Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cunno-yari ka jirta deegaanka Af-urur oo ay saameeyeen daadad ka dhashay roobka

Radio Ergo by Radio Ergo
October 14, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somali news

Xaafad kamid ah xaafadaha Beledweyne oo ay biyaha fatahaadda dhex fadhiyaan/Kaydka Sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sare-u-kac xooggan ayaa ku yimid raashinka lagu iibiyo deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, kaddib markii roob mahiigaan ah oo ka da’ay deegaankaas labo toddobaad ka hor uu xiray waddoyinka soo gala.

Daahir Cali Cabdi oo dukaan ku lahaa deegaanka ayaa sheegay in roobka uu ka khasaariyay alaab iyo raashiin uu ku qiyaasay $1,500.

“Ninkii ganacsi haystay oo wax iibsanayay wixiisii way qaaliyoobeen, waxna way qoyeen. Meeshii ay wax ka imaanayeen waddadii way go’day. Noloshu xaaladdeedu caadi si aan ahayn bay u adkaatay oo meeshii ugu darnayd bay gaadhay. Dadkii dulsaar ayay ku nool yihiin iyo qaylo-dhaan dad qaraabo ah wax soo tuuraaniin,” ayuu yiri.

Hoyga uu deggen yahay oo kiro ah wuxuu ka kooban yahay afar qol. Mid ka mid ah qolalka iyo dayrka guriga waxaa dumiyay roobka. Wuxuu hadda ka cabsi qabaa in guriga laga saaro isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban siddeed carruur ah, maaddaama uusan awoodin inuu iska bixiyo kirada oo $50 ah.

Roobka oo 24-tii September ka da’ay deegaanka Af-urur, oo 70 km u jira Boosaaso, ayaa burburiyay 150 guri, isla markaana barakiciyay ku dhowaad labo boqol oo qoys oo ka tirsan 600 boqol qoys oo ku noolaa deegaanka.

Kiilada bariiska ah oo markii hore la iibinayay $1 waxay gaartay $4.

Saytuun Ismaaciil, oo ah hooyada toddobbo carruur ah oo ay aabbahooda kala tageen, waxay roobka ku weyday gurigeeda iyo ganaacsigeeda. Waxay iyada iyo carruurteeda seexdaan deyrka reerka ay dulsaarka ku yihiin.

Waxay sheegtay in dadka ay la joogaan oo hal mar maalintii dabka shita ay la wadaagaan cunnada.

“Wixii qutul-yoom la cuni jiray oo dhan baa qaaliyoobay. Dadka xitaa annagu haddeer aan dulsaarka ku nahay macnaha waxyeello u dhiman mooyaane in aysan waxba nagu dhaamin. Dadka nin walba waa iska baagamuundo, meelna looma kaco shaqaba ma jirto,” ayay tiri.

Haweeneyda ayaa nolol-maalmeedka carruurrteeda oo toddobbo ah ka helaysay nacfiga 30 neef oo ari ah oo uu roobku dhaafiyay. Sidoo kale roobka ayaa ka dumiyay meel ay ku iibin jirtay shaah iyo bagaash.

Guddoomiyaha Af-urur Jaamac Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka deegaanka badankood ay ku tiirsanaayeen shaqooyinka xoogsiga ah sida gurashada xabagta xijiga iyo beeyada, kuwaas oo uu hakad ku yimid tan iyo markii uu roobabku da’ay.

“Dadka badankooda xijiga ayay reerka ku biili jireen, beeyo ayay ahayd, way qoyday. Hadda looma dareerin [oo] intii roobka lama tagin, wax hay’ad ah oo u yimid ma jiraan,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa ka digay in go’doonka waddo la’aanta ah ee deegaanka uu ka sii dari karo haddii raashinka hadda la iibiyo oo gabaabsi ah uu meesha ka baxo.

Wuxuu xusay inay la hadleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo ay ka codsadeen in raashiin loo soo diro deegaanka, inkastoo aysan ogayn waqtiga uu soo gaari doono.

Qoysaskii u barakacay daafaha deegaanka xilligii uu roobka da’ayay ayaa dib ugu soo laabtay deegaanka. Waxay hadda dulsaar ku yihiin qoysaska uusan guryahooda roobka saameyn.

Previous Post

Biyo-yarida ceelasha degmada go’doonsan ee Xudur oo saameeyay dadka deegaanka iyo xoolo-dhaqatada

Next Post

Nin cod-baahiye ogeysiisyada iyo baafinnada ku gaarsiiya dadka Luuq

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Mogadishu Somali news

Nin cod-baahiye ogeysiisyada iyo baafinnada ku gaarsiiya dadka Luuq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo