Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gabar Injineer ah oo hiigsneysa inay heer sare ka gaarto shaqada dhismaha oo ay ragga ku badan yihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
November 5, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somali news, Somalia live news, Radio Ergo news

Hibaq Maxamed Cilmi oo booqatay mid ka mid ah guryaha ay shirkadeedu ka dhisayso magaalada Berbera/ERGO

6
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Marka ay Hibaaq Maxamed Cilmi booqato meelaha uu dhismaha ka socda ee ay iyadu injineerka ka tahay waxay shaqaaluhu ku qaldaan qof danaynaya inuu kireysto ama iibsado dhismaha cusub. Qofna uma maleeyo inay tahay injineerka qaabeeyay dhismaha oo si ay u kormeerto u tagtay goobta.

Tan iyo intii ay xarigga ka jartay shirkaddeeda dhismaha ee Mama bishii Maarso ee 2020-kii, Hibaaq waxay ka shaqeysay dhismaha 30 guri oo isugu jira kuwo gaar loo leeyahay iyo xafiisyo-dowladeed oo ay ka dhistay magaalada Berbera.

Waxay shaqeysaa 14 saac maalinkii, waxayna waqtigaa ku diyaarisaa qaabka-dhismaha guryaha. Sidoo kale, waxay soo kormeertaa guryaha uu dhismaha ku socdo ee ay shirkaddeeda dhisayso iyo raadinta qandaraasyo cusub. Balse waxay maalin walba bulshada ay ku dhex nooshahay kala kulantaa caqabado maaddaama ay tahay haweeneyda keliya ee dhismaha ka shaqeysa.

“Cabaqaddu ilaa maalinkaan waxbarashadayda billaabay ilaa maalinkaas aan kula hadlayo way jirtaa. Waa mid bulshadeenna kaaga imanaysa oo bulshadeennu maba aqoonsana in ay gabadhi wax dhisi karto oo waa lagula yaabayaa. Iyadoo la arkay [wixii aan qabtay] ayay haddana odhanayaan iyadu may dhisin oo lagu tilmaamayaa inuu dhisay shaqaalaha ii shaqeynaya,” ayay tiri.

Injineer Hibaaq ayaa maamule u ah konton qof oo ay shan xafiiska kala shaqeyso halka 45 kale ay ka shaqeyaan dhisida guryaha. Waxay xustay in shaqaalaheeda oo dhamaan rag ah aysan inta badan si dhab ah u qaadan marka ay shaqo u dirto, maaddaama ay ku cusub tahay haweenay maamule ka ah shirkad-dhisme.

Hibaaq waxay ku biirtay jaamacadda Berbera sanadii 2014-kii kaddib markii ay deeq waxbarasho ka heshay. Waxay ka soo qallinjabisay kulliyadda injineerka dhismaha guryaha ee jaamacadda sanadkii 2018.

Dadka ayaa la yaabay markii ay dooratay inay barato dhismaha guryaha iyadoo ka mid ahayd ardaydii buundooyinka wanaagsan keenay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaadday wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Dad badan ayaa filayay in aysan waxbarashada dhameyn doonin. Balse waxay dhiirigelin ka heshay guddoomiyaha jaamacadda iyo qoyskeeda.

“Maalin ayaan go’aansaday inaan riyadayda ka tanaasulo maaddaama bulshadii igu xeernayd ay lahaayeen ma wanaagsana. Waxaan go’aansaday inaan la tashado guddoomiyaha jaamacadda oo aan ku idhaa ‘waxaan rabaa inaan ka wareegsado kulliyaddaan’. Guddoomiyuhu wuxuu igu yiri ‘ka fikir waxaad ummadda u qaban doonto markaad waxbarashada dhameyso’,” ayay tiri.

Helista qandaraasyada dhismaha ayaa ah caqabad kale oo weyn oo ay wajahdo. Waxay xustay in markii hore codsiyadeeda laga doorbidi jiray kuwa ay shirkadaha ragga hoggaamiyaan. Waxay ku dhowaatay inay quusato kaddib markii ay dareentay in macaamiishu aysan ku kalsooneyn xirfaddeeda. Guusha ay hadda gaartay ayay u nisbeysay qoyskeeda, oo ay sheegtay in mar walba ay taageerayeen, dhiirigelin buuxdana ay u fidinayeen markii ay ku jirtay marxalladdii adkeyd.

“Maalin walba waxaa iga hor yimaada intaas oo sababood oo aan uga baxo xirfaddaan. Laakiin waxa yimaada kuwo kale oo aan kaga gudbayo anigoo samraya. Waan ku faraxsanahay inaan shirkad yeesho, waxaan doonayaa inaan ka miro-dhaliyo oo aan meel sare ka gaaro xirfaddeyda,” ayay tiri.

Hibaaq ayaa xustay in shaqadeeda ay tayo wanaagsan tahay, taas oo ah tan u soo jiidda macaamiil badan oo doonaya inay guryahooda u dhisto.

Bulshada ay la nooshahay oo isugu jira rag iyo dumar ayaa inta badan waydiiya sababta ay u guursan la’dahay. Waxay sheegtay in mararka qaar lagu dhego-hadlo oo lagu yiraahdo, ‘dumarka waxaa loogu talagalay inay guriga joogaan’. Hase ahaatee waxay ku faraxsan tahay inay u calool-adeygto dhego-hadalkaas, tusaalena ay u noqoto gabdhaha kale ee hammigooda uu sarreeyo.

“Waxaan rajeynayaa inaan meel sare ka gaaro xirfaddaan oo dhismayaasha ugu quruxda badan aan dalka ka dhiso. Waxaan rabaa in dhismaha waddanka aan ka qayb qaato oo meelaha ugu sarreeya ee xirfadda dhismaha laga gaaro ayaan hiigsanayaa,” ayay tiri.

Previous Post

Dadka Jowhar oo ka cabsi qaba inay cudurro ka dhashaan biyaha fatahaadda ee fadhiya guryahooda

Next Post

Bacaad aasay guryaha iyo xarumaha danta guud ee tuulada Kulub, Mudug

Related Posts

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Next Post
Somalia news, Somali news live, Somalia news live, Radio Ergo News

Bacaad aasay guryaha iyo xarumaha danta guud ee tuulada Kulub, Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUL-2026

IDAACADDA 23-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUL-2026
July 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUL-2026
July 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo