(ERGO) – Maxamed Nuur Maqane wuxuu la daalaa-dhacayaa biilka qoyskiisa oo sagaal qof ah, kaddib roob-la’aan saameysay wax-soo-saarka beertiisa oo lix hektar ah. Waxay dantu ku qasabtay in gaari-dameer uu ka soo watay deegaankiisa Baarrey ee gobolka Hiiraan uu uga dhex-shaqaysto degmada Buulo-burde oo uu barakac ku tagay bartamihii bishii hore ee Nofeembar.
Gaari-dameerka ayuu ku qaadaa balka xoolaha la siiiyo. Lacagta ugu badan oo ah $4 waxay howshan ka soo gashaa toddobaadkii hal maalin oo ah maalinta Sabtida.
“Jowhar iyo tuulooyinka agagaarkeeda ah baa balka laga keenaa. Baabuurta markay soo gasho oo kale dadkii lo’da lahaa uun baa loo daldalaa. Markay ugu fiican tahay maalmaha Sabtida oo kale baa ugu roon. Maalmaha kale waxaa waaye haddaad $1 heshid ama aad $1.5 heshid ilmaha badar ugu beego waaye,” ayuu yiri Maxamed, oo lacagta yar ee uu shaqeeyo ugu iibiya reerkiisa raashin ay hal waqti karsadaan maalinkii.
Ninkaan oo beertiisa ay ku bixi jirtay roobka ayaan waxba tacban sanadkan oo dhan, biyo-la’aan awgeed. Wuxuu beeran jiray khudaarta iyo badar isugu jira digir, galley iyo masago. Webigu wuxuu beertiisa u jiraa in ka badan 20 km.
Wuxuu xusay in sababaha ugu wayn ee soo barakiciyay ay qayb ka ahayd biyo-la’aanta. Waxaa qalalay ceel-gacmeedyadii ay dadka deegaanka biyaha ka helayeen. Booyado ayaa deegaanka Baarey, oo 34 km dhanka galbeed uga beegan Buulo-burde, fuustada biyaha ku geeya $5. Hase yeeshee, Maxamed wuxuu tilmaamay inuu awoodi waayay lacagtaas.
Kiilada bariiska ah ayaa Buulo-burte ka maraysa $2.5, taas oo ka badan lacagta uu ninkaan shaqeysto maalmaha qaar.
Ninkan oo aqal-cooshad ka samaysan ka dhistay duleedka Buulo-burde qorshaha uguma jirto in uu ku sii negaado magaalada, wuxuu rajaynayaa inuu dib ugu laabto deegaankiisa haddii uu roob helo si uu u tacbado beertiisa.
Shan boqol oo qoys oo beeraley ah ayaa labadii bil ee u dambeeyay tagay Buulo-burde. Waxay ka soo barakaceen tuulooyinka Jaaboole, Baarrey iyo Aboorrey oo roobkii dayrtu ka daahay gu’gii ka horreeyayna uusan ku hoorin.
Maxmed Cali Ibraahim oo bil ka hor saameynta roob-la’aantu ay ka soo barakacisay tuulada Aboorrey, oo 20 km dhanka waqooyi uga beegan Buulo-burde ayaa quuddaraynayay in Buulo-burde uu ku helo gargaar cunno ee ay hay’aduhu bixiyaan, ama shaqo uu ku dabbaro nolosha qoyskiisa, middoodse gacan kuma hayo.
Waxay isaga iyo qoyskiisa oo siddeed qof ah hadda ku hoydaan guri jiingad ka sameysan oo uu siiyay qoys ehelkiisa ah. Qoyska ayaa sidoo kale ka caawiya raashin karsan oo ay labo waqti cunaan.
“Wax dayn ku siinaya ma arkaysid, xilli la isa-siin jiray way jirtaa, laakiin hadda wax la iskuma oggola. Dadkaana mar haddii dayntaada $20 ay xagga u dhaafto inta badan waxaa lagu leeyahay lacagtii hore iska bixi. Tii hore bixinteeda waxaa waaye shaqo in aad hesho shaqadiina inta badan cariiri bay ku jirtaa.”
Shaqada dhismaha guryaha ayuu sheegay in si maalin dhaaf ah uu u helayay tobankii maalin ee u horreeyay imaatinkiisa Buulo-burde isagoo mushaar ahaan maalintii u qaadanayay marka uu shaqeeyo $5. Qof ka mid ah ehelkiisa ayuu xusay in uu ka caawiyay helidda shaqadaas.
Ninkaan ayaa sheegay in beertiisa oo toban hektar ah ay tacbasho ugu dambeysay dabayaaqadii sanadkii 2020-kii, xilligaas oo ayax uu ka cunay dalag isugu jiray galley, sisin, masago iyo digir.
Saddex ka tirsan carruurtiisa oo mid ay gabar tahay oo u dhiganayay dugsiga hoose iyo dhexe ee tuulada Aboorrey ayaa hadda waxbarasho-la’aan ah.
Duqa dagmada Buulo-burde Maxamed Sheekh Sharaawe ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka u badan beeralayda ee yimid dagmada ay culayska ku kordhiyeen qoysaska deegaanka oo wajahaya xaalad cunno-yari, taasi oo ka dhalatay go’doon uu sheegay in ay saartay Al-Shabaab.
Wuxuu xusay in bulshada magaalada ay ku tiirsan yihiin raashin aan badnayn oo si dhuumaaleysi ah lagu soo galiyo iyo hay’ado mararka qaar diyaarado ku keena boorash iyo raashin.
Wuxuu ka dayriyay xaaladda dadka barakaca ku yimid Buulo-burde iyo kuwii horay u joogay.