(ERGO) – Sare-u-kac xooggan ayaa ku yimid raashinka lagu iibiyo deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, kaddib markii roob mahiigaan ah oo ka da’ay deegaankaas labo toddobaad ka hor uu xiray waddoyinka soo gala.
Daahir Cali Cabdi oo dukaan ku lahaa deegaanka ayaa sheegay in roobka uu ka khasaariyay alaab iyo raashiin uu ku qiyaasay $1,500.
“Ninkii ganacsi haystay oo wax iibsanayay wixiisii way qaaliyoobeen, waxna way qoyeen. Meeshii ay wax ka imaanayeen waddadii way go’day. Noloshu xaaladdeedu caadi si aan ahayn bay u adkaatay oo meeshii ugu darnayd bay gaadhay. Dadkii dulsaar ayay ku nool yihiin iyo qaylo-dhaan dad qaraabo ah wax soo tuuraaniin,” ayuu yiri.
Hoyga uu deggen yahay oo kiro ah wuxuu ka kooban yahay afar qol. Mid ka mid ah qolalka iyo dayrka guriga waxaa dumiyay roobka. Wuxuu hadda ka cabsi qabaa in guriga laga saaro isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban siddeed carruur ah, maaddaama uusan awoodin inuu iska bixiyo kirada oo $50 ah.
Roobka oo 24-tii September ka da’ay deegaanka Af-urur, oo 70 km u jira Boosaaso, ayaa burburiyay 150 guri, isla markaana barakiciyay ku dhowaad labo boqol oo qoys oo ka tirsan 600 boqol qoys oo ku noolaa deegaanka.
Kiilada bariiska ah oo markii hore la iibinayay $1 waxay gaartay $4.
Saytuun Ismaaciil, oo ah hooyada toddobbo carruur ah oo ay aabbahooda kala tageen, waxay roobka ku weyday gurigeeda iyo ganaacsigeeda. Waxay iyada iyo carruurteeda seexdaan deyrka reerka ay dulsaarka ku yihiin.
Waxay sheegtay in dadka ay la joogaan oo hal mar maalintii dabka shita ay la wadaagaan cunnada.
“Wixii qutul-yoom la cuni jiray oo dhan baa qaaliyoobay. Dadka xitaa annagu haddeer aan dulsaarka ku nahay macnaha waxyeello u dhiman mooyaane in aysan waxba nagu dhaamin. Dadka nin walba waa iska baagamuundo, meelna looma kaco shaqaba ma jirto,” ayay tiri.
Haweeneyda ayaa nolol-maalmeedka carruurrteeda oo toddobbo ah ka helaysay nacfiga 30 neef oo ari ah oo uu roobku dhaafiyay. Sidoo kale roobka ayaa ka dumiyay meel ay ku iibin jirtay shaah iyo bagaash.
Guddoomiyaha Af-urur Jaamac Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka deegaanka badankood ay ku tiirsanaayeen shaqooyinka xoogsiga ah sida gurashada xabagta xijiga iyo beeyada, kuwaas oo uu hakad ku yimid tan iyo markii uu roobabku da’ay.
“Dadka badankooda xijiga ayay reerka ku biili jireen, beeyo ayay ahayd, way qoyday. Hadda looma dareerin [oo] intii roobka lama tagin, wax hay’ad ah oo u yimid ma jiraan,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha ayaa ka digay in go’doonka waddo la’aanta ah ee deegaanka uu ka sii dari karo haddii raashinka hadda la iibiyo oo gabaabsi ah uu meesha ka baxo.
Wuxuu xusay inay la hadleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo ay ka codsadeen in raashiin loo soo diro deegaanka, inkastoo aysan ogayn waqtiga uu soo gaari doono.
Qoysaskii u barakacay daafaha deegaanka xilligii uu roobka da’ayay ayaa dib ugu soo laabtay deegaanka. Waxay hadda dulsaar ku yihiin qoysaska uusan guryahooda roobka saameyn.