Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Biyo-yari iyo daaq-yari dhibaato ku haysa xoolo-dhaqatada Nugaal

Radio Ergo by Radio Ergo
September 23, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo yari, Somalia

Keydka Ergo

20
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdiweli Xasan Maxamed, oo ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool miyiga Eyl ee gobolka Nugaal wuxuu biyaha la cabaa deriskiisa. Ninkaan oo dhaqda 35 neef oo ari ah ayaa biyaha yar ee uu deriskiisa ka helo u kala gooya qoyskiisa iyo arigiisa.

Barkado ay biyaha ka cabi jireen ayaa qallalay, iyadoo xoolahana ay wajahayaan daaq-la’aan.

Deriska ku caawiya biyaha ayaa ka iibsada booyado ka keena deegaanka Qundheed oo 75 km u jira. Waxaa fuustada biyaha ah laga siiyaa lix doollar.

“Xoolaha aad ayay u liitaan, oo caanana lagama maali karo, qalliinna ma galaan. Neefka weyn waxaa seyladda Garowe lagu kala gadanayaa $25 ilaa $30. Ka hor inta aysan biyo-la’aantu dhicin waxaa la kala iibsan jiray $70 ilaa $100,” ayuu yiri.

“Labaatan iyo shan doollar inta aadan xaafadda ku soo laaban ayay dhamaanaysaa, waayo gaariga aad ku qaadeyso xoolaha waa lacag, sidoo kale dallaalkiii lacag ayuu kaa rabaa.”

Xoolo-dhaqatada ku nool miyiga Eyl ayaa ka hor biyo-yaridaan la daalaa-dhacayay maareynta qoysaskooda maaddaama xayiraadaha COVID-19 ay si weyn u saameeyeen suuqoodii ugu weynaa oo ay xoolaha u dhoofin jireen ee waddamada Carabta. Roobkii gu’ga ee yaraa ayaa uga sii daray xoolo-dhaqatada.

Cabdiweli oo ay Raadiyow Ergo ku wareysatay khadka taleefoonka ayaa tilmaamay in xaaladdooda ay ka sii dareysay tan iyo bishii Luulyo ee sanadkaan, markaasi oo barkadihii ay biyaha ka cabi jireen ay billaabeen inay qallalaan.

Dadka geela dhaqda ayaa u hayaamay gobolka Bari, halkaas oo ay biyo ka raadsadeen. Waxaa isugu soo haray tuulada xoolo-dhaqatada ariga dhaqanaya.

Cabdiweli oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa sheegay in arigiisa oo aad u liita ay ka reebtay in uu u hayaamo Bari, maaddaama uusan arigu ilaa iyo halkaa socod ku gaari karin.

Rajadiisu waxay hadda ku xiran tahay da’ista roobka deyrta.

“Haddii uu roob da’i waayo dhamaadka bishaan, halkaan ma sii joogi doono. Waxaan ku qasbanaan doonaa in aan carruurta iyo xoolaha ula guurno meel biyo leh,” ayuu yiri.

Maxamed Ismaciil Nuur, oo xoolo ku dhaqda miyiga Dangorayo oo isla gobolka Nugaal ah ayaa sheegay in biyaha looga keeno ceel-xeebeed 170 km u jira. Waxaa fuustadii laga siiyaa toddobo doollar.

“Dadka badankiis ma awoodaan inay iibsadaan biyahaan qaaliga ah. Waxay la cabaan inta yar ee awoodda. Dadka deriska ah ayaa isku dul nool oo biyaha isla caba,” ayuu yiri.

Maxamed oo ah aabbaha 10 carruur ah ayaa xusay in abaarihii hore ay ku baxsan jireen lacagihii ay ka keydsan jireen xoolihii ay u dhoofin jireen xajka. Hase yeeshee labadii sano ee la soo dhaafay xayiraadaha COVID-19 awgood xoolo badan ma aysan iibin.

“Xoolaha intooda badan waxaan u dhoofin jirnay dalka dibaddiisa oo ay naga xirtay cudurka Koroona. Lacagta aan ka helno xoolaha aan dhoofinnay ayaan ku soo iibsan jirnay biyo, cunto, dhar iyo bal ay xoolaha cunaan. Hadda, ma haysanno xitaa lacag aan biyo ugu iibinno xoolaheenna iyo qoysaskeenna,” ayuu yiri.

Maxamed ayaa u jeediyay dowladda, hay’adaha gargaarka iyo dadka samafalka jecel inay soo caawiyaan xoolo-dhaqatada iyo dadka masaakiinta ah ee ku nool miyiga ee la daalaa-dhacaya abaarta.

Previous Post

Boqollaal arday oo waxbarasho-la’aan looga cabsanayo markii iskuulladooda ay ka go’day taageero ay ku tiirsanaayeen

Next Post

Qoyska kalluumeyste uu yaxaas cunay oo ka walaacsan in laga saaro guri kiro ah

Related Posts

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Next Post
Haweenay Somali ah

Qoyska kalluumeyste uu yaxaas cunay oo ka walaacsan in laga saaro guri kiro ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo