Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bajaajle ay shaqo-la’aan ku qasabtay inuu qoyskiisa dib ugu celiyo xero barakac

Radio Ergo by Radio Ergo
September 30, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Bajaajle, Soomaaliya

Keydka sawirada/Ergo

11
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Maxamed Yuusuf oo ah 25 sano jir wuxuu nolosha hooyadiis iyo afar gabdho ah oo la dhashay ka maareyn jiray $150 oo uu bishii ka heli jiray wadista mooto bajaajta. Wuxuu ka howlgeli jiray magaalada Muqdisho balse sare-u-kac ku yimid qiimaha shidaalka ayaa ku qasbay inuu iska dhaafo shaqadiisa.

Ninkaan dhallinyarada ah ayaa markii uu shaqeynayay ku filnaa bixinta kirada guriga, raashinka qoyska iyo lacagta waxbarashada gabdhaha walaalihiisa ah oo ahayd $40 bishii.

Xasan ayaa sheegay in saacadihii uu shaqeynayay uu wax ku kordhiyay ka hor intii uu go’aansan inuu shaqada joojiyo, balse wax faa’ido ah uu ka heli waayay.

Sare-u-kaca shidaalka oo soo billowday bishii Maarso ee sanadkaan ayaa ku qasbay in qoyska ay dib ugu laabtaan xero barakac ah oo ay sanad ka hor ka soo guureen.

“Markii hore halkii litir oo shidaal ah waxaan ka bixin jirnay lacag dhan nus doollar, haddana waxaa uu marayaa hal doollar iyo bar,” ayuu yiri.

“Mootada maalinkii waxaan bixinayay $10 oo kiro ah. Mararka qaar waddooyinka way xirmaayaan oo ciidamada dowladda ayaa xirta, kaddibna waxaa la dhex marayaa xaafadaha oo bajaajta shidaal badan ayay cunaysaa.”

Qoyskaan waxay hadda ku tiirsan yihiin hooyadiisa oo 56 jir ah oo ka soo shaqeysa dhar-u-dhaqista qoysas deggan xaafadaha Muqdisho.

Xasan ayaa tilmaamay in hoyadiis ay joojisay inay shaqeyso 2019-kii, kaddib markii uu isagu billaabay wadista mooto bajaajta. Dhar-dhaqistu ma aha shaqo ay maalin kasta hesho. Hase yeeshee maalinta ay u suurtagasho waxay ka soo heshaa marka ay ugu badan tahay 100,000 oo shillin Soomaali ah ($4).

Bishii Luulyo ee sanadkaan ayay qoyska dib ugu laabteen xerada barakaca ee Dayax, markii ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan kirada gurigii ay deggenaayeen oo $25 ahayd.

Gabdhaha walaalihiisa ah ayaa sidoo kale ka haray waxbarashadooda. Xasan, wuxuu hadda raadinayaa shaqooyin xoogsi ah si uu nolosha qoyska wax uga beddelo.

“Carruurtii waxbarashadoodii way istaagtay, waxaa ugu dambeysay maalinkii aan shaqada joojiyay oo aan mootada u geeyay ninkii iska lahaa,” ayuu yiri Xasan oo ay murugo ka muuqato.

Xasan iyo qoyska ayaa markii ugu horreysay ku biiray xerada Dayax kaddib markii ay fatahaadda webiga Shabeelle ka soo barakicisay degmada Afgooye 2019-kii.

Wuxuu xusay in isaga iyo hooyadiis ay ka shaqeyn jireen beer ku taalla degmada Afgooye oo ay lahaayeen dad ehel la ah, tan iyo markii uu aabbahooda dhintay 2017-kii. Balse webiga ayaa ku fatahay beertaasi.

“Xerada Dayax waxaan ka soo guurnay markii aan helay mootadaan oo si kiro ah la igu dhiibay 2019-kii. Waxaan ahaa mid ku filan maamulka qoyska iyo maareyntiisa. Shaqadaan markii aan billaabayay waxaan rajeynayay in aan aniga mid gadan doono mustaqbalka.”

Wuxuu xusay in ganacsatada shidaalka ay u sheegeen in ceelashii shidaalka ee Sucuudiga oo Xuutiyiintu ay weerareen iyo xanuunka COVID-19 ay sabab u tahay sare-u-kaca qiimaha shidaalka.

Previous Post

Qoysas ay saameysay fatahaadda Shebeellaha dhexe u soo barakacay Muqdisho si ay gargaar u helaan

Next Post

Dadka naafada ah oo ka cabanaya in takoor dartiis loogu diido shaqooyin ay qaban karaan

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Naafo, Somalia

Dadka naafada ah oo ka cabanaya in takoor dartiis loogu diido shaqooyin ay qaban karaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo