Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bacaad aasay guryaha iyo xarumaha danta guud ee tuulada Kulub, Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
November 5, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Somali news live, Somalia news live, Radio Ergo News

Bacaadka guurguura oo aasay guryaha tuulada Kulub ee gobolka Mudug/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Subax kasta Maxamuud Jaamac Faarax oo ka mid ah kalluumaysatada ku nool tuuladda Kulub wuxuu bacaadka guur-guura ka qodaa darbiga gurigiisa oo labo qol ka kooban.

Wuxuu ku fikirayaa in qoyskiisa oo ka kooban lix qof uu kala barakaco tuuladaan oo u dhow magaalo-xeebeedda Garacad ee gobolka Mudug. Bacaadka guur-guura oo ay dabeysha ka soo qaaddo xeebta Badweynta Hindiya ayaa aasay guryaha qaar, iskuulka keliya ee tuulada, xarunta caafimaadka iyo sidoo kale ceelashii ay dadka deegaanka ka cabi jireen biyaha.

“Ciiddu waxay aastay guryo, waxayna carqaladaysay nolol-maalmeedka tuulada. Ma jiraan dugsiyo iyo xarumo caafimaad. Haddii ay hadda haweenay foolato, meel aan u kaxeeyno ma jirto. Bacaadka ayaa xiray waddada oo ma mari karaan baabuurta,” ayuu yiri.

“Booyado ayaa biyo nooga keeni jiray ceel ku yaalla magaalada Garacad. Balse hadda booyadihii waddo ay soo maraan ma lahan.”

Booyado qaar oo soo mara waddo wareeg ah ayaa biyaha u keena dadka deegaanka, balse waxay biyaha iibiyaan lacag qaali ah.

Dhaqtarka keliya ee ka howlgalayay xarunta caafimaad ee tuuladda, oo ay maamulaysay wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa u barakacay magaalada Garacad.

Guryaha ku yaalla tuuladda Kulub waxaa badankood dhisay hay’adaha gargaarka kaddib markii ay guryihii hore ku burbureen duufaantii Tsunami ee ku dhufatay Badweynta Hindiya sanadkii 2004.

Dadka deegaanka ayaa nolol-maalmeedkooda ka soo saarta kalluumeysiga. Hase yeeshee, waddooyinka uu bacaadka xiray ayaa sababtay in qiimaha cunnadda ay sare-u-kac ku timaada.

“Inta yar ee aan kalluunka ka helno casho xitaa kuma filna. Raashinka lama goyn karo oo cirka ayuu isku shareeray. Garacad ayaa na looga keenaa raashinka,” ayuu yiri Maxamuud.

Yaasiin Cabdullahi oo sidoo kale ah kalluumeyste ku nool tuuladda ayaa sheegay inuu xaaskiisa iyo carruurta u diray guriga soddoggiis ee degmada Jariiban.

“Bannaanka ayaan seexan jiray habeen walba kaligey. Bacaadka darbiga iyo albaabka guriga ayuu iga qabsaday. Subax walba ayaan qodi jiray, laakiin markii uu jidka xirmay, carruurta iyo hooyadood waxaan u diray guriga aabbaheed si ay xagga ugu noolaadaan. Meeshaan meel ay ku noolaan karaan ma ahan,” ayuu yiri. a

Yaasiin ayaa sheegay inuu qoyskiisa u diro lacag marka uu wax helo. Wuxuu tilmaamay inuu isaga ka haray reerka intooda kale si uu guriga u ilaaliyo.

Dhanka kale, Maxamuud ayaa u soo jeediyay dowladda hoose, dowladda federaalka ah iyo hay’adaha samafalka inay gacan ka geystaan ​​sidii deegaanka looga saari lahaa bacaadka oo ah nooca guurguura.

“Anaga waxa keliya ee aan haysanno waa badeello. Bacaadkaan wuxuu u baahan yahay cagaf-cagaf si ciidda loo qodo,” ayuu yiri Maxamuud.

“Tuuladdaan rajo ayay leedahay, balse waxaa meesha ka maqan waxqabadkii dadkii mas’uuliyiinta ahaa, waayo baraf ayaa magaaloyiinka laga nadiifinayaa, marka bacaadka wax sidaa u weyn ilama aha.”

Guddoomiyaha Kulub Cabdi Yuusuf Kaarshe ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 130 ka tirsan 300 oo qoys oo ku noolaa deegaanka ay u barakaceen magaalada Garacad. Dadka ku soo haray tuuladda ayaa ah kuwa aan awoodin inay ka guuraan.

“Maamul ahaan, waxaan dhibataada dadka deegaanka la wadaagnay dowladda hoose, welina wax jawaab ah kama hayno,” ayuu yiri.

Garacad waxay xarun u tahay ganacsiga kalluunka, waxaana hadda ka socota dhismaha dekad ay ka dhisayaan dad ganacsato ah oo oggolaansho ka helay dowladda Puntland. Dekedda ayaa noqon doonta mid gobollada dhexe ee Soomaaliya u furi doonta suuqa dalalka dibadda gaar ahaan waddamada Khaliijka.

Previous Post

Gabar Injineer ah oo hiigsneysa inay heer sare ka gaarto shaqada dhismaha oo ay ragga ku badan yihiin

Next Post

Abaar kumannaan xoolo ah ku leynaysa Dowlad-deegaanka Soomaalida

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Somalia news, Somali news, Mogadishu live news, Radio Ergo News

Abaar kumannaan xoolo ah ku leynaysa Dowlad-deegaanka Soomaalida

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo