(ERGO) – Abaarta gobolka Bakool ayaa kala geysay qoysas xoolo-dhaqato ah oo tan iyo 25-kii bishii hore ku soo barakacayay deegaanka Washaaqo oo hoostaga magaalada Rabdhuure ee gobolka Bakool.
Qoysaskan ayaa u badan kuwo xoolahoodii loola guuray dhul fog oo naq lagu sheegay si looga badbaadiyo abaarta.
Saxan Cabdi Gaas oo ka mid ah dadkaas, waxay Washaaqo ula soo barakacday, 25-kii Nofeembar, sagaal carruur ah si ay biyo u helaan. Waxaa hadda hoy u ah geed hoostiis. Seygeeda iyo wiil ay dhashay oo carruurteeda u weyn ayaa gobolka Afdheer ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ula guuray 21 geel ah, halkaas oo loogu sheegay in roob uu ka da’ay.
Saxan ayaa sheegtay in aysan wax war ah ka hayn seygeeda iyo curudkeeda oo ay kala maqan yihiin 20 maalin. Waxay sheegtay in taleefanka seygeeda uu khadka ka maqan yahay meesha oo aan anteenno lahayn darteed. Arrintaas ayaa walaac gaar ah ku haysa.
“Walbahaar habeenkiina ma seexdo; kuwaan dhibaatada haysata, kuwii tagey oona shanqar ka haynin saameynta intaa la eg, dhibaatadeedana aad bay noo saameysay,” ayay tiri.
Saxan ayaa ku sheegtay sababta ugu weyn ee ay labo meel ugu kala guureen inay tahay dhulka loo naq-raacay oo fog, kaas oo aysan lug ku gaari karin xoolaha jilicsan iyo carruurta iyo haweenka, sidaas darteedna ay soo maciin-bideen deegaanka ay hadda ku nooshahay oo 26 km u jira tuulada Dirixley oo ah halka ay ka soo barakacday.
Haweeneydaan iyo carruurteeda ayaa u soo lugeynayay Washaaqo muddo 24 saac ah.
Abaartu, sidoo kale, way saameysay dadka deegaanka Washaaqo, balse wali waxay biyaha ka helaan ceel-biyood deegaanka ku yaalla.
Saxan iyo carruurteedu waxay ku dhowaad labaatan cesho oo ay Washaaqo joogaan ku tiirsan yihiin raashin isugu jira masaggo, bariis iyo sonkor, oo isku darkiisu yahay 62 kg, kaas oo ay ku soo gadatay sagaal boqol oo kun oo shilin Soomaali ah oo looga iibsaday afar neef oo ari ah.
Waxay sheegtay in raashinku uu gabaabsi ka yahay, ayna iib ku weyday saddex neef oo ka soo haray 97 ari ah oo ay dhaqaneysay.
“Dhibaato noocii u dambeeyay baan joognaa. Midda maanta waa tu noo dambeysay, Ilaahey un baana na yeelay, bani’aadam nama yeelin. [Raashinkii] waxaan qaab lahayn baa ka dambeeya oo hadda labo kiilo aan ku qiyaasayo,” ayay tiri.
Waxay tilmaantay in aysan xal u hayn xaaladda ay wajahi doonaan haddii uu ka dhammaado raashinka u haray.
Maxamed Rashiid Macallin wuxuu tuulada Banaaney ee gobolka Bakool kala guuray 140 ari ah iyo 27 geel ah, balse wuxuu xusay in shan maalmood ay ku qaadatay inuu gaaro miyi hoostaga degmada Xudur oo uu roob ka da’ay. Hase yeeshee xoolihii uu badbaadi is lahaa ayuu tilmaamay in toddobaatan neef oo ari ah ay waddada uga dhinteen isaga oo aan gaarin halka uu ku wajahnaa oo 180 km u jirtay.
Dhulkii uu geeddiga dheer u galay ayuu sheegay inuu gaaray xilli daaqii uu ka dhammaaday, dad badan oo isugu tagay darteed.
“Halkaa waxaan kala kulannay wax yar oo madow ah [daaq yar]. Madowgii ummaddii Ilaahay baa isugu imaatay. … Meeshii iyada ahayd doog hala raadsadaa la lahaa dhib un baa sii kordhay, haddana sidii un baaa loo socdaayoo wax loo raadinahayaa,” ayuu yiri.
Maxamed ayaa sheegay in qoyskiisa oo Washaaqo ku soo barakacay 29-kii bishii Nofeembar ay la nool yihiin reer ay qaraabo yihiin oo tuulada deegaan ku ah. Wuxuu xusay in carruurtiisa oo shan ah iyo xaaskiisa uu taleefan kala xiriiro, balse uusan waxba u tari karin.