Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Haween la baray sawir qaadida oo billaabay inay dhaqaale ka sameeyaan xirfadooda

Radio Ergo by Radio Ergo
August 19, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Haween la baray sawir qaadida oo billaabay inay dhaqaale ka sameeyaan xirfadooda

Nasteexo Cumar Ibraahim oo ah hooyo haysata shan carruur ah waxay gudaneysaa shaqadeeda maalinlaha ah ee sawir qaadida/ Naciimo Saciid Salah/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nasteexo Cumar Ibraahim oo ah hooyo haysata shan carruur ah waxay nolosha qoyskeeda ka maareysa xirfadda sawir qaadista. Waxay shaqadan billowday bishii shanaad ee sanadkan. Waxay sheegtay in dhallinyarada iyo carruurta u soo dalxiis taga beerta Banaadir ee magaalada Muqdisho ay ka qaado sawirro.

Haweeneydan oo ay ninkeedii kala tageen ayaa xustay in saddexdii sawir ay ku qaado lacag dhan hal dollar ah. Maalmaha ay munaasabadaha jiraan gaarka ah iyo ciidaha ayay sheegtay in halkii sawir ay ku qaado lacag dhan hal doolar.

“Dad badan baa sawirada jecel maamooyiinka, sida aniga oo kala ah hooyooyinka waxay jecel yihiin in caruurtooda laga qado sawiro qurux badan. Marba si waaye, maalmaha qaar waxa laga soo xareynayaa soddon ilaa iyo afartan doollaar, maalmaha qaar na waa eber adigoo aan waxba qaban ayaad guriga ku laabanaysa. Maalinna waa la helaa, maalinna wa la waaya,” ayay tiri.

Nasteexo ayaa shaqadan kaga nasatay maqaaxi ay u qaabilsaneed dhanka nadaafadda taas oo maalmaha qaar ay xustay inay ka soo laaban jirtay iyadoo aan soo helin biilka carruurta. Waxay tilmaantay in shaqadasi ay soo waday muddo shan sano ah, balse ay iska dhaaftey dhamaadkii sanadkii la soo dhaafey, markii ay isku wadi weysay korinta carruurteeda iyo shaqada.

Subixii hore ayay sheegtay inay gali jirtay shaqada, kana soo bixi jirtay galabkii. Maalinkii waxay qaadan jirtay lacag gareysa $6 balse cishooyinka qaar ayay sheegtay in lacagta aan la siin jirin oo loo sheegi jiray in looga goostay inay oomadii daadisay ama ay weel jibisay.

“Inkastoo shaqada waqtigeeda inaad ku soo gasho ay tahay, haddana mar mar baad xanuusan kartaa ama mashquuli kartaa, lagaama ogolanayo inaad ka soo dib dhacdiid, waayoo shaqa aad leedahay ma aha. Haddaad xanuunsato mala fiirinayo xaaladada waa lagugu qeylinaya, lakiin shaqadan xor ayaan u ahay saacadda aan doono ayaan soo galaa ama aan ka baxaa. Waxa kaliyah aan ku doortay na waa shaqo aan anigu leyahay,” ayay tiri.

Nasteexo ayaa sheegtay in xilliyada ay sawir qaadista aado ay carruurta uga tagto hooyadeed oo la deggan. Waxay intaas ku dartay in maalinkii ay hooyadeed ka ganacsato khudaar, sidaa awgeedna aysan awoodin inay carruurta hayso. Galabkii marka ay hooyadeed guriga imaado ayay sheegtay inay aado shaqadeeda sawir qaadista.

“Shaqooyiin badan baan raadiyey waan waayey, kaddib shaqadan baan arkay maaddaama xirfaddan aan bartay. Alxamdulilah, nolosheeyda waan ku maareeya, waana ku qanacsanahay. Marka aan maqanahay hooyo ayaan uga soo taga carruurta, iyada ayaa i haysa,” ayay tiri.

Dhaqaalaha ay ka heshay shaqadan ayay tilmaantay inay u fududeysay in labo ka mid ah carruurteeda ay geyso iskuul ay ka bartaan diini iyo maadi bishii Luuliyo ee sanadkan. Waxay sheegtay in waxbarashadooda ay ku bixiso $30. Sidoo kale guriga ay deggantahay oo kiro ah ayay sheegtay in bishii laga qaado $80.

Nasteexo, waxay si maalinle ah xirfadeeda sawir qaadista ugu shaqeeysa afar saac oo xiriir ah. Waxay tilmaantay in bulshada dhexdeeda ay kala kulanto soo dhoweyn iyo dhiiro gelin, maddaama ay tahay gabadha keliya ee ka ah sawir qaade Beerta Banaadir.

“Dadku way isku jiraan, gabdho idhiiri geliya way jiraan waxay dhahaan annagoo gabar arkayna wiil nama sawirayo. Sidoo kale, wiilasha ila shaqeeya way i dhiiri geliyaan hadii fursad timaado waxay dhahaan gabartaa ayaa idiinka qadaysa sawirada waa gabar fican, si fiican bay i soo dhoweeyan wiilasha meesha igala shaqeeya,”

Nasteexo oo ku faraxsan shaqadeeda ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in marka hore ay lacagta ka qaado macaamiisheeda ka hor inta aysan sawirka ka qaadin. Waxay xustay in maalmihii ay ku cusbayd shaqadan ay dadka u hor marin jirtay sawirka, iyagoo aan lacag siinin. Dhowr jeer ayay sheegtay in lacagta laga la tagay, iyadoo shaqada ku mashquulsan.

Qalabka ay ku shaqeysato waxay ku soo iibsatay kun iyo lix boqol oo doolar oo ay ku caawiyeen qaraabadeeda. Caawintaas ayay sheegtay inay u fududeeysay billaabista shaqadan.

Nasteexo waxay xirfadda sawir qaadista iyo muuqaal duubista si bilaash ah uga baratay machadka SODMA academy. Waxay ka mid ahayd lixdan gabdhood oo ay soo xushay xaruunta horumarinta qoyska ee Guryo-samo dhamaadkii sanadkii 2021-kii si loogu tababaro xirfadda sawir qaadista. Dhaqaalihii ku baxay waxbarashadooda waxaa bixisay Guryo-samo. Muddo bil ah ayay sheegtay inay ku qaadatay barashada xirfadan oo ay hadda ka macaashayso.

Previous Post

Qoysas beeraley hore ahaa oo guryahooda iyo hantidooda ku waayay qarax ka dhacay Jowhar

Next Post

Nolosha qoysas ku nool xerada Xagardheer oo soo hagaagaysa markii la siiyay kaarka qaxootinimada oo ay ku helaan gargaarkii ugu horreeyay

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Nolosha qoysas ku nool xerada Xagardheer oo soo hagaagaysa markii la siiyay kaarka qaxootinimada oo ay ku helaan gargaarkii ugu horreeyay

Nolosha qoysas ku nool xerada Xagardheer oo soo hagaagaysa markii la siiyay kaarka qaxootinimada oo ay ku helaan gargaarkii ugu horreeyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo