Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nin cod-baahiye ogeysiisyada iyo baafinnada ku gaarsiiya dadka Luuq

Radio Ergo by Radio Ergo
October 14, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Mogadishu Somali news

Cumar Caydiid Cawil wuxuu baafinta iyo ogeysiisyada gaarsiinayay dadka Luuq muddo 30 sano ah/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

12
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Muuqa iyo codka Cumar Caydiid Cawil oo ah 55 jir waa mid si fiican looga yaqaanno magaalada Luuq ee gobolka Gedo. Wuxuu suuqyada magaalada la dhex maraa cod-baahiye uu gacanta ku qaato, wuxuuna si lacag la’aan ah u baafiyaa dadka iyo alaabaha lumay. Magaalada Luuq ayaan lahayn warbaahin maxalli ah.

“Waxaan ogeysiiyaa dadka deegaanka marka ay dhaqaatiir cusub soo booqdaan magaalada si ay dadka xanuunsan ugu sameeyaan indho-fiiqid iyo qalitaannada oo kale. Sidoo kale waxaan dadka ka wacyigeliyaa xanuunka COVID19 iyo cudurka dabeysha,” ayuu yiri.

Cumar ayaa billaabay howsha baafinta lacag-la’aanta ah soddon sano ka hor, markii uu arkay baahida ay dadka magaalada u qabaan warbaahin ka caawisa baafinta. Wuxuu jeebkiisa ka soo iibsaday makaroofanka gacanta ee uu hadda u isticmaalo baafinta. Dadka deegaanka ayaa u yaqaanna ‘Cumar-raadiyaha-wareega’.

“Dadka badankood lambarkeyga ayay haystaan oo way i soo wacaan marka ay u baahan yihiin inaan caawiyo. Jeebkeyga ayaan ka kireystaa tuk-tuk oo waxaan bixiyaa $3 si aan ugu soo wareego magaaladaan ballaaran…Wax lacag ah ma weydiisto qofka,” ayuu yiri.

“Markii aan billaabayay howshaan baafinta, baabuur ma jirin, waxaan raaci jiray gaari dameerrada. Balse hadda tuk-tuk ayaa dhooban meel walbo. Haddii ay jiraan wax hay’ad ah oo igu caawin kara mootada dadka naafada ah waan u baahnaan lahaa. Sidoo kale cod-baahiye kan ka xoog badan haddii aan heli lahaa waan u baahanahay.”

Cumar wuxuu sanadkii 1988-dii lugta ku beelay shil-gaari isagoo ka soo safraya Somaliland. Wuxuu hadda ku socdaa lug caag ah. Dadka uu wax u baafiyo ayaa mararka qaar u garta lacag yar, taasi oo uu ku biilo qoyskiisa oo aan lahayn il-dhaqaale oo kale. Wuxuu sheegay in inta yar ee uu keeno ay reerkiisa oo toban carruur ah ku tiirsan yihiin.

Dadka uu Cumar ka caawiyay baafinta waxaa ka mid ah Shiine Isxaaq Ibraahim oo ay ka luntay $200 xilli uu u degdegayay masaajidka. Cumar ayaa bulshada la dhex maray baafin wuxuuna la wadaagay lambarka Shiine.

Wuxuu sheegay Shiine in qof uu soo wacay una sheegay in lacagtiisa uu u yimaado. Bishii Luulyo ee sanadkaan wuxuu sidoo kale ka caawiyay Shiine raadinta labo ka tirsan gabdhihiisa oo ka maqnaa labo habeen.

“Ninka wuu mudan yahay in la caawiyo waayo waa qof dadaala oo dadka si lacag-la’aan ah ugu shaqeeyo. Dad badan oo ku nool Luuq ayuu u soo helay alaab iyo dad ka lumay,” ayuu yiri Shiine.

Sidoo kale Cumar ayaa ka caawiyay Carab Xasan Cali oo ku nool magaalada Luuq in uu helo wiilkiisa oo iyadoo aanay cidi ka warqabin iska raacay ariga deriska oo la foofinayay.

Cumar ayaa kireystay tuk-tuk wuxuuna la soo dhex maray baafin magaalada Luuq. Wiil yar oo dhanka beeraha ka yimid ayaa tuk-tuk-ta istaajiyay, wuxuuna u sheegay in uu ku soo arkay beeraha wiil tilmaanta la bixiyay leh oo ari la daajinaya labo gabdhood.  Cumar ayaa tagay beerta, dibna gurigooda ugu celiyay wiilkii oo nabad qaba.

“Cumar waa raadiyaheenna, maaddaama aysan magaalada warbaahin lahayn,” ayuu yiri Carab oo la hadlay Raadiyow Ergo.

“Waa ninka keliya ee aan u tagno marka aan wacyigelin u baahanno. Dadka qaar ayaa soo waca xitaa si ay u waydiiyaan goorta ay dhaqaatiirta cusub imaanayaan,” ayuu yiri.

Cumar wuxuu mar kasta xogta ka helaa isbitaallada iyo dadka u baahan in ay wararka la wadaagaan dadweynaha.

Previous Post

Cunno-yari ka jirta deegaanka Af-urur oo ay saameeyeen daadad ka dhashay roobka

Next Post

Raashinka mar kale la dhimay ee xeryaha Dhadhaab oo sii adkeeyay xaaladda qaxootiga

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Refugees in Dadaab are cooking one meal a day as food aid is cut

Raashinka mar kale la dhimay ee xeryaha Dhadhaab oo sii adkeeyay xaaladda qaxootiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo