Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Matabaan: Dhallinyaro la heybsooco oo ay xirfad u noqotay cillad-bixinta gaadiidka

Radio Ergo by Radio Ergo
October 7, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Arday, Farsamo, Somali

Keydka sawirada/Ergo

5
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Salaad Daahir oo ka mid ah dadka la heyb-sooco ee ku nool magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaa u suurtagashay in uu guursado kaddib markii uu billaabay ku shaqeysiga xirfadda cillad-bixinta gawaarida (makaanikada) oo uu muddo sanad ah baranayay.

“Inta aan xirfaddan la i barin ka hor, dadka ayaan kabaha markii ay ka go’aan u hagaajin jiray iyo caseeye ama baalashle. Waxaas ayaan wixii aan ka aruursado dhar iyo nolol-maalmeedka ku iibsan jiray. Markaas reer dhan maba laheyn iskuma dayin,” ayuu yiri Maxamed, oo guursaday bishii Diseember ee sanadkii la soo dhaafay, haddana ah aabbaha hal cunug.

Maxamed oo 29 jir ah ayaa ka mid ah labaatan nin oo dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoysaska la heyb-sooco, kuwaas oo ka faa’ideystay tababar hal sano socday oo ay ka qaateen garaashka Cusmaan Mekaanik, oo lagu cillad-bixiyo gawaarida.

Matabaan oo isticmaalka gaadiidka uu aad ugu badan yahay, maaddaama uu maro laamiga isku xira gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed ayay shaqada makaanikada ka tahay mid ay baahideedu aad u sarreyso.

Maxamed wuxuu maalinkii shaqeeyaa lixda subaxnimo ilaa iyo shanta galabnimo. Shaqadaan ayaa ah mid aad u adag, balse wuxuu ku faraxsan yahay in uu heysto il-dhaqaale oo uu si joogta ah maalinkii uga helo shan ilaa iyo 20 doollar oo faa’ido ah.

Maxamed wuxuu hadda waxbarashada ka bixiyaa saddex carruur ah oo la dhalatay oo uu bishii ka bixiyo $30. Wuxuu sidoo kale bixiyaa $40 oo ah kirada gurigiisa iyo kan ay waalidkiis ku nool yihiin.

Maxamed waxaa xirfaddaan oo noloshiisa iyo tan qoyskiisa beddeshay baray Cusmaan Mekaanik si ay iskood wax u qabsadaan oo ay xirfaddooda ugu shaqeystaan. Cusmaan ayaa isaga naftiisa la kulmay takoor soddon sano ka hor xilligii uu shaqo-raadiska ahaa.

“Waxaa ka jiro deegaanka shaqo-la’aan, dadkii oo la midab-takoorayo, ninkii wax qabsan lahaa ama wax doonan lahaa oo loo diidayo marka waxaan dhahay kasoo wada xarooda meeshan oo birta barta. Marka sidaas ayaa igu kalliftay inaan birta baro,” ayuu yiri.

Cusmaan ayaa si bilaash ah u tababaray dhallinyaradaan, isagoo weliba siinayay lacag intii ay tababarka ku jireen. Wuxuu hadda tababarayaa 10 dhallinyaro ah oo kale.

“Baabuurta la sameynayo qarash ayaa laga qaadaa. Qarashka laga qaaday keligey inaan la gaddoomo waa laga fiican yahay, dhallinyarada inaan ku taakuleeyo oo qoysaskooda ay kula noqdaan ayaan sameeya,” ayuu yiri.

Axmed Cali Diiriye oo sidoo kale ka mid ah dhallinyarada uu tababaray Cusmaan wuxuu furtay garaash isaga u gaar ah. Waxaa la shaqeysa saddex nin oo dhallinyaro ah oo uu isaga shaqada ku tababarayo. Axmed oo ah aabbaha toddobbo carruur ah ayaa shaqadaan ka hor nolosha qoyskiisa ku maareyn jiray $2 ilaa iyo $5 oo uu ka soo heli jiray qodista musqulaha.

“Hadda heer fiican ayaan mareynaa. Nolosheenna way isbeddeshay, dhaqaalaha aan cidda siiyo xitaa wuu isbeddelay. Qeyb ka mid ah lacagta aan helo xitaa waan sadaqeystaa,” ayuu yiri Axmed oo maalinkii garaashka ka hela $10 ilaa iyo $20.

Axmed oo 39 jir ah, ayaa sheegay in lacag uu ka aruursaday shaqadiisa garaashka uu ku soo iibsaday 15 neef oo ari ah, kuwaas oo uu ku fikirayo inuu iibiyo marka ay baahi timaado.

Qoyska Axmed ayaa dhib ka mari jiray inay ay hal waqti wax karsadaan maalinkii oo dhan, balse waxay hadda dabka shitaan saddexda waqti. Shan ka tirsan carruurtiisa ayuu ku daray iskuulka hoose iyo dhexe ee Iftiin.

Previous Post

Carruur iyo waalidkood oo ku kala lumay barakicinta Laascaanood

Next Post

Biyo-yarida ceelasha degmada go’doonsan ee Xudur oo saameeyay dadka deegaanka iyo xoolo-dhaqatada

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Biyo yari

Biyo-yarida ceelasha degmada go’doonsan ee Xudur oo saameeyay dadka deegaanka iyo xoolo-dhaqatada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo