Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ay abaartu ku kala xannibtay Bakool

Radio Ergo by Radio Ergo
December 18, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news
20
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Abaarta gobolka Bakool ayaa kala geysay qoysas xoolo-dhaqato ah oo tan iyo 25-kii bishii hore ku soo barakacayay deegaanka Washaaqo oo hoostaga magaalada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Qoysaskan ayaa u badan kuwo xoolahoodii loola guuray dhul fog oo naq lagu sheegay si looga badbaadiyo abaarta.

Saxan Cabdi Gaas oo ka mid ah dadkaas, waxay Washaaqo ula soo barakacday, 25-kii Nofeembar, sagaal carruur ah si ay biyo u helaan. Waxaa hadda hoy u ah geed hoostiis. Seygeeda iyo wiil ay dhashay oo carruurteeda u weyn ayaa gobolka Afdheer ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ula guuray 21 geel ah, halkaas oo loogu sheegay in roob uu ka da’ay.

Saxan ayaa sheegtay in aysan wax war ah ka hayn seygeeda iyo curudkeeda oo ay kala maqan yihiin 20 maalin. Waxay sheegtay in taleefanka seygeeda uu khadka ka maqan yahay meesha oo aan anteenno lahayn darteed. Arrintaas ayaa walaac gaar ah ku haysa.

“Walbahaar habeenkiina ma seexdo; kuwaan dhibaatada haysata, kuwii tagey oona shanqar ka haynin saameynta intaa la eg, dhibaatadeedana aad bay noo saameysay,” ayay tiri.

Saxan ayaa ku sheegtay sababta ugu weyn ee ay labo meel ugu kala guureen inay tahay dhulka loo naq-raacay oo fog, kaas oo aysan lug ku gaari karin xoolaha jilicsan iyo carruurta iyo haweenka, sidaas darteedna ay soo maciin-bideen deegaanka ay hadda ku nooshahay oo 26 km u jira tuulada Dirixley oo ah halka ay ka soo barakacday.

Haweeneydaan iyo carruurteeda ayaa u soo lugeynayay Washaaqo muddo 24 saac ah.

Abaartu, sidoo kale, way saameysay dadka deegaanka Washaaqo, balse wali waxay biyaha ka helaan ceel-biyood deegaanka ku yaalla.

Saxan iyo carruurteedu waxay ku dhowaad labaatan cesho oo ay Washaaqo joogaan ku tiirsan yihiin raashin isugu jira masaggo, bariis iyo sonkor, oo isku darkiisu yahay 62 kg, kaas oo ay ku soo gadatay sagaal boqol oo kun oo shilin Soomaali ah oo looga iibsaday afar neef oo ari ah.

Waxay sheegtay in raashinku uu gabaabsi ka yahay, ayna iib ku weyday saddex neef oo ka soo haray 97 ari ah oo ay dhaqaneysay.

“Dhibaato noocii u dambeeyay baan joognaa. Midda maanta waa tu noo dambeysay, Ilaahey un baana na yeelay, bani’aadam nama yeelin. [Raashinkii] waxaan qaab lahayn baa ka dambeeya oo hadda labo kiilo aan ku qiyaasayo,” ayay tiri.

Waxay tilmaantay in aysan xal u hayn xaaladda ay wajahi doonaan haddii uu ka dhammaado raashinka u haray.

Maxamed Rashiid Macallin wuxuu tuulada Banaaney ee gobolka Bakool kala guuray 140 ari ah iyo 27 geel ah, balse wuxuu xusay in shan maalmood ay ku qaadatay inuu gaaro miyi hoostaga degmada Xudur oo uu roob ka da’ay. Hase yeeshee xoolihii uu badbaadi is lahaa ayuu tilmaamay in toddobaatan neef oo ari ah ay waddada uga dhinteen isaga oo aan gaarin halka uu ku wajahnaa oo 180 km u jirtay.

Dhulkii uu geeddiga dheer u galay ayuu sheegay inuu gaaray xilli daaqii uu ka dhammaaday, dad badan oo isugu tagay darteed.

“Halkaa waxaan kala kulannay wax yar oo madow ah [daaq yar]. Madowgii ummaddii Ilaahay baa isugu imaatay. … Meeshii iyada ahayd doog hala raadsadaa la lahaa dhib un baa sii kordhay, haddana sidii un baaa loo socdaayoo wax loo raadinahayaa,” ayuu yiri.

Maxamed ayaa sheegay in qoyskiisa oo Washaaqo ku soo barakacay 29-kii bishii Nofeembar ay la nool yihiin reer ay qaraabo yihiin oo tuulada deegaan ku ah. Wuxuu xusay in carruurtiisa oo shan ah iyo xaaskiisa uu taleefan kala xiriiro, balse uusan waxba u tari karin.

Previous Post

Beeraley ay barakicisay abaarta oo cunto-yari ay ku haysato Buulo-burtada go’doonsan

Next Post

Xoolo-dhaqato ay abaar saameeysay oo xoolahooda u gadi waayay gallayda oo qaali noqotay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Xoolo-dhaqato ay abaar saameeysay oo xoolahooda u gadi waayay gallayda oo qaali noqotay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo