Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Abaar kumannaan xoolo ah ku leynaysa Dowlad-deegaanka Soomaalida

Radio Ergo by Radio Ergo
November 5, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Somali news, Mogadishu live news, Radio Ergo News

Keydka sawiradda/Ergo

21
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Abaar ba’an oo ka jirta gobolka Daawa ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa saamaysay in ka badan 62,000 oo qoys. Waxaa sidoo kale ku dhamaaday ku dhowaad ​​50,000 oo neef. Qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay ayay la soo deristay cunno-yari iyo biyo-la’aan.

Weriyaha Raadiyow Ergo ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, ayaa saameynta abaarta ka wareystay Siyaad Ibraahim Cali oo ah madaxa xafiiska ka hortagga khatarta musiibooyinka ee gobolka Daawa.

Siyaad Ibraahim: Abaartu waxay saameysay dhamaan afarta degmo ee ay Daawa ka kooban tahay. Waxaa abaarta sababtay roob-yari ka dhacday deegaanka roobkii Gu’ga (Abriil ilaa Juun) iyo roobkii Deyrta (Oktoobar ilaa Diseembar) oo ka soo daahay deegaanka. Xoolo badan ayaa harraad u dhintay. Abaarta ayaa soo billaabatay Gu’gii oo aan roob fiican la helin. Dadka deegaanka waxay shantii bilood ee la soo dhaafay ku tiirsanaayeen biyo booyado loogu soo dhaamiyo. Balse xaaladda ayaa ka sii dartay dhamaadkii bishii Oktoobar oo ay xooluhu billaabeen dhimasho.

Raadiyow Ergo: Maxaad nooga sheegi kartaa xoolaha ay abaartu dishay iyo qoysaskii ay saameysay?

Siyaad Ibraahim: Guud ahaan xoolaha ay abaartu dishay gobolkaan waa 47,215 oo neef. Sidoo kale waxay abaartu saameysay 62,960 qof oo badankood xoolo-dhaqato ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd nacfika xoolahooda. Dadkaan waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah maaddaama ay hadda ku sugan yihiin nolol aad isaga liidata. Qoysaska qaar ayaa ka hayaamay tuulooyinkooda. Ilaa 41,745 oo qof oo ka tirsan dadkaan waa dadkii ka soo barakacay dagaalkii Oromada, waxayna ku tiirsanaayeen caawimaad ay dadka deriskooda ee xool-dhaqatada ah ka helayeen. Xoolo-dhaqatadii hadda ma caawin karaan oo iyagii ayayba xoolihii ka sii dhamaanayaan oo caawimaad u baahan. Abaartu waxay sababtay in 18 iskuul oo gobolka ku yaallay ay xirmaan, taasi oo saameyn ku yeelatay waxbarashada 2,972 arday.

Raadiyow Ergo: Ma noo sheegi kartaa baaxadda ay abaartu dhan tahay markii la barbar-dhigo abaarihii hore ee deegaanka?

Siyaad Ibrahim: Abaartaan waa mid ba’an. Waxaan halkaan ku noolahay sagaal sano, walina ma arkin abaar tan ka daran. Waxaa abaarta ku dhex qarsan cudurro sida cudurka sambabka (CCPP) oo ku dhacaya ariga iyo idaha. Waxaa sidoo kale jira cudur aan wali la xaqiijin oo geela laynaya. Dameeraha iyo geela oo ahaa xoolaha ugu adkeysiga badnaa xilliyada abaarta ayaa hadda u dhimanaya harraad.

Raadiyow Ergo: Maamulkaagu ma u qaybiyay wax gargaar ah qoysaska ay dhibaatadu saameysey?

Siyaad Ibraahim: Biyo-dhaamin ayaan u sameyneynaa dadka ay abaartu saameysay. Sidoo kale dowladda deegaanka iyo hay’adaha gargaarka ee maxalliga ah ayaan ku wargelinnay xaaladda adag ee ay dadkaan ku sugan yihiin, anagoo ka codsannay inay gargaar degdeg ah la soo gaaraan qoysaskaa. Wax kale oo intaa ka baxsan oo aan hadda u sameynay ma jiraan.

Raadiyow Ergo: Ma jiraan dhaqaale ay dawladdu u qoondaysay in lagu caawiyo qoysaska xoolo-dhaqatada ah ee ay dhibaatadu soo gaartay si ay xoolahooda ugu iibsadaan calaf?

Siyaad Ibraahim: Wali wax gargaar ah nama soo gaarin, balse waxaa jira qorshe looga soo rarayo calaf xoolaha lagu quudiyo magaalooyinka Doolow Bay iyo Jarati. Waxaa qorshahaas wada xafiis-goboleedka ka hortagga khatarta musiibooyinka oo gacan ka helaya wasaaradda xoolaha.

Raadiyow Ergo: Maxaa idiin qorsheysan haddii ay xaaladdu ka sii darto?

Siyaad Ibraahim: Hadda qorshaheenna waa inaan mushahaarka shaqaalaheenna wax ka dhinno oo aan sidoo kale lacag ka soo uruurinno dadka ganacsatada ah ee deegaanka si aan ugu caawinno qoysaska aadka u liita. Taas ayaa ah xalka kaliya ee hadda noo soo haray maaddaama ay abaartu tahay mid heer qaran ah oo aanay dowlad-goboleedka kaligeed wax ka qaban karin haddii aanay kaalmo kale oo bannaanka nooga imaaneysa aysan jirin.

Previous Post

Bacaad aasay guryaha iyo xarumaha danta guud ee tuulada Kulub, Mudug

Next Post

Taxanaha Gargaarka: Sida ay u dhacdo soo-xulista dadka ka faa’ideyta gargaarka bani’aadannimo

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Gargaarka, Soomaaliya, Wararka, Barakac, Caasimadda, Caasimada, Abaaraha, Roobabka, COVID19, Ayaxa, Dagaalo, Colaad, Bani'aadanimo

Taxanaha Gargaarka: Sida ay u dhacdo soo-xulista dadka ka faa'ideyta gargaarka bani'aadannimo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo