Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Boqollaal arday oo waxbarasho-la’aan looga cabsanayo markii iskuulladooda ay ka go’day taageero ay ku tiirsanaayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
September 23, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Arday, Somali

Boqollaal arday oo iskuulladooda ay ka go’day taageero ay ku tiirsanaayeen oo waxbarasho-la’aan looga cabsanayo gobolka Bakool/Kaydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxbarashada boqollaal arday ah oo ku nool gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa halis ku jirta kaddib markii iskuullada qaar loo xiray mushaar-la’aan ku timid macallimiinta. Ardayda iskuulladaas dhigata oo badankood ka soo jeeda qoysas barakac ah ayay sidoo kale ka joogsatay quudin hal waqti ah oo ay ka heli jireen iskuullada.

Guddoonka waxbarashada ee degmada Ceelbarde, Maxamed Xuseen Cumar oo Raadiyow Ergo la hadlay ayaa ka walaacsan in ku dhowaad 2,000 oo arday ah ay waxbarasho-la’aan ku dhici doonto haddii si la xiro 12 iskuul oo ku tiirsanaa tageero ay ka heli jireen deeq-bixiyeyaal.

Ugu yaraan 348 carruur ah ayaa durba iska dhaafay waxbarashada kaddib markii ay iskuulladoodu joojiyeen quudinta.

Iskuullada ku yaalla degmada ayau ardaydu si lacag-la’aan ah wax uga baran jireen iyadoo ay waxbarashada u sii dheereyd qado lacag-la’aan ah, maaddaama ay ardayda badankood ka soo jeedaan qoysas danyar ah oo barakac ah.

Hay’adda maxalliga ah ee Xiddig ayaa bixinaysay mushaarka soddon bare oo wax ka dhiga 12-ka iskuul. Hay’adda oo sidoo kale quudinta ka caawinaysay iskuullada ayaa maal-gelin ka helaysay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF.

Hase ahaatee, sideed iskuul ayaa maal-gelin la’aan u xirmay bishii Diseembar ee 2020-kii kaddib markii ay iskuulladu bixin waayeen mushaarka macallimiinta oo ah $100 bishii.

Saddex ka tirsan iskuullada ayaa weli xiran, halka shan iskuul dib loo furay billowgii sanad-dugsiyeedka bishii Agoosto, iyadoo la tixgelinayo codsi uga yimid mas’uuliyiinta waxbarashada.

Guddoonka waxbarashada ayaa ku wargeliyay maamuleyaasha in wasaaradda waxbarashada Koonfur-galbeed ay wadahadal kula jirto deeq-bixiyeyaasha, rajo fiicanna ay ka qabaan in dib loo soo celiyo taageeradii ay iskuulladaan helayeen, haddii ay iskuullada dib u furmaan.

Canab Ibraahim Cabdullahi oo bare ka ah dugsiga hoose/dhexe ee Qurac-joome ayaa sheegtay in 46 arday ay iska dhaafeen iskuulka markii barnaamijka quudinta la joojiyay.

“Ardaydii qaar caseeye ayay noqotay, maaddaama ay ka soo jeedaan qoysas iska tabareysan oo aan u awoodin quudintooda. Kuwaa hadda meesha jaadka lagu cuno iska fadhiya oo garaabo iska aruurinaya si ay u iibiyaan,” ayay tiri.

“Dhiirigelin ayaa jirtay awal oo quudintii la siin jiray ayaa iskuulka u soo jiidi jirtay.”

Dugsiga Qurac-joome waxaa 14-kii September ee 2017 deegaanka ka hirgalisay hay’adda UNICEF. Lixda macallin ee iskuulka wax ka dhigta ayaan wali helin mushaarkii Agoosto, waxayna hadda reerkooda ku maareyaan shaqooyin xogsi ah oo ay maalmaha qaar ka soo qabtaan magaalada.

“Lama wada joogi karo in la isbed-beddelo ayay dantu noqotay. Macallimiinta qaar ayaa suuqa sii taga oo ilmahooda u sii xamaasha oo wax iska raadsada, kuwa kale haddana bar oo kale ayay iska tagayaan si aynan ardaydii u niyadjebin, macallinkiina bal uu u soo helo wax caawa dabka uu ku shubo,” ayay tiri Canab.

Maxamed Ibraahim Xasan, oo ah maamulaha dugsiga hoose/dhexe ee Abeesaale ayaa sheegay in boqollaal arday ah oo aysan waalidiintoodu awoodin inay waxbarashada ka bixiyaan ay waxbarasho-la’aan ku dhici doonto. Wuxuu xusay in macallimiinta dhamaantooda aysan ku qanacsaneyn inay ardayda wax sii baraan haddii aysan heleyn lacagtooda bisha.

“Culeys waxbarashada wuu ku imaanayaa haddii macallinkii bil lacag-la’aan uu noqdo, bil labaad lacag-la’aan uu noqdo. Micnaha naftirkaaga maamulaha ah ma dhihi kartid sidii ay shaqadaada tahay u aqoonso oo shaqadaada yaan lagaa waayin ma dhihi kartid. Qofku markuu wax helo un baa howshiisa lagu canaanan karaa,” ayuu yiri.

“Iskuulka wuu xirmayaa haddii qofku wax quman uusan ka helayn.”

Dugsigaan oo ay dhigtaan 213 arday ayaa dib loo furay kaddib markii ay maamulka ka maqleen wasaaradda in dhaqaalihii dib loo billaabayo.

Iskuulka ayaa ah midka keliya ee ku yaalla deegaanka Abeesaale oo 30 km u jira degmada Ceelbarde. Dadka deegaanka oo iskaashaday ayaa iskuulka hirgaliyay sanadkii 2017, kuwaas oo bixinayay mushaarka macallimiinta. Balse hay’adda UNICEF ayaa bishii September ee 2019-kii la wareegtay bixinta mushaarka.

Madaxa Hidig ee degmada Ceelbarde Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in UNICEF ay joojisay caawimaaddii ay u fidineysay 12-ka iskuul bishii September ee 2020-kii, maaddaama uu mashruuceeda kaalmeynta iskuullada ku ekaa waqtigaas.

Waalidiinta ardayda ayaa walaac ka qaba mustaqbalka waxbarashada carruurtooda, waxayna codasanayaan in taageeradii ay iskuulladaan heli jireen dib loo soo celiyo.

Salaado Adan Cali, oo ka mid ah hooyooyinka deggen xerada barakaca Qurac-joome waxay walwal ka qabtaa mustaqbalka shan ka tirsan carruurteeda oo wax ka barta iskuulka Qurac-joome.

“Barakac baan nahay, dad ay xoolaha ka dhamaadeen oo maanta waxay haystaan aysan jirin. Ilmaha qoryo meelaha laga soo guro ayaa lagu koriyaa, marka macallimiinta wax ay meesha ku haystaan ma lahan, mushaar ma qaataan annagana ma u awoodno inaan siinno, waxbarashadana waan rabnaa,” ayay tiri.

Previous Post

Qiimo-dhaca shilinka oo sababay in sarrifleyaashu ay shaqo-la’aan noqdaan

Next Post

Biyo-yari iyo daaq-yari dhibaato ku haysa xoolo-dhaqatada Nugaal

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Biyo yari, Somalia

Biyo-yari iyo daaq-yari dhibaato ku haysa xoolo-dhaqatada Nugaal

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-APR-2026

IDAACADDA 30-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo