Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Dhismaha guryaha oo yaraaday oo saameysay nolosha qoysaska dadkii ka shaqeyn jiray

Radio Ergo by Radio Ergo
December 27, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia latest news, Ergo news , Somali live news, Somalia news, Latest news, Mogadishu live news

Keydka sawirrada/Ergo

5
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoriyow Faarax Cabdulle oo ka shaqayn jiray qodista musqulaha muddo labo bil ah ma uusan qaban wax shaqo ah. Wuxuu iska joogaa guri cooshaad ah oo uu qoyskiisu ka deggan yahay xerada Sirmaqabe ee duleedka Gaalkacyo, maaddaama shaqooyinka dhismaha ay istaageen magaalada Gaalkacyo abaarta awgeed.

Magaalada oo uu ganacsigeedu ku tiirsanaa dadka xoolo-dhaqatada ah ayaa saameynta abaarta ee soo gaartey aad looga dareemaya. Dadka guryaha dhista ayaa intooda badan ahaa xoolo-dhaqato kuwaas oo haataan la daala dhacaaya badbaadinta xoolohooda.

“Markii hore taleefoonnada ayaa na laga soo wici jiray. Waxaan sidoo kale tagi jiray meel ay dadka shaqada dhismaha ka shaqeeya isugu tagaan si wixii shaqo ah ee la haayo loo ogaado. Goobtii oo hadda waxaa la arkay shaqo la’aan ah oo dadkii iska soo baxayaan waxay qabtaan intay waayeen,” ayuu yiri.

Ninkan wuxuu toddobaadkii heli jiray lacag dhan 50 doollaar oo uu ku maarayn jiray nolosha qoyskiisa oo ka kooban 10 qof.

Afar ka mid ah carruurtiisa oo dhigan jiray dugsi qur’aan ayuu labo ka mid ah ka saaray markii uu waayay lacag uu kaga bixiyo.

Qoriyow oo qoyskiisa dabka shidan jiray saddexda waqti inta uusan shaqo la’aanta noqon ayaa hadda hal waqti kaliya hela.

“Waxaa leedahay nin saaxiibkaa oo soo shaqeystay, walaalow wax ii dhiib. Qofkaas wuxuu I siiyo ayaan dabka ku shitaa. Dadku waa isku gar-gaaraa, waxna waa isi siiyaan haddii ay awoodaan.

Shaqada dhismaha ee istaagtay ayaa sidoo kale saameysay qoysaska ku tiirsan ragga guryaha dhisa.

Dhimir Faarax Cali oo uu qoyskeeda ka kooban yahay 14 qof, waxay dantu ku qasabtay inay billowdo shaqo nadaafadeed oo ay ka soo qabato xaafadaha magaalada si ay nolosha qoyskeeda u maareeyso. Waxay maalinkii soo heshaa $2 ilaa $2.5.

Haweeneydan iyo qoyskeeda ayaa noloshoodu ku tiirsanayd wiil ay dhashay oo ka shaqayn jiray dhismyaasha. Wuxuu maalinkii ka soo heli jiray shaqada dhismaha $6. Lacagtaan ayaa ku filnayd biilka qoyska. Balse labadii bil ee u dambeysay ma uusan helin wax shaqo ah. Tani ayaa sababtay in Dhimir ay dugsiga qur’aanka ka saarto labo wiil oo ay dhashay si ay u caawiyaan.

“Waxaan uga saaray waan xoog yarahay, haddaan damco in aan reer dhar u dhaqo kuma filini, [marka] inuu biyaha ii keen keeno oo wax ii soo qab qabtaan uga saaray dugsi qur’aankii. Midkii kale waxaan iri meelahaas baalash oo wax noo soo raadi,” ayay tiri.

Shaqada nadaafadda oo aysan si joogta ah u helin ayay sheegtay in mararka qaar ku khasabto inay dadka waydiisato inay ku caawiyaan raashin ay carruurta u karsato.

“Gobolkaan bad kuma xirna. Wuxuu ku xiran yahay xoolaha, xoolihiina abaar baa heshay. Markii abaartii ay ku dhufatay, qofkii miyiga baa darfaha ku dhagay oo wuxuu xoogga saaray samata bixinta xoolaha. Waxaa meesha ka baxay guryo dhiskii iyo dad sii shaqaaleyntii,” ayay tiri Dhimir oo sharraxaad ka bixinayso qaabkii ay abaartu u saameeysay bulshada.

Axmed Maxamed Xirsi oo ah injineer qandaraas qaate ah oo isbuucii afar ilaa iyo shan qandaraas heli jiray ayaa sheegay in hadda uu bishii oo dhan helo labo qandaraas kaliya. Wuxuu xusay in markii hore uu ilaa iyo 70 fuundiyaal u diri jiray shaqo isbuucii, balse uu isbuucaan shaqo u diray labo fuundi.

“Dadkii shaqadaan ka qaraaban jiray ee biilka ka soo hooyin jiray ayay saameysay, sababtoo ah nimankani xamaalatey ahaayeen. Inta ay soo helaan bay dabka ku shidan jireen. Kayd ma lahayn. Markii ay shaqadii waayeen, dadkii ma tuugsan laakiin baahi aad u liidata ayaa saameysay.”

Axmed oo muddo 23 sano ahaa qandaraas qaate ayaa tilmaamay inuusan waligiis arag saameeyn intaan la eg. Wuxuu xusay in hoos u dhaca dhismaha ay keentay abaarta ka jirta gobolka Mudug iyo qiimaha alaabta dhismayaasha oo qaaliyoobay bilihii la soo dhaafay.

Previous Post

Haween ay qaar nimankooda uga tageen isku-furan oo qalliin loo sameeyay

Next Post

Puntland: Ganacsato la guuray xoolo-dhaqato oo suuq-xumo ay ku dhacday

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Somalia latest news today

Puntland: Ganacsato la guuray xoolo-dhaqato oo suuq-xumo ay ku dhacday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo