(ERGO) – Maxamed Salaad Daahir oo ka mid ah dadka la heyb-sooco ee ku nool magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaa u suurtagashay in uu guursado kaddib markii uu billaabay ku shaqeysiga xirfadda cillad-bixinta gawaarida (makaanikada) oo uu muddo sanad ah baranayay.
“Inta aan xirfaddan la i barin ka hor, dadka ayaan kabaha markii ay ka go’aan u hagaajin jiray iyo caseeye ama baalashle. Waxaas ayaan wixii aan ka aruursado dhar iyo nolol-maalmeedka ku iibsan jiray. Markaas reer dhan maba laheyn iskuma dayin,” ayuu yiri Maxamed, oo guursaday bishii Diseember ee sanadkii la soo dhaafay, haddana ah aabbaha hal cunug.
Maxamed oo 29 jir ah ayaa ka mid ah labaatan nin oo dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoysaska la heyb-sooco, kuwaas oo ka faa’ideystay tababar hal sano socday oo ay ka qaateen garaashka Cusmaan Mekaanik, oo lagu cillad-bixiyo gawaarida.
Matabaan oo isticmaalka gaadiidka uu aad ugu badan yahay, maaddaama uu maro laamiga isku xira gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed ayay shaqada makaanikada ka tahay mid ay baahideedu aad u sarreyso.
Maxamed wuxuu maalinkii shaqeeyaa lixda subaxnimo ilaa iyo shanta galabnimo. Shaqadaan ayaa ah mid aad u adag, balse wuxuu ku faraxsan yahay in uu heysto il-dhaqaale oo uu si joogta ah maalinkii uga helo shan ilaa iyo 20 doollar oo faa’ido ah.
Maxamed wuxuu hadda waxbarashada ka bixiyaa saddex carruur ah oo la dhalatay oo uu bishii ka bixiyo $30. Wuxuu sidoo kale bixiyaa $40 oo ah kirada gurigiisa iyo kan ay waalidkiis ku nool yihiin.
Maxamed waxaa xirfaddaan oo noloshiisa iyo tan qoyskiisa beddeshay baray Cusmaan Mekaanik si ay iskood wax u qabsadaan oo ay xirfaddooda ugu shaqeystaan. Cusmaan ayaa isaga naftiisa la kulmay takoor soddon sano ka hor xilligii uu shaqo-raadiska ahaa.
“Waxaa ka jiro deegaanka shaqo-la’aan, dadkii oo la midab-takoorayo, ninkii wax qabsan lahaa ama wax doonan lahaa oo loo diidayo marka waxaan dhahay kasoo wada xarooda meeshan oo birta barta. Marka sidaas ayaa igu kalliftay inaan birta baro,” ayuu yiri.
Cusmaan ayaa si bilaash ah u tababaray dhallinyaradaan, isagoo weliba siinayay lacag intii ay tababarka ku jireen. Wuxuu hadda tababarayaa 10 dhallinyaro ah oo kale.
“Baabuurta la sameynayo qarash ayaa laga qaadaa. Qarashka laga qaaday keligey inaan la gaddoomo waa laga fiican yahay, dhallinyarada inaan ku taakuleeyo oo qoysaskooda ay kula noqdaan ayaan sameeya,” ayuu yiri.
Axmed Cali Diiriye oo sidoo kale ka mid ah dhallinyarada uu tababaray Cusmaan wuxuu furtay garaash isaga u gaar ah. Waxaa la shaqeysa saddex nin oo dhallinyaro ah oo uu isaga shaqada ku tababarayo. Axmed oo ah aabbaha toddobbo carruur ah ayaa shaqadaan ka hor nolosha qoyskiisa ku maareyn jiray $2 ilaa iyo $5 oo uu ka soo heli jiray qodista musqulaha.
“Hadda heer fiican ayaan mareynaa. Nolosheenna way isbeddeshay, dhaqaalaha aan cidda siiyo xitaa wuu isbeddelay. Qeyb ka mid ah lacagta aan helo xitaa waan sadaqeystaa,” ayuu yiri Axmed oo maalinkii garaashka ka hela $10 ilaa iyo $20.
Axmed oo 39 jir ah, ayaa sheegay in lacag uu ka aruursaday shaqadiisa garaashka uu ku soo iibsaday 15 neef oo ari ah, kuwaas oo uu ku fikirayo inuu iibiyo marka ay baahi timaado.
Qoyska Axmed ayaa dhib ka mari jiray inay ay hal waqti wax karsadaan maalinkii oo dhan, balse waxay hadda dabka shitaan saddexda waqti. Shan ka tirsan carruurtiisa ayuu ku daray iskuulka hoose iyo dhexe ee Iftiin.










