(ERGO) – Taxanaha gargaarka waa xubno koob-kooban oo aan ku eegi doonno xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo howlaha gargaarka ee socda. Waxaan ku casuumi doonnaa mas’uuliyiin ka socda dowladda iyo hay’adaha gargaarka, annaga oo hadba ku soo qaadan doonna mowduucyo cusub oo xaaladaha markaas taagan la xiriira.
Waxaan ugu talagalnay in aan dhegeysteyaasheenna uga haqab-tirno xogta ay u baahan yihiin ee u sahli karta in ay qaataan go’aamo xog-ogaalnimo leh. Su’aalaha ay dadka noogu soo duubaan lambarka gaaban ee 2012 ayaan sidoo kale jawaabo ugu raadin doonnaa taxanahan.
Qeybtan oo aan ku falanqeyneyno sida ay u dhacdo soo-xulista dadka ka faa’ideyta gargaarka bani’aadannimo ee ay bixiyaan hay’adaha, waxaa igala qeyb galaya Axmed Xasan oo ka mid ah howl-wadeennada hay’adda APCO ee ka shaqeysa arrimaha gargaarka.
Axmed oo Muqdisho jooga wuxuu online-ka ugu warramay Cabdiraxmaan Taysiir.
Halkan ka dhegeyso xubinta oo dhameystiran.











