(ERGO) – Muuse Maxamed Xalane, oo ah 27 jir ay labada lugood ka naafeysay dabeyl ayaa tarkoor kala kulmay shaqooyin kala duwan oo uu raadsaday. Wuxuu aaminsan yahay fursado uu u qalmay iyo shaqooyin uu qaban karay in loogu diiday naafonnimadiisa.
Isagoo siddeed bil-jir ah ayaa ku guulaystay inuu helo waxbarasho heer jaamacadeed. Wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu dhibcaha fiicnaa ee jaamacadda.
Wuxuu Muqdisho ka furtay bishii koowaad ee sanadkaan mehrad lagu tolo dharka ragga iyo kuwa dumarka kaddib markii uu shaqo ka waayay 50 xafiis oo uu ka codsaday.
Muuse oo darajada koowaad ee jamacadda helay ayaa ka soo qallinjebiyay kulliyadda maamulka iyo maareynta ganacsiga ee jaamacadda Soomaaliya sanadkii 2019. Wuxuu shaqo ka waayay dhowr xafiis oo shaqaalo doon ahaa kuwaas oo qaarkood si cad ugu sheegay inay u baahan yihiin qof aan naafo ahayn.
“Shaqooyinka sida loo codsado ayaan u codsaday, CV ayaan qortay, meel walbo ama xarun kasta oo shaqaale-doon ahayd ayaan geysanayay. Waxaan isku dayay dhowr mar inaan shaqo helo, maaddaama aan ahay nin waxbartay, balse nasiib-darro waxaa dhacday in meel kasta oo aan tago la igu ciilo, siduu Ilaahay iga dhigay,” ayuu yiri.
“Ciil fara badan iyo murugo ayaan dareemaa, shahaadadeyda oo ‘A’ ah oo aan aqoonteedii leeyahay markii la i dhaho waxba ma qaban kartid. Anigoo u jeeda inaan shaqadii qaban karo oo aysan cuuryaannimo ku xirneyn in la igu yiraahdo ‘cuuryaanaa tahay’, runtii waa ciil.”
Shaqooyinka uu aaminsan yahay in takoorka naafonnimada dartiis loogu diiday waxaa ku jira qeybta maaliyadda iyo xisaabaadka, shaqada iyo shaqaalaha iyo qancinta macaamiisha. Wuxuu shaqooyinkaan ka codsaday shirkadaha isgaarsiinta, xarumo waxbarasho, iyo xafiisyada dowladda ee maamulka Gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay in loogu yeeray 20 wareysi, balse markii uu aaday oo la arkay inuu naafo yahay loo sheegay in aan la shaqaaleyn karin maaddaama uu naafo yahay.
Muuse wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu weligiis ku riyoon jiray inuu shaqo wanagsan heli doono marka uu jaamacadda ka qallinjebiyo. Wuxuu tilmaamay in uusan marnaba filaneyn takoorkii uu la kulmay intii uu shaqo-raadiska ku jiray.
Lacagta uu ku furtay mehradda waxaa siiyay adeerkiis. Waxaa hadda u shaqeeya shan qof oo labo ay yihiin naafo. Wuxuu maalinkii faa’ido ahaan u helaa $15 ilaa $20, taasi oo uu ka maareeyo nolosha xaaskiisa iyo labadiisa carruur, oo intii uu shaqo-la’aanta ahaa ku tiirsanaa waaliddiintiis.
Muuse ayaa sheegay in uusan takoorin dadka shaqada u soo raadsada balse uu eego keliya xirfaddooda.
“Xaruntaan horta markii waalidkey ay arkeen anigoo murugeysan; ciil iyo murug la joogo, labo kun oo doollarka ayaa la i siiyay. Harqaan ayaan furtay, harqaankii Alxamdulillaahi, sidii aniga shalay la i soo yeelay ma yeelo. Haddii uu ahaan lahaa curyaan iyo mid fiicanba, kulli shaqada waan siiyaa, waana soo dhoweeyaa,” ayuu yiri.
Maxamed Abuukar Xasan oo shil gaari ku waayay labadiisa lugood isagoo shan sano jir ah, haddana ah 22 sano jir ayaa ka tirsan shaqaalaha goobta. Wuxuu sheegay in labo sano uu raadinayay shaqadan oo kale, balse ay ku adkaatay.
Maxamed ayaa sheegay in shaqadan ay aheyd xirfad uu horay u bartay 2019-kii, uuna helay bishii Maarso ee sanadkan.
“Markii aan u imid ninkaan way adkeyd filashadeyda aheyd inaan shaqo ka helayo, laakiin sidii aan ka filayay si ka wanaagsan ayaan ka helay oo aad ayuu isoo dhoweyay. Wuxuu wax iga waydiiyay waxaan qabanayo iyo xirfadda aan leeyahay, waana u sharraxay, kaddib imtixaan yar ayuu iiga qaaday. Jawaab ayuu i siiyay inaan ku guuleystay imtixaanka,” ayuu yiri Maxamed, oo bishii mushaar ahaan u qaato $150.
Guddoomiyaha ururka naafada qaranka Soomaaliyeed, Sayid Cali Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay ku dhibban yihiin waxbarashada iyo helitaanka shaqooyinka. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay sharciyo ku waajibinaya dadka ganacsatada ah inay dadka naafada ah u qoondeeyaan tiro.
“Dowladda Soomaaliya waxay hadda gacanta ku haysaa sharciga naafada qaranka. Sharcigaas waxaa ku caddaan doona ka qeybgalkooda siyaasadeed, xuquuqdooda waxbarasho iyo middooda shaqaaleysiin. Halkaas marka lagu caddeeyo waxaa imaan doonta sharciyo ay ku doodaan dadka naafada ah ee la takoorayo,” ayuu yiri.











