Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dad barakac ah oo shaqooyin ka helay saxarada lo’da oo loo beddelo gaas dabiici ah

Radio Ergo by Radio Ergo
September 17, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Gaas dabiici ah, Somalia

Shaqalaha shirkadda gaaska dabiiciga ah oo qasaya digada lo'da /Rijaal Cabdi Maxamed/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Nuur Maxamed oo ah hooyada toddobbo carruur ah waxay ku faraxsan tahay inay haysato shaqo joogta ah oo ay ku dabbarto nolol-maalmeedka carruurteeda. Waxay ka mid tahay 135 qof oo barakac ah oo shaqo ka helay warshad soo saarta gaaska dabiiciga ah iyo agabka bacriminta beeraha oo ku taalla Muqdisho.

“Lixda subaxnimo ayaan shaqada soo galaa. Waxaan soo guraa saxarada lo’da oo hadba meel ayaan tagaa, meelaha aan ka soo guro waxaa ka mid ah Yaaqshiid, Kaaraan iyo Daarasalaam. Mar walba waxaan aadnaa meelaha ay xoolaha u badan yihiin oo ay shirkadda noo tilmaanto,” ayay tiri.

Faadumo oo ku nool xerada barakaca ee Rajo ee degmada Hodan ayaa isbuucii shaqeysa lix maalin.

Digada lo’da oo ay soo guraan Faadumo iyo kooxda kale ee warshadda ka shaqeysa waxaa lagu soo qaadaa gaadiid ay leedahay xarunta.

Labaatankii kiilo ee digo ah oo ay soo uruuriso ayaa laga siiyaa shan doollar iyo bar. Waxay sheegtay in maalinkii ay ugu badnaan hesho toddobo doollar, taasoo ay ku dabbarto cuntada qoyskeeda iyo waxbarashada wiilka ugu weyn ilmaheeda oo dhigta fasalka tobonaad, kaasi oo ay bishii ka bixiso $12.

“Mararka qaar dadka waxay nagu caayaan shaqada aan heyno. Waxay nagu leeyihiin ‘in aad saxarada ururiso maad nolol ka raadinaysaa wax kale oo aad ka shaqeysato miyaad weyday?’ Sidoo kale subixii aroortii meelaha qaar markii aan tago albaabka ma lagaa furayo waana lagu soo burinayaa,” ayay tiri.

Hase ahaatee, aflagaaddada ay la kulanto waxba uma aragto maaddaama shaqada ay uga wanaagsan tahay shaqooyinka qaar, sida dhar-dhaqista oo aysan ka heli jirin wax ka badan 100,000 oo shillin Soomaali ah.

Faadumo oo saygeeda uu geeriyooday 2016-kii ayaa carruurteeda Muqdisho ula soo barakacday 2017-kii markaas oo abaar ay ka laysay 100 neef oo ari ah oo ay ku dhaqaneysay baadiyaha degmada Xudur.

Qaar ka tirsan dhallinyarada ku nool xeryaha barakaca oo warshaddaan shaqada ka helay ayaa qoysaskooda ka taageeraya nolol-maalmeedka.

Maxamed Geelle Xasan, oo 25 jir ah, wuxuu nolosha hooyadiis iyo afar walaalihiis ah ka biilaa afar ilaa shan doollar oo uu maalinkii ka helo warshadda oo lagu magacaabo Jiko BioGas.

Ninkan dhallinyarada ah ayaa ka nasiyay hooyadiis, oo suuqa ku wareejin jirtay looska.

“Lacagta aan soo shaqeeyo waxaan ku taageeraa qoyskeyga, gaar ahaan hooyadey maaddaama aan ahay qofka ugu weyn qoyska oo ay ku tiirsan yihiin,” ayuu yiri Maxamed, oo ay reerkooda uu barakac noqday markii beer ay ku lahayeen magaalada Jowhar ay ka qaadday fatahaadda webiga Shabeelle ee sanadkii 2019.

Guddoomiye ku-xigeenka warshadda Jiko BioGas, Cabdirisaaq Barre Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in shaqaalaha ugu badan ee shirkaddooda ka shaqeeya ay ku nool yihiin xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaalla magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Warshadda ayaa xarumo ku leh labada magaalo.

Sidoo kale warshadda ayaa siisa qoysaska barakaca ah gaas lacag la’aan ah oo ay ku karsadaan raashinka beddelkii ay u lugeyn lahaayeen duurka si ay xaabo u soo gurtaan.

Jiko BioGas oo la aasaasay sanadkii 2017-kii ayaa ujeedkeedu wuxuu yahay in ay soo afjarto isticmaalka xaabada iyo dhuxusha oo ayna ku beddesho gaas nadiif ah oo raqiis ah, kaasi oo hoos u dhigaya isbeddelka cimilada.

“Mashruucaan waxyaabaha laga faa’iidayo waxaa ka mid ah soo-saarka gaas dabiici ah oo cuntada lagu karsado iyo agabka bacriminta beeraha, kuwaasi oo ka wanaagsan kuwa bannaanka laga keeno. Waxaan u dirnay agabkeenna bacriminta beeraha Galhareeri, Garden houses-ka Muqdisho ku yaalla, iyo beeraha gobolka Shabeellaha dhexe. Dhamaantooda aad ayay u amaaneen, dalabkooduna wuu batay,” ayuu yiri Cabdrisaaq.

Previous Post

Qoysaska ugu nugul ee ku barakacay Gedo oo helay raashin gargaar ah

Next Post

Qoysas dagaallo ka soo barakacay oo cidlo ku soo dhacay markii dadka deegaanka ay sii wadi kari waayeen caawintooda

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Qoysas barakac ah, Somalia

Qoysas dagaallo ka soo barakacay oo cidlo ku soo dhacay markii dadka deegaanka ay sii wadi kari waayeen caawintooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo