Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Biyo-yarida ceelasha degmada go’doonsan ee Xudur oo saameeyay dadka deegaanka iyo xoolo-dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
October 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo yari

Keydka sawirrada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –Nuur Cabdullaahi Maxamed oo ah biyoole, wuxuu labadii isbuuc ee u dambeysay kula dhex wareegayaa fuusto eber ah magaalada Xudur ee gobolka Bakool, oo ay ka jirto biyo yari.

“Ceelasha biyo ma lahan, dhowr saac ayaan halkaan taaganahay, biyo weli ma dhaansan,” ayuu yiri Nuur asagoo ku sugan Ceel-afweyne oo ku yaalla tuulada Buulow.

“Aniga biyaha ayaa ka ganacsan jiray, siddeed sano ayaan gaarigaan wadaa, tan oo kale hore uma arag,” ayuu yiri.

Dadka ku nool deegaanka oo ay ku jiraan xoolo-dhaqatada ayaa ceelka saf u gala habeen iyo maalin si ay biyo u helaan, maaddaama uu yahay ceelka keliya ee aan wali qallalin. Ceelkaan oo la isugu yimid ayaa sii biyo-yareynaya.

Nuur ayaa sheegay inuu hadda biyaha dhaamiyo ilaa 11 pm habeennimo. Wuxuu sheegay in fuustadii biyo ah uu hadda iibiyo 80,000 oo shillin ilaa 100,000 oo shillin Soomaali ah. Ka hor inta aysan biyo-yaridaan dhicin wuxuu fuustada iibin jiray 30,000 oo shillin.

“Biyo-yarida noloshayda aad ayay saameyn ugu yeelatay. Dadkii aan biyaha u geyn jiray ayaa biyo iga sugaya wax aan u geeyana ma hayo. Biyaha yar ee ceelka ku haray wasaq ayay isku beddelayaan,” ayuu yiri.

Faadumo Cali Xuseen oo ah hooyada shan carruur ah, waxay horay u iibsan jirtay fuusto biyo ah (200 oo liitar). Balse waxay hadda maalinkii ku mooddaa labo labaatanle (40 liitar) oo biyo ah oo ay si baryo ah uga iibsato biyooleyaasha.

Biyooleyaashu waxay mudnaanta koowaad siiyaan rukunkooda marka ay u suurtagasho inay fuustada ka soo buuxsadaan ceelka.

Faadumo ayaa mararka qaar u kallahda ceelka si ay uga soo aroorato labaatanle biyo ah. Waxay ceelka ka soo laabataa duhurkii, inkastoo ay sheegtay in biyaha ay soo aroorato aysan ku filnayn reerka.

“Feylka ceelka ka jira aad ayuu u dheer yahay, xaalad adag baa jirta, qofkii arkay ayaa ka sheekeyn kara. Ilaahey roob ha noo keeno,” ayay tiri.

Degmada Xudur ayaa go’doon ku jirta muddo sanado ah kaddib markii ay Al-Shabaab ay xirtay waddooyinka gala ama ka baxa. Dadka ku nool degmada ayaa gaari-dameerrada si qarsoodi ah ugu soo geliya cunnooyinka iyo alaabta iyagoo isticmaalaya jidad wareegad ah.

Xaaji Xasan Isaaq oo ah xoolo-dhaqato ku nool degmada wuxuu ka mid yahay dadka xoolahooda u soo arooriya Ceel-afweyne ee tuulada Buulow. Wuxuu sheegay in saacado badan uu safka ku jiro. Wuxuu xoolihiisa ka soo arooriyaa tuulada Aboori oo 17 km u jirta Xudur.

Ceelasha iyo waraha ku yaalla tuulada Aboori ayaa dhamaan wada qallalan maaddaama ay saddexdii xilli-roobaad ee la soo dhaafay roobabku yaraayeen. Ceelka tuulada Buulow ayaa laga cabsi qabaa in uu qallalo haddii roobka dayrta oo la filayo inuu da’o dhamaadka bishaan uu waqtigiisa ka soo dib dhaco ama uu di’i waayo, taasi oo saameyn weyn ku yeelan doonta dadka ku nool Xudur.

“Ceelaha biyaha Xudur waa eber. Markii hore ceelasha dhan biyaan ka helaynay, meeshii aan doonno ayaan xoolaha ka so waraabin jirnay. Boqol neef ku dhow ayaa keennaa hadda in aan waraabinno afar saac ayay nagu qaadataa,” ayuu yiri.

Xaaji Xasan waxaa xoolaha la waraabiya labo nin oo kale, kuwaasi oo xoolaha ilaaliya inta uu feylka ku jiro. Tiro xoolo ah oo uusan carrabaabin ayuu xusay inay u dhinteen harraadka.

Tags: HumanitariannewsSomali
Previous Post

Matabaan: Dhallinyaro la heybsooco oo ay xirfad u noqotay cillad-bixinta gaadiidka

Next Post

Cunno-yari ka jirta deegaanka Af-urur oo ay saameeyeen daadad ka dhashay roobka

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Somali news

Cunno-yari ka jirta deegaanka Af-urur oo ay saameeyeen daadad ka dhashay roobka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo