(ERGO) – Cadar Sugow Cabdi oo ku nool xerada qaxootiga Xagardheer ee Waqooyi-bari Kenya waxay ka welwelsan tahay sida qoyskeeda oo ka kooban siddeed qof ay ku gaarsiin lahayd qoondo ay ka heshay xarunta raashin-qeybinta. Raashinka oo ka kooban 50 kiilo oo bariis ah, 10 kiilo oo digir ah iyo 12 kiilo oo saliid ah ayaa ah qoondadii ugu yareyd ee ay soo qaadato muddo 12 sano ah oo ay ku nooleyd xerada. Waxaa raashinka gargaarka ah la bixiyaa labadii bilba mar.
Xerada Dhadhaab oo la filayo in la xiro bisha lixaad ee sanadka soo socda ee 2022 ayaa hay’adihii ka shaqeynayay waxaa soo food saaray hoos-u-dhac dhanka maalgelinta ah, taas oo saameyn weyn ku yeelatay 200,000 oo qof oo qaxooti Soomaali ah oo ku nool xerada.
“Raashinka aan hadda soo qaatay wax yar buu i gaarsiinayaa, waayo qado, quraac iyo casho ayaa na laga rabaa,” ayay tiri Cadar.
“Gabar aan dhalay oo curyaan ah baa igu xiriirta, soddohday oo waayeel ah ayaa sidoo kale ila joogta, ilmo ayaa iskuul ii aada, ilmihii haddii ay iskuul ka yimaadaan qado ayay rabaan, quraac bay rabaan, casho ayay rabaan maba igu filna.”
Qoyska Cadar waxay Dhadhaab yimaadeen sanadkii 2011-ka, waqtigaas oo ay Kismaayo uga soo qaxeen abaar.
Qoyskaan ayaan haysan il-dhaqaale, waxayna noloshooda ku tiirsaneyd raashinka gargaarka ah ee ay ka helaan Hay’adda Cunnadda Adduunka (WFP). Hay’adda ayaa bishii September ee sanadkaan ku dhawaaqday in cunnada gargaarka ah ee ay siiso 440,000 oo qaxooti ah oo ku nool dalka Kenya ay ka dhimeyso boqokiiba 48.
Waxay sheegtay Cadar in xaaladdaan raashin-yarida ah ay uga sii dareyso nolosha qoyskeeda oo markii horeba ay saameeyeen duruufaha ka dhashay xanuunka Koofid-19 oo hoos u dhigay shaqooyinkii muruqmaalka ahaa ee laga qaban jiray xeryaha dhexdooda kaddib markii uu yaraaday ganacsiga.
“Waagii hore inta uu Karoonaha imaanin qadadooda, quraacdooda iyo cashadooda bay cuni jireen, aabbuhuna xamaal buu noo aadi jiray oo wax fiican buu noo soo heli jiray. Hadda Koroonihii intuu dhacay dhaqaalihii waa la waayay,” ayay tiri.
Waxay sheegtay in lagu leeyahay dayn 10,000 oo lacag Kenya ah ($100), taasi oo ay ku soo deynsatay cunto. Lacagta deynta ah ayay sheegtay inay ka hor istaagtay in deyn kale ay dukaanka ka hesho. Waxay hadda dabka shitaan labo waqti maalinkii.
Cadar waxaa raashinka u wehelisay lacag caddaan ah oo qofkiiba la siinayo 600 oo lacagta Kenya ah ($2). Waxaa qoyskeeda oo ka kooban siddeed qof wadar ahaan loo siiyay 4,800 shillin ($50).
Suldaano Ibraahim Cabdulle oo ah hooyada afar carruur ah oo ay aabbahood kala tageen ayaa sheegtay inay ka naxday raashinka la dhimay. Haweeneydaan ayaa markii horeba la daalaa-dhaceysay quudinta carruurteeda. Kaarka ay cuntada ku qaadato ayaa ku diiwaangashan iyada iyo afarteeda carruurta oo keliya, balse waxaa dulsaar ku ah afar qof oo ay qaraabo yihiin, kuwaas oo aan qaxooti ahaan u diwaan-gashaneyn.
“Markii hore raashinka soddon beri buu ku filnaa markaan karsanno qado keliya, oo aan quraac iyo casho ku jirin. Hadda oo rashinkii uu yaraaday aad baan uga naxsanahay, waa arrin naxdin leh oo laga naxo. Raashinka aan hadda soo qaadannay nama gaarsiin doono labo bilood,” ayay tiri.
Suldaano waxay ka soo qaxday magaalada Muqdisho sanadkii 2011-ka. Waxay tan iyo markaas ku noolayd xerada Xagardheer. Afarta qof ee dulsaarka ku ah ayaan helin diiwaangelin qaxootinnimo, maaddaama afartii sano ee u dambeysay aan xeryaha laga qaabilin qaxooti cusub.
“Digirta waxaan sameyn jiray intaan dallaco oo cusbo yar iyo saliid aan ku daro ayaan baastada ugu dari jiray, marna canjeelada ayaan ugu dari jiray, marna bariiska qaxootiga nalaga siiyo ayaan ku cuni jirnay. Digirtii hadda way yaraatay, kaarkii dhamaa ee shanlaha ahaa lix kiilo ayuu leeyahay, lix kiilo ah oo digir ahna iiguma filna dallac,” ayuu tiri.
Haya’adda WFP ayaa ka codsatay deeq-bixiyeyaasha $40.4 milyan si ay u sii waddo taageeridda qaxootiga ku sugan Kenya. Hay’adda ayaa ka digtay in laga yaabo inay ku qasbanaato inay joojiso gargaarka ay siiso qaxootiga ku nool Kenya, dhammaadka sannadkaan.