Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Qoysas khasab looga raray xeryo barakac oo ku sugan xaalad adag

Radio Ergo by Radio Ergo
October 5, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dad barakac ah oo si khasab ah looga saaray xeryahooda

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xabiibo Xaafow Aadan oo ah hooyada 8 carruur ah oo agoon ah wuxuu qoyskeedu dulsaar ku yahay qoys ay qaraabo yihiin. Waxaa hoy u ah mid ka mid ah labo buush oo reerka u dhisan.

Qoyskaan ayaa ka mid ah 2,000 oo qoys oo barakac ah, kuwaas oo si khasab ah looga soo raray 11 xero oo ku yaallay degmada Dharkeynley bishii Juun ee sanadkaan. Milkiilayaashii lahaa dhulka ay xeryaha ku yaalleen ayaa ku wargeliyay inay uga guuraan dhulkooda si ay u dhistaan.

“Mar moos ayaad heleysaa, marna ma heleysid, nolol fiican ma jirto hadda. Qof aan dhar u dhaqno xitaa lama helayo,” ayay Xabiibo ku tiri Raadiyow Ergo.

Haweeneydaan iyo carruurteeda waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer ay ku lahaayeen deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay ka hor intii aysan soo barakacin. Beerta waxaa u tacbi jiray aabbaha qoyska.

Balse markii uu dhintay Xabiibo waxay awoodi weysay in beerta ay abuurto maaddaama aysan wax aqoon ah u lahayn beeraha iyo abuurkooda, sidoo kalena ay awoodi weysay inay shaqaale u qabsato. Beertii ayay isaga soo tagtay waxayna carruurteeda ula soo barakacday Muqdisho.

Waxay sheegtay in iyada iyo qoysaskii kale ee barakaca ahaa la siiyay saddex maalin oo keliya inay uga guuraan xeradii ay ku noolaayeen, halkaas oo uu uga dhisnaa buush yar.

Xabiibo ayaa carruurteeda dabka ugu shidi jirtay dhaqaale aan badneyn oo ay ka heli jirtay dhar-dhaqista oo ay ka qaban jirtay xaafadaha Muqdisho ka hor intii uusan xanuunka Koofid-19 saameyn ku yeelan shaqadeeda. Waxay sidoo kale xustay in dadkii ay dharka u dhaqi jirtay badankooda ay soo iibsadeen makiinadda dharka dhaqda, taasi oo meesha ka saartay baahida shaqadeeda.

Waxay tilmaantay in hadda ay ka xanuunsan yihiin labo ka tirsan carruurteeda oo aysan awoodin inay geyso isbitaal duruufaha dhaqaale ee haysta awgood.

Maxamed Ibraahim Aadan iyo qoyskiisa oo laga soo barakiciyay xerada Aw-Baariyow waxay hadda ka mid yihiin 25 qoys oo buushash ka dhistay dhul si gaar ah loo leeyahay. Waxay bil walbo bixiyaan $4 oo kiro ah.

“Digniin warkeeda ma jiro, saddex maalmood ku guura ayaa nala yiri. Waxaan isku dayay inaan tuugtamo. Waxaas adaa lagu dhaha ee aniga waxba igama galin ayuu igu yiri. San-dulle iyo khasab ayaan ku soo guuray,” ayuu yiri.

“Koowdii hore xammaali ayaan ahaan jiray, waan shaqeyn waayay, dhabarka ayaan xammaalinimo ka qaadi waayay. Afar bil guriga ayaan iska joogaa oo carruurta ayaan hayaa,” ayuu yiri.

Nolosha qoyska Maxamed ayaa ku tiirsan shaqo nadaafadda guryaha ah oo ay qabato hooyada reerka. Shaqadaan ayaa ah mid aysan si joogta ah u helin.

“Cunug wax ii barta oo iskuuul ii aado ma jiro guriga ayay joogaan, illeen macalinkii haddii dugsiga la geeyo wax buu rabaa, illeen isagana ilmaa u baahan, iskuulkii waa sidaa. Kii igu weynaa wuxuu jiraa 14 sano. Inay wax ii bartaan waan jeclaa. Balse duruuf ayaa iska jirto,” ayuu yiri.

Previous Post

Hooyo jaamacad ka qalinjebisay iyadoo u babac-dhigtay cadaadiska seygeeda

Next Post

Xoolo-dhaqatada Galmudug oo ka cabanaya biyo-yari iyo daaq-la’aan ka jirta deegaannada gobolka

Related Posts

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Next Post
Keydka, sawiradda, Ergo

Xoolo-dhaqatada Galmudug oo ka cabanaya biyo-yari iyo daaq-la'aan ka jirta deegaannada gobolka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-SEP-2026

IDAACADDA 24-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo