(ERGO) –Nuur Cabdullaahi Maxamed oo ah biyoole, wuxuu labadii isbuuc ee u dambeysay kula dhex wareegayaa fuusto eber ah magaalada Xudur ee gobolka Bakool, oo ay ka jirto biyo yari.
“Ceelasha biyo ma lahan, dhowr saac ayaan halkaan taaganahay, biyo weli ma dhaansan,” ayuu yiri Nuur asagoo ku sugan Ceel-afweyne oo ku yaalla tuulada Buulow.
“Aniga biyaha ayaa ka ganacsan jiray, siddeed sano ayaan gaarigaan wadaa, tan oo kale hore uma arag,” ayuu yiri.
Dadka ku nool deegaanka oo ay ku jiraan xoolo-dhaqatada ayaa ceelka saf u gala habeen iyo maalin si ay biyo u helaan, maaddaama uu yahay ceelka keliya ee aan wali qallalin. Ceelkaan oo la isugu yimid ayaa sii biyo-yareynaya.
Nuur ayaa sheegay inuu hadda biyaha dhaamiyo ilaa 11 pm habeennimo. Wuxuu sheegay in fuustadii biyo ah uu hadda iibiyo 80,000 oo shillin ilaa 100,000 oo shillin Soomaali ah. Ka hor inta aysan biyo-yaridaan dhicin wuxuu fuustada iibin jiray 30,000 oo shillin.
“Biyo-yarida noloshayda aad ayay saameyn ugu yeelatay. Dadkii aan biyaha u geyn jiray ayaa biyo iga sugaya wax aan u geeyana ma hayo. Biyaha yar ee ceelka ku haray wasaq ayay isku beddelayaan,” ayuu yiri.
Faadumo Cali Xuseen oo ah hooyada shan carruur ah, waxay horay u iibsan jirtay fuusto biyo ah (200 oo liitar). Balse waxay hadda maalinkii ku mooddaa labo labaatanle (40 liitar) oo biyo ah oo ay si baryo ah uga iibsato biyooleyaasha.
Biyooleyaashu waxay mudnaanta koowaad siiyaan rukunkooda marka ay u suurtagasho inay fuustada ka soo buuxsadaan ceelka.
Faadumo ayaa mararka qaar u kallahda ceelka si ay uga soo aroorato labaatanle biyo ah. Waxay ceelka ka soo laabataa duhurkii, inkastoo ay sheegtay in biyaha ay soo aroorato aysan ku filnayn reerka.
“Feylka ceelka ka jira aad ayuu u dheer yahay, xaalad adag baa jirta, qofkii arkay ayaa ka sheekeyn kara. Ilaahey roob ha noo keeno,” ayay tiri.
Degmada Xudur ayaa go’doon ku jirta muddo sanado ah kaddib markii ay Al-Shabaab ay xirtay waddooyinka gala ama ka baxa. Dadka ku nool degmada ayaa gaari-dameerrada si qarsoodi ah ugu soo geliya cunnooyinka iyo alaabta iyagoo isticmaalaya jidad wareegad ah.
Xaaji Xasan Isaaq oo ah xoolo-dhaqato ku nool degmada wuxuu ka mid yahay dadka xoolahooda u soo arooriya Ceel-afweyne ee tuulada Buulow. Wuxuu sheegay in saacado badan uu safka ku jiro. Wuxuu xoolihiisa ka soo arooriyaa tuulada Aboori oo 17 km u jirta Xudur.
Ceelasha iyo waraha ku yaalla tuulada Aboori ayaa dhamaan wada qallalan maaddaama ay saddexdii xilli-roobaad ee la soo dhaafay roobabku yaraayeen. Ceelka tuulada Buulow ayaa laga cabsi qabaa in uu qallalo haddii roobka dayrta oo la filayo inuu da’o dhamaadka bishaan uu waqtigiisa ka soo dib dhaco ama uu di’i waayo, taasi oo saameyn weyn ku yeelan doonta dadka ku nool Xudur.
“Ceelaha biyaha Xudur waa eber. Markii hore ceelasha dhan biyaan ka helaynay, meeshii aan doonno ayaan xoolaha ka so waraabin jirnay. Boqol neef ku dhow ayaa keennaa hadda in aan waraabinno afar saac ayay nagu qaadataa,” ayuu yiri.
Xaaji Xasan waxaa xoolaha la waraabiya labo nin oo kale, kuwaasi oo xoolaha ilaaliya inta uu feylka ku jiro. Tiro xoolo ah oo uusan carrabaabin ayuu xusay inay u dhinteen harraadka.










