaan qoysaskan guryahooda iyagoo mudnaanta siin doona kuwa saboolka ah.

“Waxaa jira dadaallo xooggan oo Hir-shabeelle gaar ahaan madaxwayanaha Hir-shabeelle uu wado, kaasi oo ah in dadkaas la garab istaago waxna loo qabto dadaalkaasna waa uu socdaa, waxaan codsiyo u dirnay jaaliyadaha qaybahooda kala duwan gaar ahaan kuwa Hir-shabeelle ee qurbo-joogta ah sidoo kale ganacsatada soomaaliyeed, ganacsatada Hir-shabeelle iyo dowladda fedaraalka ee Soomaaliya, runtii intaas haddii ay iskaashato dadaalka aan wadno lagu daro waxaan dhihi karnaa ugu yaraan dadka aan dhisan karin guryahooda waa loo dhisidoonaa” ayay yiri

Maxamed Yuusuf wuxuu sheegay in dadka guryahooda uu saameyay qaraxa ay u badan yihiin beeralay sanadkan iyo kii ka horreeyay aan beeran wax dalag ah dhibaatada biyo yarida darteed.

Previous Post

Sicir barar saameeyay dadkii ka barakacay colaadda ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

Next Post

Muqdisho: Haween la baray sawir qaadida oo billaabay inay dhaqaale ka sameeyaan xirfadooda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Haween la baray sawir qaadida oo billaabay inay dhaqaale ka sameeyaan xirfadooda

Muqdisho: Haween la baray sawir qaadida oo billaabay inay dhaqaale ka sameeyaan xirfadooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo