(ERGO) – Barre (ma aha magaciisa saxda) waxay isaga iyo mid ka mid ah labadiisa xaas iyo afarteeda carruurta ah ku dhuumaaleysanayaan gudaha magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya, kaddib markii xaaskiisa kale iyo saddex carruur oo ay dhashay ay ciidamadu kala baxeen gurigooda.
“Muddo saddex cisho ah dhuumasho ayaan ku jirnaa, aniga iyo xaaskeyga iyo carruurtii. Meel kuma ogi xaaskeyga kale iyo saddexdeeda carruurta ah. Guriga ayaan uga tagay, way i soo wacday waxay igu tiri ‘waa la i qabtay aniga iyo carruurtii shabaqle ayaan ku jirnaa’, markaas ayaa iigu war dambeysay,” ayuu yiri Barre.
Wuxuu sheegay in xaaskiisa ay soo wacday isaga oo ku sugan harqaankiisa uuna u sheegtay inay saaran yihiin gaariga ciidamada laguna sii wado garoonka Cabdi Bile.
“Waxaa la ii sheegay in dadkii telefoonnadii xitaa laga qaaday. Meelo badan ayaan ka raadiyay oo aan ka wacay, laakiin ilaa iminka wax war ah kama hayo meel ay joogaan,” ayuu yiri.
Boqollaal qoys oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa la geeyay garoonka ciyaaraha ee Cabdi Bile, halkaas oo si khasab ah ay uga qaadeen gawaari xamuul ah oo ka saaray magaalada. Sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka ee halkaas ka howlgala, in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag ayaa si khasab ah looga barakiciyay Laascaanood labadii iyo saddexdii Oktoober. Waxaa wali laga cabsi qabaa in tiro kale oo dad ah si qorsheysan oo khasab ah looga barakiciyo magaalada maalmaha soo socda.
Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool ayaa ah, goob ay isku heystaan Somaliland iyo Puntland muddo sanado ah.
Barre oo ah 28 jir ayaa tilmaamay in deriskiisa ay u sheegeen in booliiska ay saddex jeer gurigiisa tageen iyagoo raadinaya isaga. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in isaga iyo carruurtiisa ay hadda caawinayaan dad asxaabtiisa ah oo ku nool magaalada.
“Waxaan ka welwelsanahay inay carruurtii iyo hooyadood kala lumaan oo labo gaari la kala saaro,” ayuu yiri.
Barre ayaa hadda sugaya lacag ay isugu soo darayaan asxaabtiisa si uu magaalada ugala baxo xaaskiisa uuna u raadsado carruurta iyo xaaska ka maqan.
“Dukaan harqaan ah ayaa halkaan ku leeyahay. Laascaanood anigoo labo [sano] jir ah ayaa la i keenay sanadkii 1993-dii. Waxaa dukaanka igala shaqeyneysay saddex qof oo shaqaale ah. Maalintii lacag ilaa $15 ah ayaa iga soo geli jirtay, labada xaas iyo carruurtaydaba noloshooda way ku filnayd.”
Barre ayaa xusay in dukaankiisa uu xiran yahay tan iyo labadii Oktoober, oo ahayd maalinkii ay ciidamada qabashada billaabeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in uu Laascaanood ku leeyahay dhul aan wali guryo laga dhisin. Hantida wadar ahaan uu ku leeyahay Laascaanood ayuu ku qiyaasay $7,000.
Nasteexo Cabaas Mukhtaar oo ah hooyo 28 jir ah ayaa ka mid ahayd dadkii khasabka looga barakaciyay magaalada Laascaanood. Haweeneydaan oo haysata afar carruur ah oo ay aabbahooda kala tageen ayaa sheegtay in ay ku dhalatay kuna guursatay Laascaanood. Waxay xustay in iyadoo dukaankeeda joogta lagu soo wargeliyay in caruurteeda ay ciidamadu qabteen. Dukaankii ayay xirtay waxayna u carrartay dhanka guriga.
Ciidamada ayaa iyada iyo carruurteedaba geeyay garoonka Cabdi Bile halkaasi oo markii dambe looga soo qaaday gawaarida xamuulka ah. Waxay hadda joogtaa deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug, oo 240 km dhanka waqooyi ka xigta Laascaanood.
Nasteexo waxaa ka maqan gabar yar oo ay dhashay taasi oo markii reerka la soo qabtay ku maqneyd dugsi.
“Garoonka Cabdi Bile xilli galab ah ayaa na laga soo qaaday. … [gabadheyda] meel ay jirto garan maayo inay dadkii la qaaday ay raacday iyo inay weli dambayso. Waa toban sano jiro, waxay ku maqnayd dugsi. Welwelka ugu badan wuxuu iga haystaa gabadhaa iga maqan. Wixii hanti ah ee aan haystay oo uu dukaankaasi kow ka yahay waa la iga soo waday,” ayay tiri.
Falxado Cabdi Muuday oo sidoo kale ka mid ah dadka sida khasabka ah lagu soo barakaciyay waxay Laascaanood ku nooleyd muddo 14 sano ah. Waxay hadda ku sugan tahay magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay iyada iyo carruurteeda go’doon ku yihiin. Ma haystaan hoy, cunto iyo biyo, toona.
Haweeneydaan ayaa shaqadeeda nadaafadda guryaha ku biili jirtay carruurteeda oo uu aabbahooda ku xanuunsan yahay muddo labo sano ah magaalada Baydhabo.
Waxay xustay in alaabteeda guriga iyo dharkiiba ay uga soo tagtay Laascaanood, kaddib markii ay ciidamadu u diideen inay wax alaab ah qaaddo.
“Guri saddex qol ah iyo alaabtiisa ayaan ka soo tagay; sariirtii, fadhigii, qasaaladdii, dhaladii iyo xitaa waxaa igaga jiray dahab gaadhaya 10 garaam oo la ii diiday inaan soo qaato. Carruurtii way iga baahan tahay dhibaato adduun ayaa na haysata. Cunto, biyo iyo hoy midna ma heysanno,” ayay Falxado ku tiri Raadiyow Ergo.











