(ERGO) – Luul Axmed Wayrax oo ah hooyada siddeed carruur ah waxay 10-kii bishii Nofeembar iska xirtay maqaaxi ay ku shidaneysay deegaanka Abaarrey ee gobolka Nugaal markii ay xoolo-dhaqatadii uu ganaacsigeeda ku tiirsanaa ay roob-la’aantu barakicisay.
Waxay u guurtay deegaanka Booda-dheere ee gobolka Sanaag oo ay xoolo-dhaqatada u hayaameen, halkaas oo ay maqaaxi kale ka furatay. Balse waxaa mar kale ka xirmay ganaacsigeeda maaddaama ay xoolo-dhaqatadii haddana ka sii hayameen deegaanka biyo awgeed.
Dhaqaale burburka ku yimid meheraddeeda wuxuu cunno-xumo u horseeday carruurteeda oo ay kaligeed korsato. Waxay sheegtay in lacag aan ka badnayn $2 oo ay si maalin dhaaf ah ugu caawiyaan dad ehelkeeda ah oo jooga magaalada Garowe ay cunno hal waqti ah ku iibsadaan.
“Tuulo laga kala guuray biyo-na aan lahayn baannu joognaa. Wax ehel la waco aan niraahno sidaasaa nagu dhacdoo… waan guurnoo … waxba ma aannu helin ayaan ku nool nahay. Xaaladdaasi way nagu adag tahay,” ayay tiri.
Safarka ay ku joogto deegaanka Booda-dheere waxaa ku wehlinaya shan ka mid ah carruurteeda oo aan gaarin da’ada waxbarashada. Saddex kale oo wax ka barta dugsiga hoose ee tuulada Abaarrey ayay tilmaantay inay uga soo tagtay qoys ehelkeeda ah oo halkaas deggan si ay u sii wataan waxbarashadooda. Balse, maamulka iskuulka ayaa ku soo wargaliyay in la eryi doono haddii aan la bixin dabayaaqada bishan Diseembar lacag dhan $30 oo ay wax ku baranayeen labadii bil ee u dambeeyay.
Luul oo ay dhaqaale xumada u dheer tahay hoy la’aan ayaa tilmaantay inaysan heli karin $150 oo ay ku kiraysto gaari dib-ugu-celiya deegaankeeda.
“Waan iska jahwareersan nahay. Hadda ma aqaan xaaladdayadu sida ay ku sugan tahay. Mar waxaan niraahnaa ma iska guurnaayoo waddankii aan ku noolayn ma iska aadnaa. Haddana waxaan isku kaayo bixinayn qarashkii aannu ku nimid,” ayay tiri.
Deegaanka ay ku sugan tahay waxaa ku wehliya 15 ganacsato ah oo haween u badan, kuwaasi oo ka soo hayaamay deegaanka Abaarrey. Intooda badan ayay xustay in ganacsigoodu uu xirmay.
Luul ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in lama-huraan ay u ahayd inaysan ka harin xoolo-dhaqtada deegaankeeda, maddaama ay ahaayeen dadka kaliya ee wax ka iibsan jiray.
“Noloshayadu waxay ahayd dadka reer miyiga ah baannu ku lamaaneyn. Caanahaan ka gadan jirnay, shaahaan karin jirnay, qadadaan karin jirnay, xoolahaan qali jirnay. Sidaa ayay shaqadayadu ahayd,” ayay tiri.
Cureeji Cabdi Faarax oo ah hooyada shan carruur ah waxay ka mid tahay ganacsato aan badnayn oo ku sii faro adaygaya ganacsigooda oo weli shaqeeya.
Haweeneydan oo ka soo guurtay tuulada Hayaanle ee gobolka Mudug ayaa meherad ay ku iibiso caanaha iyo shaaxa ka hirgalisay deegaanka Booda-dheere. Culayska ugu badan ee haysta meheradda Cureeji ayaa ah dhinaca biyaha. Waxay sheegtay in xoolo-dhaqato badan oo iskugu tagay deegaanka ay dhameeyeen biyihii uu roobku dhigay baraagaha iyo waraha.
Fuustada biyaha ah ayaa lagu keenaa tuulada Booda-dheere $6 oo ah lacag aysan awoodin. Cureeji ayaa sheegtay in biyaha oo qaaliyoobay ay ku qasabtay inay joojiso karinta shaaxa.
Ganacsigeeda ayaa ku soo aruuray caanaha oo ay ku dhex iibso balbalo ku dhextaal guri ay kiro ku deggan tahay. Maalintii ayay sheegtay inay ka hesho faa’iido dhan $3, oo ay si maalinle ah ugu dirto carruurteeda oo ay uga soo tagtay dad ehelkeeda ah oo deggan Burtinle. Waxay sheegtay inay ka walwalsan tahay sidii ay isaga bixin lahayd kirada guriga oo bishii ah $20.
“Hadde saamaynta ay yeelatay idinkuba waad fahmi kartaan. Qof ilmihiisii ka tagay oo guri kiro ah deggan caqabadaheedu waa iska badan yihiin oo wax badan baa kugu imaanaya,” ayay tiri.
Cureeji iyo ganacsatada la midka ah ayaa sheegay in maamulka gobolka Haylaan ay tiraahdo Puntland uu ka hor istaagay inay deegaamaystaan dhulka miyiga. Tani ayay sheegtay inay ku qasabtay kirada guri aysan awoodin.
Fu’aad Maxamud Muuse, guddoomiye ku xigeenka gobolka Haylaan oo ay Raadiyow Ergo la xiriirtay ayaa u sheegay in xeerka u yaalla gobolka uu mamnuucayo in dadku ay deegaamaystaan dhulka miyiga ah.
“Gobolkani wuxuu mudnaanta koowaad siiyaa ilaalinta deegaanka. Marka annaga oo ka duulayna ilaalinta deegaanka ayaannu mamnuuc ka dhignay in tuulooyin cusub la aasaaso oo kaamam la sameeyo. Sidaas baan dadkaan magaalada ugu soo xaraynay,” ayuu yiri.
Wuxuu xusay in boqollaal ganacsato ah oo reer-guuraaga soo raacay ay joogaan gobolk, kuwaas oo 30 ka mid ah ay kirada guryaha iyo meheradaha ka bixiyan.