Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoyska kalluumeyste uu yaxaas cunay oo ka walaacsan in laga saaro guri kiro ah

Radio Ergo by Radio Ergo
September 24, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Haweenay Somali ah

Xaliimo waxay u taag la'dahay quudinta saddexdeeda gabdhood tan iyo markii uu ninkeeda oo kalluumeyste ahaa uu yaxaas cunay/Maryan Sheekh/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Xasan Cumar waxay qarka u saaran tahay in laga saaro guri kiro ah oo ay la deggen tahay saddexdeedii carruurta ah, kaddib markii uu seygeeda, oo kalluun-dabato ahaa, oo ay nolosha qoyska ku tiirsaneyd uu yaxaas qaaday billowgii bishaan.

“Kirada waa nagu aruurtay, 400,000 oo shillin Soomaali ah ayaa na lagu leeyahay. Labo bil kiro ma iska bixinin. Naagta mininka iska leh iga bax ama kiradey i sii ayay leedahay. Aniga waxaan iska ahay masaakiin oo iskama bixin karo. Mana aqaani meel aan aado,” ayay tiri Xaliimo.

Qoyskaan danyarta ah waxay noloshooda ku tiirsanayd lacag yar oo ay ka heli jireen mallaay uu ninkeeda ka soo dabi jiray webiga Shabeelle. Waxaa ninkeeda qaaday yaxaas 7 September, isagoo ku jira shaqadiisii kalluumeysiga.

Xaliimo ayaa tilmaantay in ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Buubaale uu aaday webiga aroortii sideedda subaxnimo si uu ula soo baxo shabaagtiisa oo habeenkii ka horreeyay subaxaas uu webiga ku dhaaftay si mallaay badan uu ugu galo. Balse dib uguma soo laaban xaafadda. Qoyska iyo asxaabtiisa ayaa ku wargeliyay dadka tuulada deggen inay u soo sheegaan qofkii arko.

Subixii xigtay nin mallaay-dabato ah oo tuulada deggen ayaa meydka Axmed shabaagtiisa ka dhex helay isagoo markii hore u maleeyay inuu mallaay weyn soo qabsaday, balse markii uu soo saaray ayuu arkay in uu yahay meyd xubnaha qaar ay ka maqan yihiin. Xaliimo ayaa aqoonsatay meydka seygeeda.

“Mararka qaar waan iska ooyaa markaan soo xasuusto. Dadka waxay i leyihiin ninkaas Ilaahay ha u naxriisto … iska cafi. Aniga ma hilmaami karo wuxuu ahaa qofka keliya ee aan ku tiirsanayn,” ayay tiri.

“Aniga iyo soddohdayba oo guriga nala joogta isku gacan ayaan ahayn. Wuxuu keeno ayaan isla cuni jirnay. Laakiin, hadda waxaan ku tiirsannahay kista yar ee aan ka helno dadkaas Islaamka ah.”

Axmed oo madi ahaa, qoyska ugama tagin wax hanti kale ah ama xoolo.

Xaliimo oo hadda waqtigeeda u kala qeybisa daryeelka soddohdeed oo xanuunsan iyo saddexdeeda gabdhood oo tan ugu weyn ay jirto lix sano ayaan awoodin inay magaalada ka soo shaqeysato. Waxaa hadda ku adkaatay inay xitaa hal waqti dabka u shiddo carruurteeda maalinkii oo dhan.

“Annaga waxaan hadda wax karsannaa markii aan muslimka kaalmo ka helno oo ay taleefoonka wax noogu soo tuuraan ama raashin aan karsanno ay noo keenaan. Waxaan muslimiinta ka codsaneynaa inay na soo caawiyaan. Been ma fiicnee dhibaato ayaan ku sugannahay, carruurta quudkooda ayaan u taag la’ahay, iskaba dhaaf inaan kiro bixiyo e,” ayay tiri.

Xaliimo ayaa sheegtay in ninkeeda uu ku yiri ‘dabka sii shid’ markii uu baxayay maalintii uu yaxaaska qaaday.

Waxay maalin walbo karin jirtay mallaayga uu ninkeeda soo dabo, qeybna reerka ayaa quudan jiray halka qeybta kale uu ninkeeda ku soo wareejin jiray magaalada Jowhar.

Previous Post

Biyo-yari iyo daaq-yari dhibaato ku haysa xoolo-dhaqatada Nugaal

Next Post

Qoysas ay saameysay fatahaadda Shebeellaha dhexe u soo barakacay Muqdisho si ay gargaar u helaan

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
IDPs Somalia

Qoysas ay saameysay fatahaadda Shebeellaha dhexe u soo barakacay Muqdisho si ay gargaar u helaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-AUG-2026

IDAACADDA 15-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo