(ERGO) – Gani Aadan oo 17 jir ah waxay toban bilood oo ay qabtay xanuunka isku-furanka kaddib ay heshay qalliin bilaash iyo daaweyn. Gabadhan oo ugub ahayd ayaa saddex cisho oo ay foolanaysay waxaa dilaacay kaadi haysta, iyadoo markii dambe umuliso dhaqameedyo ka dhalinayay ay si xoog uga soo saareen ilmo mayd ah.
Muddada uu xanuunkan hayay waxaa u sii dheeraa dhego hadal iyo in xanuunkeeda lagu caayo oo ay ka kulmaysay bulshadii ay kula noolayd tuulada Buurdhuxunle ee gobolka Bakool. Gabadhan ayaa saygeedu iska soo furay markii ay isku furantay. Sababta ayaa ahayd inay haleynayso gogosha ama guriga, maaddaama aysan kaadida ceshan karin.
“Markii dhibka I gaaray shoog ayaan ka qaaday, waa la i nacay, saas ayaa la igu furay. Dadka way i xaman jireen, bannaanada ayay igu sheeg sheegi jireen. Waxay dhihi jireen gabadhan way isku go’day. Lama rabo ayeey dhihi jireen,” ayay tiri.
Qalliin 30-kii Nofeembar loogu fidiyay cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee magaalada Luuq ayaa rajadeedii dib u soo celiyay. Waxay hadda weli ku jirta isbitaalka, halkaasi oo ay ku soo kabaneyso.
“Markii inta la i keenay daawo beeso la’aan ayaan helay, qalliinna waa la igu sameeyay. Alxamdullilaah boqolkiiba boqol waan fiicanahay,” ayay tiri Gani oo jiifta sariirteeda isbitaalka.
Haweenka isku-furanku u uku dhaco intooda badan waa kuwo ragooda dayacaad kala kulmo, sida furiin iyo kuwo gogasha kaga dheeraada.
Gabadhan waxay qeyb ka ahayd 26 haween oo lagu guulaystay in laga daaweeyo isku-furanka, kuwaas oo ka kala yimid Bay, Bakool iyo Gedo.
Macluumaadka ah in qaliinkan bilaashka laga fulinayo isbitaalka waxaa soo gaarsiiyay qoyska Gani nin ay daris yihiin oo Luuq u safray, kaas oo xogta ka helay cod-baahiye bulshada lagu ogeysiinayo in qaliinkan uu jiro.
Nurto Maxamed Cali oo ah hooyada Gani ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in seyga gabadheeda iyo qoyskiisa ay ka go’een markii ay gabadhu ka xanuunsatay.
“Wax Ilaahay abuuray oo wajigooda la arkay malahan, in xarigeeda la soo dhiibo mooyaane. Aniga lee saan ula rafadaayay. Kii qabay naag isku go’day marbo ayuu yiri. Cunugii ka soo baxay xitaa ma duugan, annaga lee duuganay. Alxamdulilaah maantadan la joogo ciil Kuma qabno, waan ka guuleysanay dadka qaarkiis.”
Cisbitaalka ayaa sidoo kale haweenka ugu deeqay raashiin iyo jiif bilaash ah inta ay ka soo bogsanayaan. Waxaa howshan iska kaashaday hay’adaha Trùcaire iyo NCA. Hay’ad maxalliga ah oo loo soo gaabiyo SEDHURO ayaa haweenay kasta siisay $100 oo niyadda loogu dhisay. Waxay sidoo kale ka bixineysaa lacagta baabur raaca, hoteelka ay ku sii jiri doonaan marka ay ka baxaan isbitaalka iyo sidoo kale lacag ay isku nafaqeyaan.
Haweenka isku-furanka ku dhacay intooda badan waa kuwo qarsada xanuunka si bulshada kale aysan uga la kulmin takoor.
Faadumo Waarow Xasan oo 14 bilood la xanuunsanaysay isku-furanka waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in si iskeed ay guriga isku xakameysay walaac ay ka qabtay in lagu caayo isku-furanka awgiis. Waxay iska dhaaftay shaqo maqaaxi oo ay shidan jirtay taas oo ay joojisay bishii Oktoobar ee sanadkii hore.
“Waalid iyo dadkii cidda ila ahaa ayaa igu ogaa dhibka dadka kale wan ka qarsanayay. Waan cabsanayay cidda lee ku haystay. Ruux kaadidiisa qulquleyso oo dharkiisa qoyan yahay kursiga haddii uu ku fadhiisto, gacmihiisana haleysan yihiin suu ku shaqaysanaa. Beeraha wixii ka baxo ayaan cajiin iyo canjeerada ka dhiganeynay,” ayay tiri.
Dhaqaalo dhan 150,000 shillinka Soomaali ah ayaa ka soo gali jiray maqaaxideeda oo u furneed 12 sano.
Faadumo oo ku nool tuulada Ceeldhanow oo qiyaastii 47 km u jirta Luuq ayay dhibtan soo gaartay xilli ay foolanaysay 48 saac. Cisbitaalka Luuq ayaa waqtigaas la keenay si iyada loo badbaadiyo maaddaama ilmo mayd ay ku jireen. Faadumo waxaa u yeeray maamulka isbitaalka oo ku wargeliyey inay yimaadeen dhaqatiirta.
Faadumo oo ah hooyada lix carruur ah wax dhibaato ah kalama aysan kulmin saygeeda intii ay xanuunsanayd oo taas baddalkeeda garab istaag ayay ka heshay. Wuxuu 16 cisho oo ay qalantahay kula jiraa cisbitaalka, iyagoo carruurtooda uga soo tagay walaashiis.
Waxaa sidan oo kale dabayaaqadii sanadkii hore si bilaash ah looga daweeyay isku-furanka 18 haween oo meelo kala duwan sidaan oo kale uga yimid.










