(ERGO) – Abaar ba’an oo ka jirta gobolka Daawa ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa saamaysay in ka badan 62,000 oo qoys. Waxaa sidoo kale ku dhamaaday ku dhowaad 50,000 oo neef. Qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay ayay la soo deristay cunno-yari iyo biyo-la’aan.
Weriyaha Raadiyow Ergo ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, ayaa saameynta abaarta ka wareystay Siyaad Ibraahim Cali oo ah madaxa xafiiska ka hortagga khatarta musiibooyinka ee gobolka Daawa.
Siyaad Ibraahim: Abaartu waxay saameysay dhamaan afarta degmo ee ay Daawa ka kooban tahay. Waxaa abaarta sababtay roob-yari ka dhacday deegaanka roobkii Gu’ga (Abriil ilaa Juun) iyo roobkii Deyrta (Oktoobar ilaa Diseembar) oo ka soo daahay deegaanka. Xoolo badan ayaa harraad u dhintay. Abaarta ayaa soo billaabatay Gu’gii oo aan roob fiican la helin. Dadka deegaanka waxay shantii bilood ee la soo dhaafay ku tiirsanaayeen biyo booyado loogu soo dhaamiyo. Balse xaaladda ayaa ka sii dartay dhamaadkii bishii Oktoobar oo ay xooluhu billaabeen dhimasho.
Raadiyow Ergo: Maxaad nooga sheegi kartaa xoolaha ay abaartu dishay iyo qoysaskii ay saameysay?
Siyaad Ibraahim: Guud ahaan xoolaha ay abaartu dishay gobolkaan waa 47,215 oo neef. Sidoo kale waxay abaartu saameysay 62,960 qof oo badankood xoolo-dhaqato ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd nacfika xoolahooda. Dadkaan waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah maaddaama ay hadda ku sugan yihiin nolol aad isaga liidata. Qoysaska qaar ayaa ka hayaamay tuulooyinkooda. Ilaa 41,745 oo qof oo ka tirsan dadkaan waa dadkii ka soo barakacay dagaalkii Oromada, waxayna ku tiirsanaayeen caawimaad ay dadka deriskooda ee xool-dhaqatada ah ka helayeen. Xoolo-dhaqatadii hadda ma caawin karaan oo iyagii ayayba xoolihii ka sii dhamaanayaan oo caawimaad u baahan. Abaartu waxay sababtay in 18 iskuul oo gobolka ku yaallay ay xirmaan, taasi oo saameyn ku yeelatay waxbarashada 2,972 arday.
Raadiyow Ergo: Ma noo sheegi kartaa baaxadda ay abaartu dhan tahay markii la barbar-dhigo abaarihii hore ee deegaanka?
Siyaad Ibrahim: Abaartaan waa mid ba’an. Waxaan halkaan ku noolahay sagaal sano, walina ma arkin abaar tan ka daran. Waxaa abaarta ku dhex qarsan cudurro sida cudurka sambabka (CCPP) oo ku dhacaya ariga iyo idaha. Waxaa sidoo kale jira cudur aan wali la xaqiijin oo geela laynaya. Dameeraha iyo geela oo ahaa xoolaha ugu adkeysiga badnaa xilliyada abaarta ayaa hadda u dhimanaya harraad.
Raadiyow Ergo: Maamulkaagu ma u qaybiyay wax gargaar ah qoysaska ay dhibaatadu saameysey?
Siyaad Ibraahim: Biyo-dhaamin ayaan u sameyneynaa dadka ay abaartu saameysay. Sidoo kale dowladda deegaanka iyo hay’adaha gargaarka ee maxalliga ah ayaan ku wargelinnay xaaladda adag ee ay dadkaan ku sugan yihiin, anagoo ka codsannay inay gargaar degdeg ah la soo gaaraan qoysaskaa. Wax kale oo intaa ka baxsan oo aan hadda u sameynay ma jiraan.
Raadiyow Ergo: Ma jiraan dhaqaale ay dawladdu u qoondaysay in lagu caawiyo qoysaska xoolo-dhaqatada ah ee ay dhibaatadu soo gaartay si ay xoolahooda ugu iibsadaan calaf?
Siyaad Ibraahim: Wali wax gargaar ah nama soo gaarin, balse waxaa jira qorshe looga soo rarayo calaf xoolaha lagu quudiyo magaalooyinka Doolow Bay iyo Jarati. Waxaa qorshahaas wada xafiis-goboleedka ka hortagga khatarta musiibooyinka oo gacan ka helaya wasaaradda xoolaha.
Raadiyow Ergo: Maxaa idiin qorsheysan haddii ay xaaladdu ka sii darto?
Siyaad Ibraahim: Hadda qorshaheenna waa inaan mushahaarka shaqaalaheenna wax ka dhinno oo aan sidoo kale lacag ka soo uruurinno dadka ganacsatada ah ee deegaanka si aan ugu caawinno qoysaska aadka u liita. Taas ayaa ah xalka kaliya ee hadda noo soo haray maaddaama ay abaartu tahay mid heer qaran ah oo aanay dowlad-goboleedka kaligeed wax ka qaban karin haddii aanay kaalmo kale oo bannaanka nooga imaaneysa aysan jirin.










