Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bacaad laga qaaday waddooyinka Hobyo oo sahlay in dib loo furo ganacsiyo ku xirmay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 23, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Dadka is-xilqaamay oo bacaadka ka guraya waddada wayn ee Hobyo/Ergo

27
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faarax Xaaji Cali oo ah aabbaha toddobo carruur ah wuxuu dib u furtay meheraddiisa ganacsi ee ku taala degmada Hobyo taasi oo uu ka xiray bacaadka guur-guura oo ku habsaday sagaal bil ka hor.

Ninkan ayaa meheraddiisa dib u furtay 9-kii bisha Diseembar kaddib markii ay dhallinyaro isxilqaamay ay bacaadka ka qaadeen waddada ay meheradiisa ku taala.

Faarax oo hadda dukaankiisa ka hela lacag dhan $20 oo faa’iido ah maalinkii ayaa sheegay inuu ku fikirayay inuu ka guuro magaalada Hoobyo, inta aan laga qaadin bacaadka ka hor.

“Markii meesha aad fiirisid waxaa leedahay magaaladaan magaalo la joogi karo ma aha. Aniga qorshahaygu waxuu ahaaba in aan ka guuro oo iskaga tago oo ganacsigayga iyo waxayga aan meelo kale iyo deegaano kale aan iska la aado. Markii ay dhalinyaraadaan kaceen magaaladii rajo fiican bay yeelatay,” ayuu yiri Faarax.

Intii ay meherada ka xirneyd wuxuu qoyskiisa ku biili jiray lacag yar oo ay qaraabadiisa oo kala jooga Muqdisho iyo Nairobi u soo diri jireen. Wuxuu sidoo kale ka xamaalan jiray dekadda Hobyo.

Shan carruurtiisa oo dhigta dugsiga hoose, dhexe ee Hobyo ayuu sheegay in lacagta waxbarashada oo bishii ah $35 uu ka bixinayay walaalkiisa oo Muqdisho joogo intii ay meheraddu ka xirnayd. Hadda se wuxuu rajeynayaa in uu isagu dabbaro maaddaama ganacsigiisii uu dib u soo laabtay. Wuxuu ka warramay sida uu bacaadku yahay.

“Farqi wayn ayaa u dhexeeya hadda. Gaari gacan macalaa ma soo gali karin markaas, hadda gaarigu iridduu ii soo istaagaa oo qiimuhuu Gaalkacyo ama Xamar iga soo qaado ayuu igu keenaa. Awalse mar anaa garabka ku soo qaadi jiray, mar dad ayaan ku baryi jiray, mar qarashkaygaan isticmaali jiray oo xamaali dheeri ah baa I gali jiray. Hadda waa Alxamdulilaah,” ayuu yiri.

Ilaa 70 goobood oo ganacsi oo ay ku jirto tan Faarax oo horay ugu xirmay bacaadka ayaa dib loo furay. Waxaa hadda adeegsada waddadii xirnayd gawaarida wayn ee dekadda Hobyo badeecadaha ka soo qaada iyo gawaarida ka kala yimaada Cadaado iyo Gaalkacyo. Waddada ayaa ah mid muhiim u ah degmada oo ku xirta magaalooyinka kale.

Xasan Cali Maxamed oo ah aabbaha shan carruur ah waxaa uu sheegay in bacaadka laga qaaday waddooyinka magaalada Hobyo oo ay markii hore caqabad ku qabeen dadka ku nool magaalada. Wuxuu xusay in uu xilliga uu shaqada aadi jiray uu dhib badan ka mari jiray bacaadka oo uu ka daahi jiray shaqada.

Ninkan oo ka shaqeeya xafiis hay’adeed ayaa sheegay in waddo dheer uu ka soo wareegan jiray maaddaama uu bacaadka xiray waddada gaaban ee lagu tagi karo xafiiskiisa shaqada. Xasan wuxuu sheegay in hadda uu xaafaddiisa ku tago si dhib yar.

Muqtaar Cabdullaahi Axmed oo hormuud u ah kooxda bacaadka ka qaaday waddada ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in lacagta ay waddada ku fureen ay iska soo uruuriyeen dadka deegaanka. Wuxuu tilmaamay in xirnaashaha waddooyinka ay sababtay in nolosha ay qaali noqoto. Wuxuu xusay in gawaarida biyaha keena magaalada ay ku keeni jireen fuustadi $3.5 intii ay waddada xirnayd balse hadda la iibiyo $2.

“Gadiidka magaalada banaankeeda biyaha ka soo qaada ayaa markii hore dhib ku qabi jiray maridda jidka. Waxay ka soo wareegan jireen jid 4 km u jira magaalada, iyagoo raadinaya waddo aan bacaad lahayn, taasi ayaa keentay in biyaha ay qaaliyoobaan,” ayuu yiri.

Magaalada Hobyo waxay ka mid tahay meelaha uu sida wayn u saameeyay bacaadka guur-guura oo sababay in dad badan ay guryahooda ka barakacaan, si ay bacaadka ay uga badbaadiyaan carruurtooda.

Previous Post

Xoolo-dhaqato ay abaar saameeysay oo xoolahooda u gadi waayay gallayda oo qaali noqotay

Next Post

Haween ay qaar nimankooda uga tageen isku-furan oo qalliin loo sameeyay

Related Posts

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Next Post
Haween ay qaar nimankooda uga tageen isku-furan oo qalliin loo sameeyay

Haween ay qaar nimankooda uga tageen isku-furan oo qalliin loo sameeyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-AUG-2026

IDAACADDA 21-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-AUG-2026
August 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-AUG-2026
August 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-AUG-2026
August 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo