(ERGO) – Nasteexo Cumar Ibraahim oo ah hooyo haysata shan carruur ah waxay nolosha qoyskeeda ka maareysa xirfadda sawir qaadista. Waxay shaqadan billowday bishii shanaad ee sanadkan. Waxay sheegtay in dhallinyarada iyo carruurta u soo dalxiis taga beerta Banaadir ee magaalada Muqdisho ay ka qaado sawirro.
Haweeneydan oo ay ninkeedii kala tageen ayaa xustay in saddexdii sawir ay ku qaado lacag dhan hal dollar ah. Maalmaha ay munaasabadaha jiraan gaarka ah iyo ciidaha ayay sheegtay in halkii sawir ay ku qaado lacag dhan hal doolar.
“Dad badan baa sawirada jecel maamooyiinka, sida aniga oo kala ah hooyooyinka waxay jecel yihiin in caruurtooda laga qado sawiro qurux badan. Marba si waaye, maalmaha qaar waxa laga soo xareynayaa soddon ilaa iyo afartan doollaar, maalmaha qaar na waa eber adigoo aan waxba qaban ayaad guriga ku laabanaysa. Maalinna waa la helaa, maalinna wa la waaya,” ayay tiri.
Nasteexo ayaa shaqadan kaga nasatay maqaaxi ay u qaabilsaneed dhanka nadaafadda taas oo maalmaha qaar ay xustay inay ka soo laaban jirtay iyadoo aan soo helin biilka carruurta. Waxay tilmaantay in shaqadasi ay soo waday muddo shan sano ah, balse ay iska dhaaftey dhamaadkii sanadkii la soo dhaafey, markii ay isku wadi weysay korinta carruurteeda iyo shaqada.
Subixii hore ayay sheegtay inay gali jirtay shaqada, kana soo bixi jirtay galabkii. Maalinkii waxay qaadan jirtay lacag gareysa $6 balse cishooyinka qaar ayay sheegtay in lacagta aan la siin jirin oo loo sheegi jiray in looga goostay inay oomadii daadisay ama ay weel jibisay.
“Inkastoo shaqada waqtigeeda inaad ku soo gasho ay tahay, haddana mar mar baad xanuusan kartaa ama mashquuli kartaa, lagaama ogolanayo inaad ka soo dib dhacdiid, waayoo shaqa aad leedahay ma aha. Haddaad xanuunsato mala fiirinayo xaaladada waa lagugu qeylinaya, lakiin shaqadan xor ayaan u ahay saacadda aan doono ayaan soo galaa ama aan ka baxaa. Waxa kaliyah aan ku doortay na waa shaqo aan anigu leyahay,” ayay tiri.
Nasteexo ayaa sheegtay in xilliyada ay sawir qaadista aado ay carruurta uga tagto hooyadeed oo la deggan. Waxay intaas ku dartay in maalinkii ay hooyadeed ka ganacsato khudaar, sidaa awgeedna aysan awoodin inay carruurta hayso. Galabkii marka ay hooyadeed guriga imaado ayay sheegtay inay aado shaqadeeda sawir qaadista.
“Shaqooyiin badan baan raadiyey waan waayey, kaddib shaqadan baan arkay maaddaama xirfaddan aan bartay. Alxamdulilah, nolosheeyda waan ku maareeya, waana ku qanacsanahay. Marka aan maqanahay hooyo ayaan uga soo taga carruurta, iyada ayaa i haysa,” ayay tiri.
Dhaqaalaha ay ka heshay shaqadan ayay tilmaantay inay u fududeysay in labo ka mid ah carruurteeda ay geyso iskuul ay ka bartaan diini iyo maadi bishii Luuliyo ee sanadkan. Waxay sheegtay in waxbarashadooda ay ku bixiso $30. Sidoo kale guriga ay deggantahay oo kiro ah ayay sheegtay in bishii laga qaado $80.
Nasteexo, waxay si maalinle ah xirfadeeda sawir qaadista ugu shaqeeysa afar saac oo xiriir ah. Waxay tilmaantay in bulshada dhexdeeda ay kala kulanto soo dhoweyn iyo dhiiro gelin, maddaama ay tahay gabadha keliya ee ka ah sawir qaade Beerta Banaadir.
“Dadku way isku jiraan, gabdho idhiiri geliya way jiraan waxay dhahaan annagoo gabar arkayna wiil nama sawirayo. Sidoo kale, wiilasha ila shaqeeya way i dhiiri geliyaan hadii fursad timaado waxay dhahaan gabartaa ayaa idiinka qadaysa sawirada waa gabar fican, si fiican bay i soo dhoweeyan wiilasha meesha igala shaqeeya,”
Nasteexo oo ku faraxsan shaqadeeda ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in marka hore ay lacagta ka qaado macaamiisheeda ka hor inta aysan sawirka ka qaadin. Waxay xustay in maalmihii ay ku cusbayd shaqadan ay dadka u hor marin jirtay sawirka, iyagoo aan lacag siinin. Dhowr jeer ayay sheegtay in lacagta laga la tagay, iyadoo shaqada ku mashquulsan.
Qalabka ay ku shaqeysato waxay ku soo iibsatay kun iyo lix boqol oo doolar oo ay ku caawiyeen qaraabadeeda. Caawintaas ayay sheegtay inay u fududeeysay billaabista shaqadan.
Nasteexo waxay xirfadda sawir qaadista iyo muuqaal duubista si bilaash ah uga baratay machadka SODMA academy. Waxay ka mid ahayd lixdan gabdhood oo ay soo xushay xaruunta horumarinta qoyska ee Guryo-samo dhamaadkii sanadkii 2021-kii si loogu tababaro xirfadda sawir qaadista. Dhaqaalihii ku baxay waxbarashadooda waxaa bixisay Guryo-samo. Muddo bil ah ayay sheegtay inay ku qaadatay barashada xirfadan oo ay hadda ka macaashayso.