Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ay saameysay fatahaadda Shebeellaha dhexe u soo barakacay Muqdisho si ay gargaar u helaan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 30, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
IDPs Somalia

Kaydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maryan Maxamed Subeyr iyo tobankeeda carruurta ah waxay u soo lugeyeen magaalada Balcad oo 65 km u jirtay deegaanka ay ka soo barakaceen. Fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Jowhar iyo tuulooyinka u dhow ayay ku weysay wax walbo oo ay lahayd. Waxay Balcad ka soo raaceen gaari si lacag la’aan ah ku keenay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Maryan oo ilmaheeda ugu yar uu shan jir yahay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in iyada iyo carruurteeda aysan maalmo dhowr ah wax cunin, taasina ay u horseedday inay u barakacaan Muqdisho si ay gargaar u helaan.

Waxay sheegtay in fatahaadda ay ka qaadday beer labo hektar ah, dukaan yar iyo guri saddex qol ah oo ay ku lahayd deegaanka Bacaadlay, oo 25 km u jira Jowhar.

“Naf baan ahayn, hal toogo (waqti) xitaa wax la cuno xaggee laga helayay meesha baaddiye waaye. Wax wax kugu caawinaya ma leh, hadda haddii aan Xamar imaanay halkii waqti waan ku noolaannay annaga nolol bay nala tahay,” ayay tiri.

Maryan oo ay ninkeeda kala tageen ayaa ka mid ah 300 oo qoys oo ay fatahaaddu saameysay oo u soo barakacay degmada Dayniile billowgii bishaan September.

“Biyahaa qaaday dukaanka, isagoo sidii u camiran oo markaa un alaabta loo keenay. Dukaanka waxaan ku iibinayay sonkor, bariis, baasto, bur, waxaan ii oolin ma lahayn. Markay alaabta soo gadanto ayaa lacagaheeda soo caddeyn jirnay. Caddeys buu noo ahaa dukaankaba xataa,” ayay tiri.

Dadkaan barakaca ah ayaan haysan cunto iyo hoy midna, waxay dulsaar ku yihiin qoysaska degaan ku ah Dayniile. Waxay jiiftaan deyrka qoyska ay dulsaarka ku yihiin, maaddaama aysan helin hoy u dhaamo. Sidoo kale cunto hal waqti ah ayay ka helaan qoyskaas.

“Meel aan jiifanno ma hayno, meel ayaa hadda la raadinayaa. Haddii la helo xataa wixii lagu dhisi lahaa ma la raboo? Wadaadkan oo aan hadda dulsaarka ku nahay waa qof iska bani’aadam ah oo xaas iyo ilmaba leh laftirkiisa. Qofkii xoog lahaa oo shaqaysan lahaa xataa meel uu ka shaqaysto maleh.”

Sidoo kale waxay fatahaaddu soo barakacisay Faadumo Cismaan Caamir oo ah hooyada qoys 12 qof ah. Waxay ka soo barakacday deegaanka Boodaale.

“Inta aniga aan lahaa arigayga 20 xabbo aan qabay, dooradaydana boqol xabbo way dhamayd, beerana
waan falan jiray. Beerta iga baaba’day waxaa iigu beernaa galley, bocor, digir iyo yaanyo. Beertaas qarash waxaa iga galay 15 malyan oo shillin Soomaali ah ($600). Wax ka badbaaday ma leh. Waxa dhan eber waaye nafsaddeenna bes baan ka wadannaa,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in subax kasta ay ku kallahdo qoysas ay qaraabo yihiin oo soo siiya raashin ay dabka saarato.

Faadumo iyo carruurteeda ayaa dulsaar ku ah qoys ku nool xerada Buurdheere oo ku taalla dagmada Dayniile. Qoyska ayaa ku caawiya agab iyo jiko ay raashinka ay soo hesho ku karsato maaddaama aysan iyadu haysan.

Haweeneydaan iyo carruurteeda ayaa bannaanka iska jiifta maaddaama aqal-cooshaadka qoyska ay dulsaarka ku yihiin uusan boos ka bannaaneyn.

Seyga Faadumo ayaa ku haray Boodaale si uu qeyb uga noqdo dadaal ay ragga deegaanka isu-xilqaameen oo biyaha fatahaadda looga saarayo tuulada. Cabdullaahi Xiirey Calasow, madaxa arrimaha bulshada maamulka Dayniile ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay diyaariyeen dhul ay dagi karaan ugu yaraan 400 oo qoys. Balse, qoysaskaan barakaca ah ayaan awoodin inay guryo ka dhistaan daruufta haysata awgeed.

“In aan meel dajinno nabad-galyadooda ka shaqayno oo dadka ugu qaylino wixii wax u qaban kara ma ahane annagu wax kale oo aan awoodno ma jirto. Way isa soo daba hayaan oo maalinba kuwo ayaa imaanaya,” ayuu yiri.

Cabdullahi ayaa intaa ku daray in sanad kasta boqollaal qoys ay ku biiraan xeryaha lagu barakacay ee ku yaalla Dayniile, kuwaas oo ka soo barakaca dagaallo, abaaro iyo fatahaadaha.

Dowladda Soomaaliya ayuu ka codsaday in qorshe lagu caawinayo qoysaskan loo sameeyo si aysan uga sii darin xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta xeryaha.

Previous Post

Qoyska kalluumeyste uu yaxaas cunay oo ka walaacsan in laga saaro guri kiro ah

Next Post

Bajaajle ay shaqo-la’aan ku qasabtay inuu qoyskiisa dib ugu celiyo xero barakac

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Bajaajle, Soomaaliya

Bajaajle ay shaqo-la’aan ku qasabtay inuu qoyskiisa dib ugu celiyo xero barakac

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-AUG-2026

IDAACADDA 15-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo