Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Raashinka mar kale la dhimay ee xeryaha Dhadhaab oo sii adkeeyay xaaladda qaxootiga

Radio Ergo by Radio Ergo
October 15, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Refugees in Dadaab are cooking one meal a day as food aid is cut

Qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab ayaa hal waqti dabka shidanaya maaddaama raashinka gargaarka ah la dhimay mar kale/Axmed Cabdullaahi Jaamac/Ergo

4
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cadar Sugow Cabdi oo ku nool xerada qaxootiga Xagardheer ee Waqooyi-bari Kenya waxay ka welwelsan tahay sida qoyskeeda oo ka kooban siddeed qof ay ku gaarsiin lahayd qoondo ay ka heshay xarunta raashin-qeybinta. Raashinka oo ka kooban 50 kiilo oo bariis ah, 10 kiilo oo digir ah iyo 12 kiilo oo saliid ah ayaa ah qoondadii ugu yareyd ee ay soo qaadato muddo 12 sano ah oo ay ku nooleyd xerada. Waxaa raashinka gargaarka ah la bixiyaa labadii bilba mar.

Xerada Dhadhaab oo la filayo in la xiro bisha lixaad ee sanadka soo socda ee 2022 ayaa hay’adihii ka shaqeynayay waxaa soo food saaray hoos-u-dhac dhanka maalgelinta ah, taas oo saameyn weyn ku yeelatay 200,000 oo qof oo qaxooti Soomaali ah oo ku nool xerada.

“Raashinka aan hadda soo qaatay wax yar buu i gaarsiinayaa, waayo qado, quraac iyo casho ayaa na laga rabaa,” ayay tiri Cadar.

“Gabar aan dhalay oo curyaan ah baa igu xiriirta, soddohday oo waayeel ah ayaa sidoo kale ila joogta, ilmo ayaa iskuul ii aada, ilmihii haddii ay iskuul ka yimaadaan qado ayay rabaan, quraac bay rabaan, casho ayay rabaan maba igu filna.”

Qoyska Cadar waxay Dhadhaab yimaadeen sanadkii 2011-ka, waqtigaas oo ay Kismaayo uga soo qaxeen abaar.

Qoyskaan ayaan haysan il-dhaqaale, waxayna noloshooda ku tiirsaneyd raashinka gargaarka ah ee ay ka helaan Hay’adda Cunnadda Adduunka (WFP). Hay’adda ayaa bishii September ee sanadkaan ku dhawaaqday in cunnada gargaarka ah ee ay siiso 440,000 oo qaxooti ah oo ku nool dalka Kenya ay ka dhimeyso boqokiiba 48.

Waxay sheegtay Cadar in xaaladdaan raashin-yarida ah ay uga sii dareyso nolosha qoyskeeda oo markii horeba ay saameeyeen duruufaha ka dhashay xanuunka Koofid-19 oo hoos u dhigay shaqooyinkii muruqmaalka ahaa ee laga qaban jiray xeryaha dhexdooda kaddib markii uu yaraaday ganacsiga.

“Waagii hore inta uu Karoonaha imaanin qadadooda, quraacdooda iyo cashadooda bay cuni jireen, aabbuhuna xamaal buu noo aadi jiray oo wax fiican buu noo soo heli jiray. Hadda Koroonihii intuu dhacay dhaqaalihii waa la waayay,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in lagu leeyahay dayn 10,000 oo lacag Kenya ah ($100), taasi oo ay ku soo deynsatay cunto. Lacagta deynta ah ayay sheegtay inay ka hor istaagtay in deyn kale ay dukaanka ka hesho. Waxay hadda dabka shitaan labo waqti maalinkii.

Cadar waxaa raashinka u wehelisay lacag caddaan ah oo qofkiiba la siinayo 600 oo lacagta Kenya ah ($2). Waxaa qoyskeeda oo ka kooban siddeed qof wadar ahaan loo siiyay 4,800 shillin ($50).

Suldaano Ibraahim Cabdulle oo ah hooyada afar carruur ah oo ay aabbahood kala tageen ayaa sheegtay inay ka naxday raashinka la dhimay. Haweeneydaan ayaa markii horeba la daalaa-dhaceysay quudinta carruurteeda. Kaarka ay cuntada ku qaadato ayaa ku diiwaangashan iyada iyo afarteeda carruurta oo keliya, balse waxaa dulsaar ku ah afar qof oo ay qaraabo yihiin, kuwaas oo aan qaxooti ahaan u diwaan-gashaneyn.

“Markii hore raashinka soddon beri buu ku filnaa markaan karsanno qado keliya, oo aan quraac iyo casho ku jirin. Hadda oo rashinkii uu yaraaday aad baan uga naxsanahay, waa arrin naxdin leh oo laga naxo. Raashinka aan hadda soo qaadannay nama gaarsiin doono labo bilood,” ayay tiri.

Suldaano waxay ka soo qaxday magaalada Muqdisho sanadkii 2011-ka. Waxay tan iyo markaas ku noolayd xerada Xagardheer. Afarta qof ee dulsaarka ku ah ayaan helin diiwaangelin qaxootinnimo, maaddaama afartii sano ee u dambeysay aan xeryaha laga qaabilin qaxooti cusub.

“Digirta waxaan sameyn jiray intaan dallaco oo cusbo yar iyo saliid aan ku daro ayaan baastada ugu dari jiray, marna canjeelada ayaan ugu dari jiray, marna bariiska qaxootiga nalaga siiyo ayaan ku cuni jirnay. Digirtii hadda way yaraatay, kaarkii dhamaa ee shanlaha ahaa lix kiilo ayuu leeyahay, lix kiilo ah oo digir ahna iiguma filna dallac,” ayuu tiri.

Haya’adda WFP ayaa ka codsatay deeq-bixiyeyaasha $40.4 milyan si ay u sii waddo taageeridda qaxootiga ku sugan Kenya. Hay’adda ayaa ka digtay in laga yaabo inay ku qasbanaato inay joojiso gargaarka ay siiso qaxootiga ku nool Kenya, dhammaadka sannadkaan.

Previous Post

Nin cod-baahiye ogeysiisyada iyo baafinnada ku gaarsiiya dadka Luuq

Next Post

Qoysas ku barakacay Beledweyne oo laga caawiyay inay dhistaan guryo cariish ah

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Houses in Somalia

Qoysas ku barakacay Beledweyne oo laga caawiyay inay dhistaan guryo cariish ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo