(ERGO) – Xoolo-dhaqatada ku nool agagaarka magaalada Cadaado iyo miyiga u dhow ayaa sheegay in xoolahooda ay dhibaato caafimaad kala kulmaan cunista qashinka magaalada laga qaado oo lagu daadiyo dhul-daaqsimeedkooda.
Maxamed Cabdullaahi Dhoorre wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada ay arrintan saameysay. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ilaa bishii May ee sanadkan ay 21 ari ahaa uga dhinteen bac ay cuneen oo caloosha uga marantay darteed, halka dhowr neef oo kale ay ka xanuunsadeen. Wuxuu go’aansaday in 69 neef oo u soo hartay, kuwaasi oo ay 25 ka xanuunsan yihiin uu ula hayaamo deegaanka Biyo-gaduud oo 20 km u jirta halkii uu xoolaha ku dhaqanayay.
“Neefkii lama daba joogi karo oo qashinkii lagama dhicin karo. Haddii neefku bicihi cuno gadashana ma galo, dhaqashana ma galo, markaasna wax aan ku samayno haba yaraatee ma naqaanno haddii uu iska joogana hortaada ayuu ku baqtinayaa,” ayuu yiri.
Sida u sheegay Maxamed, wuxuu xoolaha ku dhaqanayay deegaan miyi ah oo 8 km koonfur ka xiga Cadaado, halkaas oo uu ku lahaa barkad u keydisa xareedda, hase ahaatee qashinka dartiis ayuu uga guuray. Qashinka ayay gawaari iska-rogeyaal ah ka soo qaadaan magaalada Cadaado subax walba waxayna ku daadiyaan dhul-daaqsimeedka.
“Bicihii iyo qashinkii dhamaa inta ay bidaan ayay dhirta ku dhagaan,” ayuu yiri.
Xoolo-dhaqatada ayay inta badan noloshooda ku tiirsan tahay iibinta xoolaha waaweyn, kuwaasi oo ay ka iibiyaan dallaalada u sii iib-geeya waddamada Carabta ama ka iibiya dadka deegaanka ee ka ganacsada hilibka xoolaha.
Xoolaha bacda cunay oo xanuunka dartiis caato noqday, iibna aan geli karin ayuu xusay Maxamed inay ku qasabtay saddexdii bil ee u dambeysay inuu nolosha qoyskiisa oo sagaal qof ah ka dabbaro shaqo xoogsi ah oo uu ka soo qabto Cadaado. Gawaarida xamuulka ah ayuu rarka ka dejiyaa, wuxuuna ugu badnaan ka helaa $6 maalintii.
Gawaarida qashinka ku daadiya dhul-daaqsimeedka ayaa sidoo kale godad ka qoda dhulka si ay ula soo baxaan dhagaxyada guryaha lagu dhiso. Xoolo-dhaqatada ayaa sheegay in daaqa deegaanka oo markii horeba yaraa uu sii baaba’ayo.
Cabdiqani Cabduqaadir Maxamed oo deegaanka Gal-dhuumood, oo 15 km galbeed ka xigta Cadaado ku dhaqanaya 120 neef oo ari ah ayaa sheegay in labaatan neef oo ari ahaa ay ka dhinteen intii u dhaxeysay bilihii Febraayo iyo Agoosto ee sanadkaan. Soddon neef oo xoolaha u haray ku jira ayuu sheegay inay ka xanuunsan yihiin. Wuxuu eedda saarayaa qashin-qubka aan sharciyeysnayn.
“Qashinku duunyada kaliya kuma hayo caafimaad-darro ee waxa uu caafimaad-darro ku hayaa dadka. Waxyaabaha isbitaallada laga soo fogeeyay [waxaa ku jira] sida galoofisyada, face-mass-ka iyo cirbadaha dadka jirran lagu duro. Qashinka markii meesha lagu soo rogo carruurta yaryar waa isaga cayaarayaan waxaana ka dhalan kara xanuunno faro badan oo halkaas dhibaato badan ka gaysan kara,” ayuu yiri.
Maamulka degmada Cadaado wuxuu god ka qoday meel duleedka waqooyi ee magaalada ah, halkaas oo loogu talagalay in dadku ay qashinka geeyaan si loogu gubo.
Hase yeeshee ma jiraan gaadiid ama shirkad si gaar ah uga shaqeysa fogeynta qashinka.
Dhaqtar Maxamed Axmed Nuurre oo bartay xannaanada xoolaha wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in nafaqeynta neefka looga hortagi karo inuu cuno bacda. Wuxuu sidoo kale sheegay in dawada loo yaqaanno Mineral blocks-ka oo la siiyo neefka looga ilaalin karo inuu cuno bacda, inkastoo aysan dawadu oollin dalka balse laga heli karo waddamada deriska ah.
Xoolaha cuna bacda ayaa waddada kaliya ee lagu daweyn karo ay tahay in caloosha laga qalo si looga soo saaro bacda.
Urur ay ku mideysan yihiin koox dhallinayaro ah oo ay tiradooda tahay 20 mutadawiciin ah ayaa bulshada ka wacyigeliya dhibaatada uu qashinku u geysan karo dadka deegaanka iyo xoolaha.
Cabdinuur Ciise Cilmi oo ah guddoomiyaha ururkaas ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo bishii afaraad ee sanadkaan ay iyaga iyo reer-miyigu iska kaashadaan gubidda qashinka.