(ERGO) – Muuqa iyo codka Cumar Caydiid Cawil oo ah 55 jir waa mid si fiican looga yaqaanno magaalada Luuq ee gobolka Gedo. Wuxuu suuqyada magaalada la dhex maraa cod-baahiye uu gacanta ku qaato, wuxuuna si lacag la’aan ah u baafiyaa dadka iyo alaabaha lumay. Magaalada Luuq ayaan lahayn warbaahin maxalli ah.
“Waxaan ogeysiiyaa dadka deegaanka marka ay dhaqaatiir cusub soo booqdaan magaalada si ay dadka xanuunsan ugu sameeyaan indho-fiiqid iyo qalitaannada oo kale. Sidoo kale waxaan dadka ka wacyigeliyaa xanuunka COVID19 iyo cudurka dabeysha,” ayuu yiri.
Cumar ayaa billaabay howsha baafinta lacag-la’aanta ah soddon sano ka hor, markii uu arkay baahida ay dadka magaalada u qabaan warbaahin ka caawisa baafinta. Wuxuu jeebkiisa ka soo iibsaday makaroofanka gacanta ee uu hadda u isticmaalo baafinta. Dadka deegaanka ayaa u yaqaanna ‘Cumar-raadiyaha-wareega’.
“Dadka badankood lambarkeyga ayay haystaan oo way i soo wacaan marka ay u baahan yihiin inaan caawiyo. Jeebkeyga ayaan ka kireystaa tuk-tuk oo waxaan bixiyaa $3 si aan ugu soo wareego magaaladaan ballaaran…Wax lacag ah ma weydiisto qofka,” ayuu yiri.
“Markii aan billaabayay howshaan baafinta, baabuur ma jirin, waxaan raaci jiray gaari dameerrada. Balse hadda tuk-tuk ayaa dhooban meel walbo. Haddii ay jiraan wax hay’ad ah oo igu caawin kara mootada dadka naafada ah waan u baahnaan lahaa. Sidoo kale cod-baahiye kan ka xoog badan haddii aan heli lahaa waan u baahanahay.”
Cumar wuxuu sanadkii 1988-dii lugta ku beelay shil-gaari isagoo ka soo safraya Somaliland. Wuxuu hadda ku socdaa lug caag ah. Dadka uu wax u baafiyo ayaa mararka qaar u garta lacag yar, taasi oo uu ku biilo qoyskiisa oo aan lahayn il-dhaqaale oo kale. Wuxuu sheegay in inta yar ee uu keeno ay reerkiisa oo toban carruur ah ku tiirsan yihiin.
Dadka uu Cumar ka caawiyay baafinta waxaa ka mid ah Shiine Isxaaq Ibraahim oo ay ka luntay $200 xilli uu u degdegayay masaajidka. Cumar ayaa bulshada la dhex maray baafin wuxuuna la wadaagay lambarka Shiine.
Wuxuu sheegay Shiine in qof uu soo wacay una sheegay in lacagtiisa uu u yimaado. Bishii Luulyo ee sanadkaan wuxuu sidoo kale ka caawiyay Shiine raadinta labo ka tirsan gabdhihiisa oo ka maqnaa labo habeen.
“Ninka wuu mudan yahay in la caawiyo waayo waa qof dadaala oo dadka si lacag-la’aan ah ugu shaqeeyo. Dad badan oo ku nool Luuq ayuu u soo helay alaab iyo dad ka lumay,” ayuu yiri Shiine.
Sidoo kale Cumar ayaa ka caawiyay Carab Xasan Cali oo ku nool magaalada Luuq in uu helo wiilkiisa oo iyadoo aanay cidi ka warqabin iska raacay ariga deriska oo la foofinayay.
Cumar ayaa kireystay tuk-tuk wuxuuna la soo dhex maray baafin magaalada Luuq. Wiil yar oo dhanka beeraha ka yimid ayaa tuk-tuk-ta istaajiyay, wuxuuna u sheegay in uu ku soo arkay beeraha wiil tilmaanta la bixiyay leh oo ari la daajinaya labo gabdhood. Cumar ayaa tagay beerta, dibna gurigooda ugu celiyay wiilkii oo nabad qaba.
“Cumar waa raadiyaheenna, maaddaama aysan magaalada warbaahin lahayn,” ayuu yiri Carab oo la hadlay Raadiyow Ergo.
“Waa ninka keliya ee aan u tagno marka aan wacyigelin u baahanno. Dadka qaar ayaa soo waca xitaa si ay u waydiiyaan goorta ay dhaqaatiirta cusub imaanayaan,” ayuu yiri.
Cumar wuxuu mar kasta xogta ka helaa isbitaallada iyo dadka u baahan in ay wararka la wadaagaan dadweynaha.