Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato ay abaar saameeysay oo xoolahooda u gadi waayay gallayda oo qaali noqotay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 20, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Kaydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoolo-dhaqatada ku nool deegaanka Bulal ee gobolka Sool ayaa xoolahooda ku quudinayay gallay, maaddaama ay deegaanka abaar ku habsatay oo uusan lahayn biyo iyo baad toona. Balse waxaa bishii Oktoobar ee sanadkan qaaliyoobay qiimaha lagu iibsado gallayda.

“Markii hore ee ay jabnayd helisteeda waa sahlanayd, hadda qaali bay noqotay oo cid goyn kartaa ma jirto, xitaa dayn ku heli maysid. Xoolihii waxaa ku dhacay inay waayaan waxa ay cunaan, caatoobaan, baahi badani ku dhacdo, wixii jilicsanaa ay meel gaari wayaan,” ayuu yiri Ciise.

Loorka gallayda ah ee 50-ka kiilo qaada ayaa hadda la iibinayaa 27-30 doollar, taasi oo aysan xoolo dhaqatadu awoodin. Wixii ka horreeyay dhammaadki bishii Oktoobar waxay loorkii ku iibsan jireen 8-10 doollar. Kororka ku yimid qiimaha galleyda waxaa sabab u ah dalabka xoolo-dhaqatada oo batay. Galleyda lagu iibiyo gobolka Sool ma aha mid ku baxda halkaasi oo waxaa looga keenaa dalka Itoobiya.

“Gallaydu xoolaha waxay u leedahay nacfi badan oo sida geedaha oo kale ah. Neefku wuu ku gaajo beelayaa, waa ku naaxayaa kii irmaanaa caano ayuu ku yeelanaya,” ayuu yiri Ciise.

Ninkaan ayaa bishii Septembar laga iibsaday saddex neef oo ari ah. Xoolaha u soo haray ayuu sheegay inay dhamaantooda caato yihiin oo aysan ku jirin mid uu suuqa gayn karo. Welwelka ugu badan ee haysta ayaa ah in uu arigu ka dhammaado isagoo fiirinaya, maaddaama uusan u hayn calaf ay cunaan iyo dhaqaale uu ku badbaadiyo.

Ciise Cabdiraxmaan oo uu qoyskiisu todobbo qof ka kooban yahay ayaa sheegay in reerkiisa ay biyaha muddo bil ah ku cabbayeen dayn laguna leeyahay 180 doollar.

Ciise ayaa bishi tobanaad ka soo hayaamay miyiga tuulada Tuka-raq ee isla gobolka Sool, xilligaas oo roob aan badnayn uu ka da’ay deegaanka Bulal. Boqollaal qoys oo xoolo-dhaqato ahaa oo u soo hayaamay awgeed ayaa daaqi yaraa ee soo baxay iyo biyiihiba dhammaadeen, taas oo keentay in qoysaska qaar ay mar labaad u hayaamaan deegaannada waqooyi ee gobolka Sool. Ciise iyo qoyaska la mid ka ah ee guuri waayay ayaa la daalaa dhacaya badbaadinta xoolahooda.

Iidle Maxamed Warsame, waxaa tan iyo bishi Nofeembar ka dhintay ari boqol neef ah kaddib markii uu u awoodi waayay inuu u gado gallayda oo uu muddo sedex bil ah ku baxnaaninayay, ka hor inta uusan qiimuhu qaaliyoobin.

“Halkii neef ee ari 30 doollar ayaa nalaga siin jiray, waxayna noo goyn jirtay labo ilaa saddex kiish.  Bishii tobanaad ayaa igu dambeysay inaan suuqa xoola geeyo, waxaana la iga siistay labo neef midkiiba 30 doollar. Markaas ayaa ugu dambaysay oo aan xoolaha gallay siiyo. Intii aysan gallaydu qaali garoobin xoolaha waan siin jirnay, wayna ku noolayeen, laakiin hada ma awoodo,” ayuu yiri.

Ariga Iidle oo seddex boqol oo neef ahaa bishii Oktoobar hadda waxaa ka soo haray labo boqol oo boqol ka mid ah ay xerada fadhiyaan, maaddaama socon kari waayeen. Wuxuu aad uga welwelsan yahay haddii uu xaalku sidan sii ahaado waxa dhici doona.

Maxamuud Maxamed Aadan wuxuu sheegay in qiimo kororka galayda ay xoolaha siisan lahaayeen inay dhibaato wayn ku tahay xoolahooda. Ninkaan ayaa sheegay in isaga iyo xoolo-dhaqatada kale ee ku nool deegaanka ay xoolahooda abaartii 2016-2017 ku badbaadsadeen galleyda. In kastoo qiimaha galleyda markaasi uu sare u kaca ku yimid haddana ma aysan gaarin heerka ay hadda joogto. Qiimaha galleyda waxay xilligaas gaartey ilaa iyo $20.

Maxamuud ayaa sheegay in hadda lagu leeyahay $250 oo uu biyo ugu iibiyey xoolihiisa oo ah 160 neef oo ari ah. Wuxuu xusay in uusan aqoon sida uu isaga bixin doono lacagtan daynta ah haddii uu xaalka sidaan sii ahaado.

Previous Post

Qoysas ay abaartu ku kala xannibtay Bakool

Next Post

Bacaad laga qaaday waddooyinka Hobyo oo sahlay in dib loo furo ganacsiyo ku xirmay

Related Posts

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

July 31, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Bacaad laga qaaday waddooyinka Hobyo oo sahlay in dib loo furo ganacsiyo ku xirmay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-JUL-2026

IDAACADDA 30-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JUL-2026
July 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-JUL-2026
July 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-JUL-2026
July 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JUL-2026
July 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUL-2026
July 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo