(ERGO) – Faadumo Nuur Maxamed oo ah hooyada toddobbo carruur ah waxay ku faraxsan tahay inay haysato shaqo joogta ah oo ay ku dabbarto nolol-maalmeedka carruurteeda. Waxay ka mid tahay 135 qof oo barakac ah oo shaqo ka helay warshad soo saarta gaaska dabiiciga ah iyo agabka bacriminta beeraha oo ku taalla Muqdisho.
“Lixda subaxnimo ayaan shaqada soo galaa. Waxaan soo guraa saxarada lo’da oo hadba meel ayaan tagaa, meelaha aan ka soo guro waxaa ka mid ah Yaaqshiid, Kaaraan iyo Daarasalaam. Mar walba waxaan aadnaa meelaha ay xoolaha u badan yihiin oo ay shirkadda noo tilmaanto,” ayay tiri.
Faadumo oo ku nool xerada barakaca ee Rajo ee degmada Hodan ayaa isbuucii shaqeysa lix maalin.
Digada lo’da oo ay soo guraan Faadumo iyo kooxda kale ee warshadda ka shaqeysa waxaa lagu soo qaadaa gaadiid ay leedahay xarunta.
Labaatankii kiilo ee digo ah oo ay soo uruuriso ayaa laga siiyaa shan doollar iyo bar. Waxay sheegtay in maalinkii ay ugu badnaan hesho toddobo doollar, taasoo ay ku dabbarto cuntada qoyskeeda iyo waxbarashada wiilka ugu weyn ilmaheeda oo dhigta fasalka tobonaad, kaasi oo ay bishii ka bixiso $12.
“Mararka qaar dadka waxay nagu caayaan shaqada aan heyno. Waxay nagu leeyihiin ‘in aad saxarada ururiso maad nolol ka raadinaysaa wax kale oo aad ka shaqeysato miyaad weyday?’ Sidoo kale subixii aroortii meelaha qaar markii aan tago albaabka ma lagaa furayo waana lagu soo burinayaa,” ayay tiri.
Hase ahaatee, aflagaaddada ay la kulanto waxba uma aragto maaddaama shaqada ay uga wanaagsan tahay shaqooyinka qaar, sida dhar-dhaqista oo aysan ka heli jirin wax ka badan 100,000 oo shillin Soomaali ah.
Faadumo oo saygeeda uu geeriyooday 2016-kii ayaa carruurteeda Muqdisho ula soo barakacday 2017-kii markaas oo abaar ay ka laysay 100 neef oo ari ah oo ay ku dhaqaneysay baadiyaha degmada Xudur.
Qaar ka tirsan dhallinyarada ku nool xeryaha barakaca oo warshaddaan shaqada ka helay ayaa qoysaskooda ka taageeraya nolol-maalmeedka.
Maxamed Geelle Xasan, oo 25 jir ah, wuxuu nolosha hooyadiis iyo afar walaalihiis ah ka biilaa afar ilaa shan doollar oo uu maalinkii ka helo warshadda oo lagu magacaabo Jiko BioGas.
Ninkan dhallinyarada ah ayaa ka nasiyay hooyadiis, oo suuqa ku wareejin jirtay looska.
“Lacagta aan soo shaqeeyo waxaan ku taageeraa qoyskeyga, gaar ahaan hooyadey maaddaama aan ahay qofka ugu weyn qoyska oo ay ku tiirsan yihiin,” ayuu yiri Maxamed, oo ay reerkooda uu barakac noqday markii beer ay ku lahayeen magaalada Jowhar ay ka qaadday fatahaadda webiga Shabeelle ee sanadkii 2019.
Guddoomiye ku-xigeenka warshadda Jiko BioGas, Cabdirisaaq Barre Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in shaqaalaha ugu badan ee shirkaddooda ka shaqeeya ay ku nool yihiin xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaalla magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Warshadda ayaa xarumo ku leh labada magaalo.
Sidoo kale warshadda ayaa siisa qoysaska barakaca ah gaas lacag la’aan ah oo ay ku karsadaan raashinka beddelkii ay u lugeyn lahaayeen duurka si ay xaabo u soo gurtaan.
Jiko BioGas oo la aasaasay sanadkii 2017-kii ayaa ujeedkeedu wuxuu yahay in ay soo afjarto isticmaalka xaabada iyo dhuxusha oo ayna ku beddesho gaas nadiif ah oo raqiis ah, kaasi oo hoos u dhigaya isbeddelka cimilada.
“Mashruucaan waxyaabaha laga faa’iidayo waxaa ka mid ah soo-saarka gaas dabiici ah oo cuntada lagu karsado iyo agabka bacriminta beeraha, kuwaasi oo ka wanaagsan kuwa bannaanka laga keeno. Waxaan u dirnay agabkeenna bacriminta beeraha Galhareeri, Garden houses-ka Muqdisho ku yaalla, iyo beeraha gobolka Shabeellaha dhexe. Dhamaantooda aad ayay u amaaneen, dalabkooduna wuu batay,” ayuu yiri Cabdrisaaq.











