Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Hooyo jaamacad ka qalinjebisay iyadoo u babac-dhigtay cadaadiska seygeeda

Radio Ergo by Radio Ergo
October 4, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somali

Muna Maxamed, oo ah hooyada lix carruur ah oo ku faraxsan inay ka qalinjebisay jaamacadda/Ergo

18
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Muna Maxamed Xasan oo ah hooyo haysata lix carruur ah, ayaa 14-kii September ka qallin-jebisay jaamacad ku taalla Somaliland, iyadoo ka qaadatay shahaadada caafimaadka bulshada, inkastoo seygeeda iyo qoyskeedu ay ka soo horjeedeen hamigeeda waxbarasho. 

“Labo kala dooro ayaa la i yiri; inaad jamaacaddaada dhigato iyo inaad gurigaaga joogto,” ayay tiri. 

“Waad iska garaneysaa odayaasha Soomaalida inta badan ninka ayay iska raacaan marka ay wax kala dhex-dhexaadinayaan. Odayaashii ayaa kulmay oo waxay soo go’aamiyeen inaan ninkeyga addeeco. Ninka intaan u tagay ayaan ku iri ‘warqaddeyda i sii’, maaddaama ay iga go’neyd inaan wax barto.” 

Muna oo 32 jir ah ayaa jaamacadda Tima-Cadde xarunteeda magaalada Gebiley ku billowday $220 oo ay ka soo deynsatay gabar ay qaraabo yihiin sanadkii 2015-kii. 

Waxay tilmaantay in markii ay go’aankeeda ku adkeysatay ay odayaasha ka codsadeen ninkeeda inuu waxbarashada isaga dhaafo. Hase yeeshee, ninkeeda ayaa billaabay inuu biilka ku cadaadiyo, wuxuuna ka goostay lacagihii dheeraadka ahaa ee uu siin jiray, si ay uga soo noqoto go’aankeeda waxbarasho.

Muna ayaa warqad u qoratay maamulka dowladda hoose ee magaalada Gebiley dhammaadkii simistarkeedii koowaad, waxayna ka codsatay deeq-waxbarasho. Waxay ka mid ahayd shan arday oo la siiyay deeqda oo soconeysay intii uga dhinneyd waxbarashada. 

Haweeneydaan ayaa markii ay jaamacadda ku biireysay ahayd hooyada saddex carruur ah. Balse tirada carruurteeda ayaa korortay intii ay jaamacadda dhiganeysay, taasina waxay dhalisay in labo sano ay ka dambeyso ardaydii ay jaamacadda isla billaabeen, maaddaama ay fasax ka qaadaneysay waxbarashada waqtiyadii ay umusha ahayd. 

“Ilmahaygii afaraad ayaan uurkooda lahaa markii aan jaamacadda ku biirayay. Fasax ayaan ka qaadan jiray jaamacadda inta aan umusha ku jiro. Mararka qaar xiisadii oo socoto ayaan bartamaha uga bixi jiray si aan guriga u aado oo aan u soo nuujiyo ilmahayga,” ayay tiri. 

Muna ayaa xustay in carruurteed ay uga tagi jirtay gabar ay qaraabo yihiin oo ay reerkooda ka soo wadatay. 

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay inay ku faraxsan tahay guusha ay waxbarashada ka gaartay, taasi oo aysan gaarteen haddii ay addeeci laheyd warka ninkeeda iyo kan odayaasha.  

“Dadkii waxay i waydinayeen, maxaa kaa maqan? Sow reer iyo carruur kuguma xiriiraan? Balse, aniga way ila xumaatay inaan guriga iska fadhiyo aniga oo waxbarashadeyda wadan kara oo dugsi sare ka soo baxay,” ayay tiri. 

Muna ayaa kula talisay haweenka Soomaaliyeed inay waxbartaan oo aqoontooda ay kororsadaan intii ay guri iska fadhin lahaayeen. Waxay xustay in hooyadu ay tahay macallimadda ugu horreysa ee carruurteeda sidaa awgeedna ay waxbaristeedu u dhiganto in bulshada oo dhan ay waxbaratay.  

“Maanta, waan ogaan karaa jirrada carruurtayda oo waxaan u iibsan karaa dawada ku habboon. Sidoo kale shaqo ayaan codsan karaa maaddaama aan shahaado heysto oo waxaan noqon karaa naag madax-bannaan,” ayey tiri.  

Waxay sheegtay in seygeeda iyo qoyska oo dhan ay kala qeyb qaateen xafladdeeda qalin-jebinta oo ay ku farxeen guusha ay ka gaartay waxbarashada.  

Muna ayaa hadda shaqo-raadis ah, waxayna raadineysaa shaqo la xiriirta caafimaadka.  

Raadiyow Ergo ayaa la xiriirtay seyga Muna, Mustafa Xaashi Muxumed, oo sheegay in uu aad ugu farxay uuna ka qeyb qaatay qalin-jebinta xaaskiisa.  

“Waan ku faraxsanahay. Waxay ahayd safar dheer, laakiin aakhirkii way qallinjabisay. Waxbarashadeedu wax weyn bey noo tahay oo xitaa waxay naga caawin kartaa dhanka dhaqaalaha marka ay shaqo billowdo,” ayuu yiri Mustafa.  

 

Previous Post

Dadka naafada ah oo ka cabanaya in takoor dartiis loogu diido shaqooyin ay qaban karaan

Next Post

Muqdisho: Qoysas khasab looga raray xeryo barakac oo ku sugan xaalad adag

Related Posts

Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

August 2, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
Next Post
Dad barakac ah oo si khasab ah looga saaray xeryahooda

Muqdisho: Qoysas khasab looga raray xeryo barakac oo ku sugan xaalad adag

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-AUG-2026

IDAACADDA 08-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-AUG-2026
August 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-AUG-2026
August 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-AUG-2026
August 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-AUG-2026
August 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-AUG-2026
August 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo