(ERGO) – Raxmo Xuseen Dhuubow oo ah hooyada shan carruur ah waxay ka walwalsan tahay caafimaadka carruurteeda kaddib markii daadad ka dhashay roob xooggan oo ka da’ay magaalada Jowhar labadii isbuuc ee u dambeysay uu ka dumiyay musqusha gurigeeda iyo hal dhinac oo deyrka guriga ah.
“Biyaha fatahaadda wali aqalka ayay noo fadhiyaan. Musqushii iyo bullaacadihii ayaa ku furmay oo way midab-doorsameen, cagaar ayay noqdeen. Cudurro ayaa ka dhalan kara biyahaan,” ayay tiri.
Raxmo waxay maqaaayad ku shidataa xaafadda Hanti-wadaag, balse dadka xaafadda ayaan guryahooda ka bixin maaddaama ay waddooyinka fadhiyaan biyaha fatahaadda.
“Waan iska imaadaa oo guriga ma fadhin kari, ma ogi ganacsi ma jiro halkaan. Waxaa ii jooga carruur aan kaligey korsado oo raashin iyo wax walba iiga baahan. Xaaladdu ma sahlana,” ayay tiri Raxmo, oo ay seygeeda kala tageen.
Raxmo ayaa sheegtay in carruurteeda ay ka reebtay dugsiga maaddaama ay biyaha fatahaadda ay fadhiyaan waddadii loo mari lahaa. Waxay xustay inay jiraan dad waayeel ah oo isaga dhex nool guryahooda oo ay biyaha fatahaadda fadhiyaan, kuwaas oo aan sariirta ka soo degin, sidoo kalena aan haysan wax ay cunaan.
Guddi ay leedahay xaafadda ay biyuhu fadhiyaan oo ka kooban 11 ruux oo iskood isu xilqaamay ayaa billaabay inay biyaha ka nadiifiyaan xaafadda Hanti-wadaag. Guddiga ayaa biyaha uga saaraya xaafadda labo matoor oo kiro ah. Matoorrada ayaa biyaha ku shubaya kanaalka Buuri oo ku sii daraya webiga.
Maxamed Baadow Maxamuud oo ah ku-xigeenka guddiga ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qiyaastii 4,200 ilaa iyo 5,000 oo guri ay fatahaaddu saameysay. Sidoo kale fatahaadda ayaa saameysay ganacsiyada. Seyladda ugu weyn deeganka oo ku taalla xaafadda ayaa xiran muddo labo isbuuc ah, taasi oo xayirtay ganacsiga lo’da, ariga, geela iyo dameeraha.
Maxamed ayaa xusay in biyaha fatahaada ay sidoo kale xireen xarun caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ah oo ay xaafaddu lahayd.
Wuxuu tilmaamay inay isu xilqaameen nadaafadda oo aysan weli maamulku wax ka qaban.
Labo ka tirsan ganacsatada deegaanka ayaa u kireeyay guddiga is-xilqaamay labada matoor ee ay biyaha ku saarayaan. Waxay sidoo kale ugu deeqeen 400 oo litir oo shidaal ah.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka ayaa u ballan-qaaday guddiga matoor saddexaad. Matoorrada ayaa midkiiba ku shaqeynaya kiro hal doollar ah saacaddii.
Maxamed ayaa ku boorriyay qofkii wax u tari kara inuu soo caawiyo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen oo u baahan gargaar degdeg ah.
“Annaga, inta yar ee aan qaban karno waa nadiifinta biyaha fatahaadda ee fadhiya deegaanka. Laakiin waxaa jira qoysas u baahan in la caawiyo,” ayuu yiri.