Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dadka Jowhar oo ka cabsi qaba inay cudurro ka dhashaan biyaha fatahaadda ee fadhiya guryahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
November 4, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali news

Fatahaad uu sababay roob xoog leh oo ka da'ay Jowhar ayaa dhex fadhiya guryaha/Maryan Sheekh Cabdi/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Raxmo Xuseen Dhuubow oo ah hooyada shan carruur ah waxay ka walwalsan tahay caafimaadka carruurteeda kaddib markii daadad ka dhashay roob xooggan oo ka da’ay magaalada Jowhar labadii isbuuc ee u dambeysay uu ka dumiyay musqusha gurigeeda iyo hal dhinac oo deyrka guriga ah.

“Biyaha fatahaadda wali aqalka ayay noo fadhiyaan. Musqushii iyo bullaacadihii ayaa ku furmay oo way midab-doorsameen, cagaar ayay noqdeen. Cudurro ayaa ka dhalan kara biyahaan,” ayay tiri.

Raxmo waxay maqaaayad ku shidataa xaafadda Hanti-wadaag, balse dadka xaafadda ayaan guryahooda ka bixin maaddaama ay waddooyinka fadhiyaan biyaha fatahaadda.

“Waan iska imaadaa oo guriga ma fadhin kari, ma ogi ganacsi ma jiro halkaan. Waxaa ii jooga carruur aan kaligey korsado oo raashin iyo wax walba iiga baahan. Xaaladdu ma sahlana,” ayay tiri Raxmo, oo ay seygeeda kala tageen.

Raxmo ayaa sheegtay in carruurteeda ay ka reebtay dugsiga maaddaama ay biyaha fatahaadda ay fadhiyaan waddadii loo mari lahaa. Waxay xustay inay jiraan dad waayeel ah oo isaga dhex nool guryahooda oo ay biyaha fatahaadda fadhiyaan, kuwaas oo aan sariirta ka soo degin, sidoo kalena aan haysan wax ay cunaan.

Guddi ay leedahay xaafadda ay biyuhu fadhiyaan oo ka kooban 11 ruux oo iskood isu xilqaamay ayaa billaabay inay biyaha ka nadiifiyaan xaafadda Hanti-wadaag. Guddiga ayaa biyaha uga saaraya xaafadda labo matoor oo kiro ah. Matoorrada ayaa biyaha ku shubaya kanaalka Buuri oo ku sii daraya webiga.

Maxamed Baadow Maxamuud oo ah ku-xigeenka guddiga ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qiyaastii 4,200 ilaa iyo 5,000 oo guri ay fatahaaddu saameysay. Sidoo kale fatahaadda ayaa saameysay ganacsiyada. Seyladda ugu weyn deeganka oo ku taalla xaafadda ayaa xiran muddo labo isbuuc ah, taasi oo xayirtay ganacsiga lo’da, ariga, geela iyo dameeraha.

Maxamed ayaa xusay in biyaha fatahaada ay sidoo kale xireen xarun caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ah oo ay xaafaddu lahayd.

Wuxuu tilmaamay inay isu xilqaameen nadaafadda oo aysan weli maamulku wax ka qaban.

Labo ka tirsan ganacsatada deegaanka ayaa u kireeyay guddiga is-xilqaamay labada matoor ee ay biyaha ku saarayaan. Waxay sidoo kale ugu deeqeen 400 oo litir oo shidaal ah.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka ayaa u ballan-qaaday guddiga matoor saddexaad. Matoorrada ayaa midkiiba ku shaqeynaya kiro hal doollar ah saacaddii.

Maxamed ayaa ku boorriyay qofkii wax u tari kara inuu soo caawiyo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen oo u baahan gargaar degdeg ah.

“Annaga, inta yar ee aan qaban karno waa nadiifinta biyaha fatahaadda ee fadhiya deegaanka. Laakiin waxaa jira qoysas u baahan in la caawiyo,” ayuu yiri.

Previous Post

Taxanaha Gargaarka: Sida ay hay’adaha gargaarka u qiimeeyaan baahiyaha ay qeyladhaanta ka soo saaraan

Next Post

Gabar Injineer ah oo hiigsneysa inay heer sare ka gaarto shaqada dhismaha oo ay ragga ku badan yihiin

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Somali news, Somalia live news, Radio Ergo news

Gabar Injineer ah oo hiigsneysa inay heer sare ka gaarto shaqada dhismaha oo ay ragga ku badan yihiin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo