(ERGO) – Cabdiweli Xasan Maxamed, oo ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool miyiga Eyl ee gobolka Nugaal wuxuu biyaha la cabaa deriskiisa. Ninkaan oo dhaqda 35 neef oo ari ah ayaa biyaha yar ee uu deriskiisa ka helo u kala gooya qoyskiisa iyo arigiisa.
Barkado ay biyaha ka cabi jireen ayaa qallalay, iyadoo xoolahana ay wajahayaan daaq-la’aan.
Deriska ku caawiya biyaha ayaa ka iibsada booyado ka keena deegaanka Qundheed oo 75 km u jira. Waxaa fuustada biyaha ah laga siiyaa lix doollar.
“Xoolaha aad ayay u liitaan, oo caanana lagama maali karo, qalliinna ma galaan. Neefka weyn waxaa seyladda Garowe lagu kala gadanayaa $25 ilaa $30. Ka hor inta aysan biyo-la’aantu dhicin waxaa la kala iibsan jiray $70 ilaa $100,” ayuu yiri.
“Labaatan iyo shan doollar inta aadan xaafadda ku soo laaban ayay dhamaanaysaa, waayo gaariga aad ku qaadeyso xoolaha waa lacag, sidoo kale dallaalkiii lacag ayuu kaa rabaa.”
Xoolo-dhaqatada ku nool miyiga Eyl ayaa ka hor biyo-yaridaan la daalaa-dhacayay maareynta qoysaskooda maaddaama xayiraadaha COVID-19 ay si weyn u saameeyeen suuqoodii ugu weynaa oo ay xoolaha u dhoofin jireen ee waddamada Carabta. Roobkii gu’ga ee yaraa ayaa uga sii daray xoolo-dhaqatada.
Cabdiweli oo ay Raadiyow Ergo ku wareysatay khadka taleefoonka ayaa tilmaamay in xaaladdooda ay ka sii dareysay tan iyo bishii Luulyo ee sanadkaan, markaasi oo barkadihii ay biyaha ka cabi jireen ay billaabeen inay qallalaan.
Dadka geela dhaqda ayaa u hayaamay gobolka Bari, halkaas oo ay biyo ka raadsadeen. Waxaa isugu soo haray tuulada xoolo-dhaqatada ariga dhaqanaya.
Cabdiweli oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa sheegay in arigiisa oo aad u liita ay ka reebtay in uu u hayaamo Bari, maaddaama uusan arigu ilaa iyo halkaa socod ku gaari karin.
Rajadiisu waxay hadda ku xiran tahay da’ista roobka deyrta.
“Haddii uu roob da’i waayo dhamaadka bishaan, halkaan ma sii joogi doono. Waxaan ku qasbanaan doonaa in aan carruurta iyo xoolaha ula guurno meel biyo leh,” ayuu yiri.
Maxamed Ismaciil Nuur, oo xoolo ku dhaqda miyiga Dangorayo oo isla gobolka Nugaal ah ayaa sheegay in biyaha looga keeno ceel-xeebeed 170 km u jira. Waxaa fuustadii laga siiyaa toddobo doollar.
“Dadka badankiis ma awoodaan inay iibsadaan biyahaan qaaliga ah. Waxay la cabaan inta yar ee awoodda. Dadka deriska ah ayaa isku dul nool oo biyaha isla caba,” ayuu yiri.
Maxamed oo ah aabbaha 10 carruur ah ayaa xusay in abaarihii hore ay ku baxsan jireen lacagihii ay ka keydsan jireen xoolihii ay u dhoofin jireen xajka. Hase yeeshee labadii sano ee la soo dhaafay xayiraadaha COVID-19 awgood xoolo badan ma aysan iibin.
“Xoolaha intooda badan waxaan u dhoofin jirnay dalka dibaddiisa oo ay naga xirtay cudurka Koroona. Lacagta aan ka helno xoolaha aan dhoofinnay ayaan ku soo iibsan jirnay biyo, cunto, dhar iyo bal ay xoolaha cunaan. Hadda, ma haysanno xitaa lacag aan biyo ugu iibinno xoolaheenna iyo qoysaskeenna,” ayuu yiri.
Maxamed ayaa u jeediyay dowladda, hay’adaha gargaarka iyo dadka samafalka jecel inay soo caawiyaan xoolo-dhaqatada iyo dadka masaakiinta ah ee ku nool miyiga ee la daalaa-dhacaya abaarta.










