Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqatada Galmudug oo ka cabanaya biyo-yari iyo daaq-la’aan ka jirta deegaannada gobolka

Radio Ergo by Radio Ergo
October 6, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Keydka, sawiradda, Ergo

Keydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Daahir Axmed Kaahiye oo ah xoolo-dhaqato ku nool deegaanka Dhabarduleel ee duleedka Ceelguula, gobolka Galmudug waxaa bilihii August iyo September ka dhintay 80 neef oo ari ah. Boqol iyo soddon neef kale oo u soo haray ayaa caano iyo cad toona laheyn. Wuxuu ka walwalsan yahay in tirade ariga u soo haray ay sidoo kale ka le’daan.

Tan iyo markii uu ceelka Ceelguula oo ay xoolaha biyo ka cabi jireen ay cillad farsamo ku timid bishii August ee sanadkaan, ariga Daahir ayaa sii dhamaanaya maalinba maalinta ka dambeysa. Deegaanka oo 110 km koonfur ka xiga Gaalkacyo ayaa saddexdii xilli roobaad ee la soo dhaafey roob la’aan ahaa.

“Bishii siddeed waa toddobaadeen jireen, toddobaad markii la joogaba hormaa bixi jirtay hormaa iska hari jirtay, hadda habeennadaan dambe waxay keeneen habeen uusan baryin ama maalintii markii geedaha la soo hariyo in uu ku baqtiyo,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in xoolihiisa uu u waayay beec weydnimada ka dhalatay nacfi-la’aantooda darteed. Wuxuu joojiyay raashin uu siin jiray shan bil ka hor kaddib markii cudud dhaqaale u waayay.

“Badarkii wuxuu tagay adigu ilaa $40 ayuu kiishkii marayaa galleyda, waaba la gadi waayay. Hadda waa la iska daayay xoolaha dhulkaa la iska dhigay, biyihii iyo badarkii labadiiba waa la gadi wayay,” ayuu yiri.

Daahir oo ah aabaha 12 carruur ah, waxaa lagu leeyahay deyn $2,000 ah oo uu ku soo qaatey raashinkii uu siinayay xoolihiisa. Wuxuu xusay in lacagtaas ay ka hor istaagtay sii socoshada raashinkii uu siin lahaa xoolaha u haray maaddaama ganacsatadu ay ka biyo diideen dayn kale. Wuxuu sheegay in biyaha ay isticmaalaan qoyskiisa uu uga soo baryo dadka deriska la ah ee biyaha ka iibsada booyado ka soo dhaamiya deegaanka Toore oo 45 km u jira.

“Qaraabada waxaan ka soo helo ayaan ku noolnahay. Qof waxaan ka soo helaa haaf sonkor ah, qof kale haaf bariis ah, qof caag saliid ah, sidaas ayaan isaga noolnahay. Qof bini’aadan ah oo kale oo wax ii soo dira iyo hay’ad noo timid midna ma jirto,” ayuu yiri Daahir oo aan haysan il-dhaqaale kale oo aan xoolaha ahayn.

Daahir wuxuu sheegay in ay jiraan qoysas la deggen deegaanka Dhabarduleel oo halis ugu jira in xoolo la’aan ay ku dhacdo maaddaama abaarihii hore ay badeen xoolo-yari.

Xaaladda biyo-yarida iyo baad la’aanta ayaa sidoo kale ka jira tuulooyinka kale ee deegaanka Ceelguula oo ay ka mid yihiin Ballicad, Dhoobacadde iyo Miirsaare.

Muxyadiin Maxamed Xasan oo 150 neef oo ari ah iyo 10 geel ah ku dhaqda miyiga tuulada Dhoobacadde ee gobolka Mudug wuxuu ku fikiray in uu ula hayaamo xoolihiisa dhulka ku teedsan xeebta Hobyo, halkaasi oo loogu sheegay caws. Balse wuxuu waayay lacag ka badan $1,000 oo uu ku dalbado gaadiid xoolaha u qaada.

Muxyadiin wuxuu ka doorbiday guuritaanka in uu xoolihiisa uga soo deynto raashin bakhaaradda deegaanka.

“Asbuucii la soo dhaafey 13 neef baan anigu xeradayda ka tiriyay. Ninkii hadda nin uu garanayo ama se wax dayminaya helayaana xoolihiisa raashin buu u daba-taxay,” ayuu yiri.

Qoyskiisa oo siddeed qof ah ayuu sidoo kale raashinka u deynsadaa isagoo ku muddeeyay ganacsatada bakhaarada in daynta uu siin doono marka xoolihiisu ay abaarta ka baxaan. Wuxuu sheegay in lagu leeyahay $900.

Muxyadiin ayaa ku tusaaleeyay saan-saanta biyo-yarida iyo daaq-la’aanta xoolaha ka dilaysa abaartii sanadihii 2016-2017 xoolo-dhaqato badan cayraysay.

Guddoomiyaha deegaanka Ceelguula Cali Baashi Macalin ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 100 qof oo xooluhu dhaafeen ay soo galeen Ceelguula.

“Dadkaan xoolahay ku tiirsanaayeen, xoolihiina aad bay u sii dabar go’ayaan, kuwaa ku aruuray magaalada kaddib markii ay xoolaha ka le’deen, iyagoo wax uga horreeya hoy iyo meel ay ku hirtaan aan lahayn oo dulsaar dadka ku ah. Waxay u baahan yihiin gargaar deg deg ah,” ayuu yiri.

Xoolo-dhaqato uu ku qiyaasay guddoomiyuhu 2,500 oo qoys ayuu xusay in ay ku nool yihiin deegaannada hoostaga Ceelguula, kuwaas oo daaq-la’aan iyo biyo-yari ay iskugu darsantay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Galmdug iyo hay’adaha samafalka uu kala hadlayo hagaajinta ceelka iyo u gurmashada qoysaska ay xooluhu dhaafeen iyo kuwa weli la halgamaya samata-bixinta xoolahooda.

 

 

Tags: droughtSomaliSomalia
Previous Post

Muqdisho: Qoysas khasab looga raray xeryo barakac oo ku sugan xaalad adag

Next Post

Carruur iyo waalidkood oo ku kala lumay barakicinta Laascaanood

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
IDPs, Somalia, Ergo

Carruur iyo waalidkood oo ku kala lumay barakicinta Laascaanood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo