Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas dagaallo ka soo barakacay oo cidlo ku soo dhacay markii dadka deegaanka ay sii wadi kari waayeen caawintooda

Radio Ergo by Radio Ergo
September 17, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah, Somalia

Qoysaska u barakacay degmada Doolow oo hoy-la'aan ay haysato/MaxamuudCabdirashiid Cabdi/Ergo

7
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Cumar Jaamac oo ah aabbaha siddeed carruur ah waxay nolosha ku qasabtay inuu ka dawarsado waddooyinka tuulada Aboore, kaddib markii uu qoyskiisa kala soo barakacay beer uu ku lahaa deegaanka Xabaal-jiirow ee gobolka Gedo.

“Hal waqti ayaan hadda gacanta wax gashannaa aniga iyo ciyaalkiiba. Maalinkii geed baan madaxa la galnaa, calalaan dadalaalimeysannaa, habeenkiina bannaankaan seexannaa, carruurtii, aniga iyo bannaankaan naalnaa,” ayuu yiri.

Aabbahan iyo qoyskiisa ayaa ka mid ah 285 qoys oo ay cunno-yari iyo hoy-la’aan ku hayso tuulada Aboore ee degmada Doolow. Qoysaskaan ayaa shantii Luulyo ka soo barakacay dagaal beleed ka dhacay deegaannada Baar-masare iyo Xabaal-jiirow.

Nolosha Maxamed iyo qoyskiisa waxay ku tiirsaneyd beer lix hektar ah iyo 40 neef oo ari ah, kuwaasi oo uu uga soo tagay tuulada Xabaal-jiirow. Beerta waxaa ugu abuurnayd yaanyo, qare, ansalaato, barbarooni iyo basal.

Muddo labo bil ah waxay dulsaar ku ahaayeen qoys deggen tuulada Aboore. Hase ahaatee, 20-kii Agoosto ayuu qoyskii ku wargeliyay inay ka guuraan maaddaama aysan xamilli karin inay sii caawiyaan dhaqaalahooda oo iska hooseya awgeed.

“Saddex bilood camal ayaan joognaa, waxa weeye dadkii ayaan culeys badan ku soo kordhinnay. Waxay na caawinayeen 46 maalmood inkastoo iyaga naftooda ay danyar iska yihiin. Waxaan u baahannahay gargaar degdeg ah in nala soo gaarsiiyo,” ayuu yiri.

Xuseen Maxamed oo sidoo kale qoyskiisa kala soo barakacay deegaanka Xabaal-jiirow ayaa sheegay in tan iyo markii uu tuulada Aboore yimid uu raadinayay shaqo xoogsi ah, si uu reerkiisa guri ugu kireeyo.

Ninkaan oo qoyskiisa uu ka kooban yahay toddobo carruur ah iyo hooyadooda ayaa sheegay in qoyskii uu dulsaarka ku ahaa ay u sheegeen 25-kii Agoosto in aysan caawin karin intaas ka badan.

“Xaaladdu caadi ah ma ahan, meel geed hoostiis ah ayaan baco iyo jawaanno aan xaafadaha ka qaaday ciyaalka ugu xidhay, meeshaas ayaa hadda hoy noo ah. Wax gogol ah iyo wax cunto fiican ah oo aan haysanno ma jiraan,” ayuu yiri.

“Dadka deegaanka iyo tuulada ayaan dhex mar marnaa. Raashin bisil iyo mid ceyriin ah waxaan u helno ayaan u aruuriyaa, marna waanba weynaa. Xaalka aan hadda ku sugannahay waa mid Ilaahay og yahay.”

Xuseen ayaa beeraha ku yaalla deegaanka Xabaal-jiirow soo fali jiray si uu reerkiisa nolol-maalmeedka ugu soo saaro.

Wuxuu xusay inuu ku fikiray in qoyskiisa uu dib ugula laabto deegaanka Xabaal-jiirow, balse ay u suurtagali wayday maaddaama doon yar oo ay webiga Jubba ku soo gudbeen aysan hadda shaqaynaynin. Doonta waxaa la wareegay koox hubeysan oo hakiyay isu-socodka dadkii soo gali lahaa tuulada iyo kuwii ka bixi lahaa.

Xuseen ayaa tilmaamay in waddada kaliya ee u furan ay tahay in uu ka soo wareegto dhanka berriga ee Itoobiya, balse aysan heysan wax sharci oo ay ku dhex maraan dhulkaas ama lacag ay ku kireystaan gaari geeya ilaa iyo halka ay u socdaan.

“Waqti xaadirkan meesha aan joogno inay sii xumaato mooyee, ka soo reyn ma lahan, waxaan sameeyana waan garan la’ahay. Hadda waxaa ii qorsheysan inaan aado xeryaha qaxootiga ee Itoobiya, haddii ay ii suurtagasho inaan halkaas ula cararo ilmaha, intii ay halkan ugu dhiman lahaayeen baahi.”

Guddoomiyaha deegaanka Aboore Isaaq Liibaan Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka deegaanka oo ku tiirsan dhaqashada xoolaha ay awoodi waayeen inay taageeraan dadka barakaca ah labo bil oo ay caawinayeen kaddib, maaddaama aysan wali ka soo kaban abaartii heshay intii u dhaxeysay dhamaadkii sanadkii hore iyo billowgii sanadkaan.

Isaaq ayaa xusay in muddada lixdanka cisho ka badan ee qoysaskan ay la joogaan aysan helin gargaar ka baxsan kan ay ka heleen qoysaska deegaanka.

“Dib u dajin ayaan u sammeynay, qoys kastaba qoys ayaan ku darnay, awood kale umaanan haynin. Digsi, biyo, caagado iyo cunto, wixii qoyskan ku nool yahay kula noolow ayaan dhahnay. Qoysaskiina waan ka dhaadhicinnay. Awood kale umaanan hayn, wax qabad kalena umaanan qabanin,” ayuu yiri.

Previous Post

Dad barakac ah oo shaqooyin ka helay saxarada lo’da oo loo beddelo gaas dabiici ah

Next Post

Qashinka laga fogeeyo magaalada oo dhibaato ku haya xoolo-dhaqatada hareeraha Cadaado

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Qashinka laga fogeeyo magaalada oo dhibaato ku haya xoolo-dhaqatada hareeraha Cadaado

Qashinka laga fogeeyo magaalada oo dhibaato ku haya xoolo-dhaqatada hareeraha Cadaado

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo