Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Taageero soo-kabato oo la siiyay qoysaskii qasabka looga soo raray Laascaanood

Radio Ergo by Radio Ergo
November 10, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Somali news, Latest Somali news, Somali news live

Xasan Ibraahim oo ag-taagan bajaajta celiska ah ee uu ku iibsaday lacagta loogu deeqay/Shukri Ismaaciil/Ergo

2
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Ibraahim Cali, oo ah aabbaha toddobbo carruur ah, wuxuu ku faraxsan yahay inuu noloshiisa dib ugu billaabo gobolkii uu ku dhashay ee Bay. Wuxuu wasaaradda qorsheynta ee dowladda Koonfur-galbeed ka helay $3,000 oo laga soo uruuriyay shirkadaha gobolka ka ganacsada si loogu gargaaro qoysaskii laga soo barakiciyay magaalada Lascaanood bishii Oktoobar.

Wuxuu $2,250 ku iibsaday bajaaj celis ah halka $1,000 uu dhul ugu iibiyay qoyskiisa, kaasi oo uu hadda guri uga dhisayo. Lacagta la siiyay wuxuu ku darsaday dhigaal uu telefoonka ku sii haystay.

Qoyskiisu wuxuu hadda la nool yahay qoys ay qaraabo yihiin oo deegaan ku ah Baydhabo.

Lacagta deeqda ah ayaa loo qeybiyay 224 qoys oo ah kuwii ugu liitay.

“Hadda weli ma shaqo billaabin maadaama aan dhismaha guriga kormeere ka ahay. Nolosheennu way iska fiican tahay, reeraheennii ayaan u nimid oo waan iska barwaaqeysannahay hadda,” ayuu yiri Xasan oo intaa ku daray inuu rajeynayo in dhismaha gurigiisa uu dhamaado maalmaha soo socda.

Xasan oo 36 jir ah ayaa ku dhashay duuleedka Baydhabo.

Qoyskiisa ayaa ku noolaa dhul ay dad qaraabo ah leeyihiin ka hor inta uusan u guurin Laascaanood. Wuxuu nolosha reerkiisa ka maareyn jiray shaqo xamaali ah oo uu ka soo qaban jiray beeraha deegaanka. Wuxuu Laascaanood u guuray sanadkii 2003 kaddib markii ay abaar ku dhufatay deegaanka, beerihii uu ka shaqeyn jirayna ay saameysay.

Shan ka tirsan carruurtiisa ayaa ku dhalatay magaalada Laascaanood oo markii dambe si khasab ah looga soo saaray qoyskiisa. Wuxuu sheegay in loo diiday inay soo qaataan alaabtooda.

“Aabbahey beer faloow ayuu ii soo tababaray, haddana markii aan tagay Laascaanood waxaan la qabsaday bajaaj. Haddana suuqii sidaan ula qabsan lahaa inaan fahmaan rabaa,” ayuu yiri.

Qoysaska la soo barakiciyay ayaa deggenaa xero barakac ah oo uu maamulka si ku meel gaar ah u dajiyay markii ay soo gaareen Baydhabo.

Laakiin, Xasan ayaa xerada ka guuray markii uu helay lacagta gargaarka ah.

Intii uu Laascaanood joogay wuxuu toddobadii sano ee ugu horreysay ku maareyn jiray nolosha qoyskiisa shaqo xamaali ah oo uu guryaha la dhisayo ka qaban jiray. Lacag uu meel ka dhigtay mushaarkiisa ayuu ku soo iibsaday bajaaj, taasi oo uu ku shaqeysanayay muddo 11 sano ah. Wuxuu hadda rajeynayaa inuu reerkiisa ku biilo bajaajta-celiska ah ee uu soo iibsaday.

Dhanka kale, Nuurto Xuseen Aadan, oo ah hooyada shan carruur ah ayaa lacag $2,000 oo ay heshay $500 ku furatay dukaan ay ku iibineyso khudaar iyo raashin. Waxay sidoo kale markii ugu horreysay iibsatay dhul ku yaalla xaafadda Boonkay ee Baydhabo. Dhulka ayay ku iibsatay lacagtii u soo hartay. Waxay ku dhisatay daash ku meel gaar ah oo ay carruurta ka galaan cadceedda maalintii iyo qabowga habeenkii inta ay sii qorsheyneyso dhismaha guriga oo aysan hadda lacag u hayn.

Waxay xustay in seygeeda oo hadda shaqo-raadis ah ay ku rajo weyn tahay inay isla dhisaan guriga, marka uu shaqo helo.

“Aad baan ugu faraxsanahay inta soo bixisayna waxaan leeyahay beddel kheyr qaba Ilaahey ha idiin siiyo. Waxaad arkeysid ayaan ku billaabay. Yaanyo, sonkor, bariis, moos, raashin waad arkeysaa,” ayay tiri.

Qoyska Nuurto ayaa 2011-kii ka barakacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, kaddib markii go’doon ay magaalada galisay kooxda Al-Shabaab uu sababay in maciishaddu ay qaali noqoto. Waxay xustay in aysan Laascaanood ku laheyn wax ganacsi ah, balse ay ku tiirsanaayeen shaqo uu qaban jiray seygeeda oo ahaa taksiile ku shaqeeya gaari uusan laheyn.

Nuurto oo ah 34 jir ayaa sheegtay in dhamaan carruurteeda ay ku dhasheen Laascaanood.

Agaasimaha wasaaradda qorsheynta Isxaaq Maxamuud Mursal ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ujeedkooda uu yahay in dadkaan la soo barakiciyay aysan xeryaha ku biirin oo aysan barakac noqon.  Wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaabka lagu xushay qoysaskan, lacagtana loogu kala qoondeeyay.

“Waxaan qaabilnay dadkii xerada ku jiray, iyadoo loo kala qaadayo afar koox. Kooxda koowaad qof kaligiis ah, qoys labo ilaa afar ka kooban, qoys shan ilaa sagaal ka kooban, qoys toban iyo wixii ka badan ah. Marka qoyska hal qof ah waxaa la siiyay $1,600, qoyska labo ilaa afarta ah waxaa la siiyay $2,140, qoyska shan ilaa 9 ah waxaa la siiyay $3,000 halka qoyska ka badan toban qofna la siiyay $3,500.”

Isxaaq Maxamuud ayaa sheegay in guddi ka socda dowladda iyo ganacsatada Koonfur-galbeed oo loo xil-saaray caawinta qoysaskan ay hadda ku howlan yihiin diiwaangelinta qoysas kale oo aan xeryaha ku jirin, balse dulsaar ku ah qaraabadooda oo magaalada deggan.

Wuxuu intaas ku daray in maamul ahaan ay sameynayaan guddi-dowladeed oo Somaliland kala xaajooda soo wareejinta hantidii ay lahaayeen ganacsatada la soo barakiciyay.

Previous Post

Taxanaha Gargaarka: Sida ay u dhacdo soo-xulista dadka ka faa’ideyta gargaarka bani’aadannimo

Next Post

Taxanaha Gargaarka: Xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo noocyada gargaar ee xilligan loo baahan yahay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Gargaarka, Soomaaliya, Wararka, Barakac, Caasimadda, Caasimada, Abaaraha, Roobabka, COVID19, Ayaxa, Dagaalo, Colaad, Bani'aadanimo

Taxanaha Gargaarka: Xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo noocyada gargaar ee xilligan loo baahan yahay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo