Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qiimo-dhaca shilinka oo sababay in sarrifleyaashu ay shaqo-la’aan noqdaan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 23, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Lacag Soomaali

Sarriflayashii ka howl gali jiray suuqa sarrifka ee Garowe oo wajahaya nolol adag/Keydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Farxaan Ayaanle oo ah 32 jir wuxuu la daalaa-dhacayaa maareynta nolosha qoyskiisa kaddib markii ganacsigiisa sarrifka lacagaha uu ka xirmay bishii Maarso ee sanadkaan. Wuxuu ka mid ahaa 70 nin oo lacagaha ku sarrifi jiray suuqa magaalada Garowe, kuwaas oo ay saameysay joojinta isticmaalka shillin Soomaaliga.

Dadka ganacsatada ah ee ku nool magaalada Garowe ayaa joojiyay qaadashada lacagta Soomaaliga kaddib markii la isla dhex maray in suuqa ay ku jirto lacag si sharci-darro ah loo daabacay.  Ganacsatada iyo dadka deegaanka ayaa hadda wax ku kala iibsada lacagta doollarka, taasi oo la isugu diro telefoonka gacanta. Waxay si weyn u saameysay dadkii sarrifka lacagaha ka shaqeysan jiray.

“Faa’iidada yar ee aan ka heli jiray sarrifka waxaan ku biili jiray qoyskayga. Waxaan ahaa sarrifle muddo saddex sano ah, waxayna ahayd shaqada keliya ee aan si fiican u aqaannay. Laakiin hadda, lix bilood ayaan shaqo-la’aan ahay,” ayuu yiri Farxaan oo macaamiishiisa ka qaadan jiray lacagta shillin Soomaaliga ah isagoo ugu baddeli jiray doollarka.

“Jidadka ayaan ku qubnay lacagteenna Soomaaliga maaddaama meel kasta laga soo diiday.”

Farxaan oo ah aabbaha saddex carruur ah, waxay nolosha ku qasabtay in xaaskiisa iyo labo ka tirsan carruurtiisa uu u raro tuulada Xamuur, oo ku taalla bariga Nugaal maaddaama uu awoodi waayay bixinta kirada guri labo qol ah oo ay ka deggenaayeen Garowe.

Wiilkiisa oo fasalka lixaad ka dhigta iskuul ku yaalla Garowe ayuu sheegay inuu dulsaar ku yahay qoys ay qaraabo yihiin oo ku nool magaalada. Qoyska ayaa ka bixiya lacagta waxbarashada.

Farxaan ayaa sheegay in khasaaradii soo gaartay markii shilin Soomaaliga la diiday ay curyaamisay dhaqaale ahaan. Wuxuu tilmaamay in wax lacag ah oo keyd ah uusan meel dhigan isla markaana aysan jirin qof lacag amaahiya si uu ganacsi kale u billaabo. Wuxuu u jeediyay mas’uliyiinta inay xal u helaan dhibataada diidmada shillin Soomaaliga ee haysata qoysas badan.

“Waxaan ka rabnaa dowladda inay dib u soo celiso lacagtii shilinka Soomaaliga ahayd. Toban kun oo shilin Soomaali ah ayaa maalin dhan lagu quudin jiray qoys dhan, laakiin hadda qiimo ma leh [maba shaqeyso]. Dadka oo dhan ayaa dareemaya xanuunka dhibaatadan!” ayuu yiri Farxaan.

Daa’uud Cali Xersi oo ah 27 jir, sidoo kale ka shaqeysan jiray sarrifka lacagaha ayaa sheegay in qoyskiisa oo saddexda waqti dabka shidan jiray uu hadda awoodi la’ yahay hal waqti. Wuxuu maalinkii faa’iido ahaan u heli jiray shan ilaa iyo toban doollar. Lacagtaan ayuu qoyskiisa bishii mar ugu soo qaadi jiray raashin ku filan oo bille ah. Balse haatan waxay ku tiirsan yihiin caawimaad ay ka helaan deriskooda iyo qaraabada.

“Aabbe wax laga sugayo ayaan ahay. Gurigayga iskama fadhin karo, subax walbo suuqa ayaan aadaa siddeedda subaxnimo si aan u arko bal inaan kaalmo ka heli karo asxaabteyda, balse waxaan galabkii soo laabtaa anigoo gacmo-maran,” ayuu yiri Daa’uud.

“Waxaan haystaa laba carruur ah oo u baahan caano, mana u awoodo. Wallahi, rafaad ayaan isaga noolnahay.”

Cabduqaadir Saciid Daahir oo ah agaasimaha waaxda horumarinta shillin Soomaaliga ee wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xafiiskiisa uusan wax ka qaban karin arrinta soo celinta shillin Soomaaliga maaddaama xilka daabicista iyo ilaalinta lacagta ay u kali tahay dowladda federaalka ah. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay dayacday kaalinteeda, kuna guul-darreysatay ilaalinta lacagta qaranka.

Previous Post

Qashinka laga fogeeyo magaalada oo dhibaato ku haya xoolo-dhaqatada hareeraha Cadaado

Next Post

Boqollaal arday oo waxbarasho-la’aan looga cabsanayo markii iskuulladooda ay ka go’day taageero ay ku tiirsanaayeen

Related Posts

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Next Post
Arday, Somali

Boqollaal arday oo waxbarasho-la’aan looga cabsanayo markii iskuulladooda ay ka go’day taageero ay ku tiirsanaayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo