Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Puntland: Ganacsato la guuray xoolo-dhaqato oo suuq-xumo ay ku dhacday

Radio Ergo by Radio Ergo
December 28, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Somalia latest news today

Keydka sawirrada/Ergo

44
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Luul Axmed Wayrax oo ah hooyada siddeed carruur ah waxay 10-kii bishii Nofeembar iska xirtay maqaaxi ay ku shidaneysay deegaanka Abaarrey ee gobolka Nugaal markii ay xoolo-dhaqatadii uu ganaacsigeeda ku tiirsanaa ay roob-la’aantu barakicisay.

Waxay u guurtay deegaanka Booda-dheere ee gobolka Sanaag oo ay xoolo-dhaqatada u hayaameen, halkaas oo ay maqaaxi kale ka furatay. Balse waxaa mar kale ka xirmay ganaacsigeeda maaddaama ay xoolo-dhaqatadii haddana ka sii hayameen deegaanka biyo awgeed.

Dhaqaale burburka ku yimid meheraddeeda wuxuu cunno-xumo u horseeday carruurteeda oo ay kaligeed korsato. Waxay sheegtay in lacag aan ka badnayn $2 oo ay si maalin dhaaf ah ugu caawiyaan dad ehelkeeda ah oo jooga magaalada Garowe ay cunno hal waqti ah ku iibsadaan.

“Tuulo laga kala guuray biyo-na aan lahayn baannu joognaa. Wax ehel la waco aan niraahno sidaasaa nagu dhacdoo… waan guurnoo … waxba ma aannu helin ayaan ku nool nahay. Xaaladdaasi way nagu adag tahay,” ayay tiri.

Safarka ay ku joogto deegaanka Booda-dheere waxaa ku wehlinaya shan ka mid ah carruurteeda oo aan gaarin da’ada waxbarashada. Saddex kale oo wax ka barta dugsiga hoose ee tuulada Abaarrey ayay tilmaantay inay uga soo tagtay qoys ehelkeeda ah oo halkaas deggan si ay u sii wataan waxbarashadooda. Balse, maamulka iskuulka ayaa ku soo wargaliyay in la eryi doono haddii aan la bixin dabayaaqada bishan Diseembar lacag dhan $30 oo ay wax ku baranayeen labadii bil ee u dambeeyay.

Luul oo ay dhaqaale xumada u dheer tahay hoy la’aan ayaa tilmaantay inaysan heli karin $150 oo ay ku kiraysto gaari dib-ugu-celiya deegaankeeda.

“Waan iska jahwareersan nahay. Hadda ma aqaan xaaladdayadu sida ay ku sugan tahay. Mar waxaan niraahnaa ma iska guurnaayoo waddankii aan ku noolayn ma iska aadnaa. Haddana waxaan isku kaayo bixinayn qarashkii aannu ku nimid,” ayay tiri.

Deegaanka ay ku sugan tahay waxaa ku wehliya 15 ganacsato ah oo haween u badan, kuwaasi oo ka soo hayaamay deegaanka Abaarrey. Intooda badan ayay xustay in ganacsigoodu uu xirmay.

Luul ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in lama-huraan ay u ahayd inaysan ka harin xoolo-dhaqtada deegaankeeda, maddaama ay ahaayeen dadka kaliya ee wax ka iibsan jiray.

“Noloshayadu waxay ahayd dadka reer miyiga ah baannu ku lamaaneyn. Caanahaan ka gadan jirnay, shaahaan karin jirnay, qadadaan karin jirnay, xoolahaan qali jirnay. Sidaa ayay shaqadayadu ahayd,” ayay tiri.

Cureeji Cabdi Faarax oo ah hooyada shan carruur ah waxay ka mid tahay ganacsato aan badnayn oo ku sii faro adaygaya ganacsigooda oo weli shaqeeya.

Haweeneydan oo ka soo guurtay tuulada Hayaanle ee gobolka Mudug ayaa meherad ay ku iibiso caanaha iyo shaaxa ka hirgalisay deegaanka Booda-dheere. Culayska ugu badan ee haysta meheradda Cureeji ayaa ah dhinaca biyaha. Waxay sheegtay in xoolo-dhaqato badan oo iskugu tagay deegaanka ay dhameeyeen biyihii uu roobku dhigay baraagaha iyo waraha.

Fuustada biyaha ah ayaa lagu keenaa tuulada Booda-dheere $6 oo ah lacag aysan awoodin. Cureeji ayaa sheegtay in biyaha oo qaaliyoobay ay ku qasabtay inay joojiso karinta shaaxa.

Ganacsigeeda ayaa ku soo aruuray caanaha oo ay ku dhex iibso balbalo ku dhextaal guri ay kiro ku deggan tahay. Maalintii ayay sheegtay inay ka hesho faa’iido dhan $3, oo ay si maalinle ah ugu dirto carruurteeda oo ay uga soo tagtay dad ehelkeeda ah oo deggan Burtinle. Waxay sheegtay inay ka walwalsan tahay sidii ay isaga bixin lahayd kirada guriga oo bishii ah $20.

“Hadde saamaynta ay yeelatay idinkuba waad fahmi kartaan. Qof ilmihiisii ka tagay oo guri kiro ah deggan caqabadaheedu waa iska badan yihiin oo wax badan baa kugu imaanaya,” ayay tiri.

Cureeji iyo ganacsatada la midka ah ayaa sheegay in maamulka gobolka Haylaan ay tiraahdo Puntland uu ka hor istaagay inay deegaamaystaan dhulka miyiga. Tani ayay sheegtay inay ku qasabtay kirada guri aysan awoodin.

Fu’aad Maxamud Muuse, guddoomiye ku xigeenka gobolka Haylaan oo ay Raadiyow Ergo la xiriirtay ayaa u sheegay in xeerka u yaalla gobolka uu mamnuucayo in dadku ay deegaamaystaan dhulka miyiga ah.

“Gobolkani wuxuu mudnaanta koowaad siiyaa ilaalinta deegaanka. Marka annaga oo ka duulayna ilaalinta deegaanka ayaannu mamnuuc ka dhignay in tuulooyin cusub la aasaaso oo kaamam la sameeyo. Sidaas baan dadkaan magaalada ugu soo xaraynay,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in boqollaal ganacsato ah oo reer-guuraaga soo raacay ay joogaan gobolk, kuwaas oo 30 ka mid ah ay kirada guryaha iyo meheradaha ka bixiyan.

Previous Post

Gaalkacyo: Dhismaha guryaha oo yaraaday oo saameysay nolosha qoysaska dadkii ka shaqeyn jiray

Next Post

Wiil maqalka naafo ka ah oo Hargeysa ka hirgeliyay ganacsi online ah

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Somali news, Humanitarian news

Wiil maqalka naafo ka ah oo Hargeysa ka hirgeliyay ganacsi online ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo